cod-siyaasadeed ujeeddo-badan ah oo maanta lagu qabtay Hargeysa oo Fashiliyey Ajandaha Boqor Buurmadow iyo Riyaale
March 12th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Kulan doodeed ballaadhan oo uu soo qabanqaabiyey urur dhallinyaro oo magaciisa la yidhaahdo AFGARAD ayaa maanta lagau qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, halkaas oo si baahsan dood dhinacyo badan iyo ujeeddooyin siyaasadeed oo kala duwan leh la isku weydaarsadey.
Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen