Wednesday, 20 January 2010

wareysi Dr cabdi aw daahir 20070311


waraysi madaxbanaan oo lala yeeshay dr. mj. cabdi aw daahir madaxda xisbiga kulm
waraysi madaxbanaan oo lala yeeshay dr. mj. cabdi aw daahir madaxda xisbiga kulm


--------------------------------------------------------------------------------

Waxa waraysi khaas ah lala yeeshay Mj. Dr.Cabdi Aw Daahir oo ka mida siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ee Kulmiye JSL. Hadaba weriye Kayse Axmed Digaale oo Dr Cabdi Aw Daahir ku waraystay Burco ayaa wax ka waydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo, muranka ka dhex oogan dawladda iyo sida uu hadda yahay xidhiidhka Ethiopia iyo JSL.


Waxaanu waraysi khaasa la yeelanay Dr.Cabdi Awdaahir oo ka mida siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ee Kulmiye,hadaba weriyahe Kayse Axmed Digaale oo Dr Cabdi Awdaahir ku waraystay Burco ayaa wax ka waydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo ,muranka ka dhex oogan

Madaxweynaha,Komishanka,Wakiilada iyo xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ,waraysigaa oo xiiso badan waxa uu udhacay sidan.

S/ Muddooyinkan u dambeeyay waxaad ku sugnayd Burco, maxaad hawla ee aad qabataa?

J/Waxaan ku shaqeeya mihnadaydii dhakhtarnimo; labada gelinbana waxaan u adeega dadweynaha u baahan daryeelka caafimaadka gaar ahaan gobolka Togdeer, cusbitaalka guud ee Burcona waxaan ku sameeyaa qalliino markii loo baahdo.

S/ Waxa maalmahan danbe soo baxaaya khilaafyo u dhexeeya Md. Rayaale, golaha wakiilada, komishanka iyo kulmiye, sidaad u aragtaa arrinkaas?

J/ Somaalidu waxay tidhaahdaa arrin murugsan haddaad aragto ama midh aan ku jirin ayaa la soo geliyay ama midh ku jiray ayaa laga saaray.

Hadaba layskuma hayo in madaxweynaha, Guurtida, iyo axsaabto uu sharcigu wadar ahaan u wadaajiyay in ay soo magacaabaan xubnaha Komishanka. Hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah ee ansixintooda waxa gebi ahaanba iska leh golaha wakiilada cid uu sharcigu kula labeeyay ma jirto.
Sidaad la socotaan golaha wakiiladu may ansixin 6dii xubnood ee cusbaa ee la soo hordhigay . Waxay ahayd in madaxweynuhu ku qanco oo sharciga u hogaansmo ,oo uu garto waar sida adigaba laguu aqbalaayo wixii awood sharcigu ku siiyay, dee adna aqbal wixii u golayaasha sharcigu siiyey, balse wuxuu doortay tii ugu foosha xumayd oo wuxuu sharci darro u adeegsaday ciidankeenii, inqilaabna ku afgambiyay Komishankii.
Komishankuna waa hayadda ugu madaxbannaani badan qarankan, sharcina way ku joogayaan ,sharcina way ku tagayaan, hase yeeshee qori , jujuub iyo awood maroorsi laguma kaxayn karo.

S/Arrinkani ma abuuri karaa muran siyaasadeed oo khatar ku keeni karaa Somaliland. Haddii xal loo waayo?

J/ Horta arrinku qaybtiisii hore wuxuu haystay waddadii sharciyada iyo dimuqraadiyadda oo qoladii komishanka soo jeediyay xaq bay u lahaayeen, kuwii ansixin waayayna xaq bay u lahaayeen, golaha wakiiladuna in ay komishankii hore u cusboonaysiiyaan xaq bay u lahaayeen. Waxaa inagala baxay waddadii madaxweynaha , oo maalintii jimcaha inoo adeegsaday ciidankii qaranka oo komishankiina inqilaabay. Khatarta arrinkaasu keeni karana madaxweynaheeniii ayaa ina geliyay. Xalkuna waa mid keliya, oo waa madaxweynaha oo aan adeegsanin ciidanka ee sharciga u hoggaansama, aqbalana go,aanka wadarta golaha wakiilada..

S/ Talaabadan baarlamaanku ugu kordhiyay komishanka qaranka way ku degdegeenmiyaan la odhan karin? la odhan karaa?

J/ horta marka soo jeedinta laga tago, go,aanka kama dambaysata ah ee ah ansixinta,ama ansixin la’aanta, cusboonaysiinta intaba waxaa iska leh golaha wakiilada. Waxaan qabaa markay kuwii cusbaa ee la soo gudbiyay ay golaha wakiiladu diideen, ayay sharciyan muddadii u korodhay Komishankii hore, oo meeshu ma banaanaanayso. ee waa in kuwii hore loo cubooneysiiya, sida ku cad xeerka 20aad qodobkiisa 11aad, xarafkiisa 1c oo odhanaaya komishanka hawshoodu waxay ku dhammaanaysaa marka golaha wakiiladu komishan cusub ansixiyo , kuwii horena waa loo cusbooneysiin karaa, haddii kuwa cusub la ansixin waayo.

S/Marka laga tago dhaliisha iyo canbaaraynta xisbiyada mucaaridku u jeediyo xukuumadda, ma keenaan qorshe lagaga gudbi karo dhibaatooyinka dalka taagan?

J/ Haa, immisa arrin ayay axsaabtu talooyin,iyo qorshe ka soo jeediyeen. talooyinkii arrimaha bariga somalilaand, talooyinkii arrimaha ku soo kordhay mandaqada, talooyinka la dagaalanka musuqmaasaqa, talooyinka kordhinta mushaharka ciidammada iyo shaqaalaha,talooyinka darajaynta ciidamada, talooyinka istraatiijiyadda xidhiidhka dawladaha aynu jaarka nahay, talooyinka xorriyadda saxaafada, iyo lahaanshaa idaacado madaxbannaan, talooyinka beddelka lacagta giimbaarka ee Burco, lama soo koobi karo.
Immisa go’aan ayay golaha wakiiladu soo saareen, intaba xukuumadda ayaa diiday inay fuliso. Waxaynu fulin doonaa, insha allah markaynu talada kala wareegno maamulkan oo aynu dhisano maamul mayalsan oo caqliga wax ku xukuma , curfi iyo mitidnimo intaba ka fog waxna xeeriya, shacabkuna uu na siiyo codkooda.

S/Dad badan ayaa qaba baarlamaankan wixii loo doortay ee ummaddu ka sugayso in uu wax ka qabto uu gabay, isla markaana buuq kale ayuu soo kordhiyay. Sidan ma u aragtaa adigu?

J/ Baarlamaanku waxay leeyihiin awoodda sharci dejinta , soo saaridda go,aamada muhiimka ah ,ansixinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, hase yeeshee ma leh awoodda fulineed, waxa allalyo wixii ay go,aamo iyo talooyin ay gaadheen waxa fulin waayay amaba ciidan iyo xoog kaga horyimi qoladii lahayd fulinteeda iyo ayidaadeeda oo ah xukuumadda; golaha wakiilada waa la garbaduubay, waxay u baahanyihiin awoodda iyo taageerada shacabka si ay go,aamadoodu u fulaan, haddii kale dee maalin walba waa la inqilaabayaa go,aamadoodii sharciyaeed ee dalka wax u taraayay,

Waxaana suuragal ah ifafaalaha ka muuqda xukuumaddan, haddii golaha wakiiladu miisaaniyadda 2007 ansixin waayaan in iyagana ciidamo lagu wareejiyo. qasabna la yidhaahdo ku ansixiya.

S/ Axsaabta siyaasadda qaranku waxay noqdeen kuwo fadhiid ah oo ku kooban Hargeysa oo keliya, xilliyada doorashada oo keliya yimaada gobolada dalka halkii looga baahnaa inay xafiisyadoodii ka furmaan ilaa heer tuulo oo taageerayaashooda diiwaan geliyaan oo sii wacyigeliyaan ,markaa miyaa la odhan karaa kursiga madaxtooyada ayuunbaa la kala kacsanayaa waxqabad ummadeed ma jiro?

j/ Mid waxbaa ka jira, oo ta fadhiidnimada iyo gaabiska axsaabta guud ahaanba muxaafid iyo mucaaridba waan qirayaa. Duruufo gaar ahaaneed oo saameeyaana way u weheliyaan, ha noqoto mid farsamo , curdinnimo, iyo mid dhaqaalaba ,gaar ahaan xisbiyada mucaaridka. Mid baan se idiin sheegayaa ma beddelayno oo keliya kursiga madaxtooyada , ee haddii aan talada qabano waxaan la iman doonnaa haddii eebe idmo barnaamaj dhab ah oo isbeddel ku sameeya dalka iyo dadkaba, waxaan hubaa ilaahaybaa wax hubee in aanu tub ka wanaagsan ,ka horumarsan, ugana lexejeclo badan dalka ku hagi doonno, ka imminka maamaulkano ku hago..

S/Haddii madaxweynuhu ku adkeysto xubnaha kommishanka ee cusub baarlamaankuna diido, xalku siduu noqonayaa?

J/ Horta xeerka doorashooyinku wuxuu u oggolyahay golaha wakiilada in ay ansixiyaan ama diidaan xubnaha cusuub ee la horkeeno , hase yeeshee xeerku ma siinin madaxweynaha in uu ku sii adkeysto wax la ansixin waayay, ee waa in uu hogaansamaa go,aanka golaha wakiilada. Xalkuna waa kaas . haddii se madaxweynuhu ku sii adkeysto oo ciidan isticmaalo, waa in dadweynuhu yidhaahdaan xoog maya, haddii uu dhawaaqa shacabka diido waa bilaayo labaad oo inagu habsatay, iyaduna taladeed ayay leedahay.

S/ Dr. Cabdi, Arrinkii Saamayn weyn oo qaran ayuu yeeshee, ma aragtaa xal dhexdhexaad ah oo dhinacyada qanciya , sharcigana waafaqsan?

J/ Marka kowaad ,waa in mabda ahaan madaxweynuhu oggolaadaa go,aanka wakiilada oo uu xasuustaa in uu golaha soo hordhigay golihiisii wasiirada oo loo ansixiyay, oo uu miisaaniyadii 2006 soo hordhigay oo loo ansixiyay , oo uu guddoomiyihii sare ee maxkamadda soo hordhigay oo loo ansixiyay. Intaba wuxuu yidhi Haggaag ,Guddoon, Haddaba waa in u filan karaa in mid lugu diidi karaa ay jiri karto, tanna ay noqotay, iyadana waa in uu yidhaahdaa sida seddexda arrin ee hore oo kale, hagaag iyo guddoon.
Waxaan se raacin lahaa In Madaxweynaha, shirguddoonka baarlamaanka, labada guddoomiye ee xisbiyada, iyo guddoomiyaha komishanku ay isu yimaadaan, dabadeed laga tashado sidii loo qorqori lahaa xubnihii hore ee goluhu dib u ansixiyay, iyadoo sharciga la waafajiyo, cod midaysanna intoodaasu dadka gaadhsiiyaan, uu madaxweynuhu dhigo seeftan mintidka ah ee af iyo addinba leh, marna uu awood ciidan isticmaalaayo, marna hayadihii qaranka ugu mudnaa uu ku yidhi, kana dhigay, wax fulayaal ah ,wax beenaalayaal ah iyo wax nacasya ah. Madaxweynuhu waa inaanu maqlin kuwa mar walba carinaaya ee talana uga dhigay yaan lagaa badsan, ee waa inuu u jajabnaada talada dadweynaha iyo sharciyadda.

S/Itoobiya xidhiidhka Somaliland ay la leedahay waxay ka danaysaa ka ay la leedahay Puntland iyo k/soomaaliya. Madaxdooduna waxay marar badan ku celcelisay in aanay aqoonsanayn weligeed, markaa maxay tahay faa,iidada inoogu jirta xidhiiddhka Itoobiya?

J/ Marka hore dan weyn baa inoogu jirta in aynu xidhiidh sokeeye , jaarnimo, deriswanaag, nabadgelyo, iyo wax wada qabsi la yeelano dalka iyo dawladda itoobiya, hase yeeshee waa dhab oo shalay (waqtigii marxuum cigaal) Itoobiya waxay odhan jirtay haddaanu noqon weyno qolada ugu horreysa ee idin ictiraafta ,waxaanu noqonaynaa qolada labaad, maanta( waqtigan rayaale) Itoobiya waxay ku celcelisaa sidaad sheegtay in aanay weligeed Somaliland aqoonsanayn. Haddaba maamulka Itoobiya waa maamulkii , ee waxa isbedelay waa maamulkeennii
. Sidaa aynu u aragno in safarrada madaxdeenna ay ugu badantahay dalxiis iyo tamashle oo aan lahayn ujeeddooyin iyo himilooyin waaqici ah oo ay higsanayaan iyo dareenka rabitaan la,aaned ee qadiyadda somaliland ee ka muuqda hogaangeena, ayuu caalamkuna si ka sii badan oo ka xuuraan dheer sideenna ula socdaa. Waxaanan aaminsanahay markaanu talada ka beddelo maamulkan Insha allah kal dambe, mawqifka dawlada farabadan oo ku wajahan qaddiyadda somaliland waxay isu beddeli doonaan sidan si ka toosan.

S/Waxaad tahay siyaasi mucaarid ah oo si weyn loo yaqaan, kana mid ahaa xukuumaddii M/Cigaal. Haddaba maxay tahay sababta inaga hortaagan inaynu xidhiidh la yeelano dalalka Jabouti , Eriteriya, suudaan iyo Waddamada carabta oo inagu koobay Itoobiya?

J/ Horta Itoobiya lafteeda xidhiidhkeenu waa ka aynu horey u soo sheegnay ee maaha mid qoto iyo istraatiijyad dhab ah iyo miisaan isu dheelitiran leh. Su’aashana haddaan si caam ah uga jawaabo, waa arrin ka turjumaaya majara la’aanta dhabta ee ka jirta siyaasadda arrimaha debedda ee maamulkanu dalka ku hagaayo.
Waxaan qabaa in loo baahanyahay in dhammaan dalalkaa aad sheegtay xidhiidh wanaagsan lala yeesho, mid iskii iskaga kaa soo taagta mooyee.Waxaanan qabaa haddii eebe idmo oo aan talada ku guuleysanno in aanu dejin doonno siyaasad cad oo qeexan oo ku wajahan siyaasaddeenna arrimaha debeda iyo sidii aynu dalalka dantu inaga dhaxayso xidhiidh wanaagsan oo daneed ula yeelan lahayn.

S/Haddii M/weyne rayaale isu soo taago doorashada madaxtooyada , miyaanay habooneyn in axsaabta mucaaridku soo sharraxaan siyaasiyiin cusub mar haddii hore uga guulaystay guddoomiyayaasha mucaaridka?

J/ Xisbigayagu kolay wuxuu isu diyaarinayaa Shirweynahoodii labaad, kolay kaas ayuu ka soo bixi doonaa, ama lagu gorfeyn doonaa cidda la soo sharixi doonaa. Aragtidayda markaan cabiro musharraxiintu la soo saarayaa laguma xulan doono ma qaar cusubaa mise waa kuwii hore, waxaase la qiimayn doonaa yaa maanta aynu miidaanka keena oo dalka wax ugu filan , baratankana ka baxaaya.
Hase yeeshee mid kastoo la keenaba, kolay hawsha xisbigayagu waxay noqonaysaa mid wadareed ee ma noqonayso mid madaxtooyada oo keliya fadhida , lagana soo yeedhiyo halkaas, hadaanu guuleysano insha allah.

S/Waxaa dhawaanahan la hadal hayay shirweyne ay isugu timaado beelaha H/Y, arrintan maxaad kala Socotaa?

J/ Ma filaayo, manaan maqal in nooc Shirweyne oo ballaadhan ,sidii kuwii dhici jiray oo kale la qabanaayo. Hase yeeshee meel kasta oo ay joogaan beelaha H/Y waxay isweydiinayaan siday walaalahooda kale ee reer Somalilaandba isu weydiinayaan Masiirka dalkan, iyo doorkooda muhiimka ah siday doorashooyinka soo socda uga qayb qaadan lahaayeen.

S/Maxaad Umadda talo u soo jeedin lahayd lagaga bixi karo dhibaatada dalka ka jirta.

J/ Waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa midnimadiina adkeeya iyada ayaa horumar lagu gaadhaa ,tafaraaruq guul ma keeno, nabaddaas aynu ku fadhino ee aynu ku caanamaalay xejiya oo hareeraha iska taaga,, colaadi waa burbur iyo qof inaga baxa.
Dalkan horumarkiisa iyo lexejecladiisa aynu u feejignaano, oo aynu keyd u sameyno jiilka jiilkiisa tagooga ku jira. Arrinka maantana ee adagna waxaynu kaga bixi karnaa isbeddel la sameeyo, oo waddada maanta la maraayo ee maamulkanu inagu hagaayo aan beddelo ,waddo ka duwan aynu ummadda u jeexno oo horumar fiican lagu gaadho insha allaa, taasuna waxay ku imanaysa shacabka oo aayihiisa ka tashada, Isbeddelkaana u diyaargaroba, haddii eebe idmo.

S/waxaad ku celcelisay markaanu guulaysano ayaanu waxaas qabandoono markaad maxaad ku ogaatay inaad doorashadan ku guulaysan kartaan?

J/ilaahay baa og qadarka imanaya oo cidi kama warami karto,balse ifafaalaha muuqdamarkaad eegto ee dalka qiimaynku samayso iyo dhawaaqa ka soo baxaya dadweynaha oo ay dhabahaan u arkaan in isbedel loo baahan yahay waxa ii muuqata inshallaahu in xisbiyada mucaaridku guulaysanayo oo weliba kaayagu guulaysanayo.

Togdheer News

No comments:

Post a Comment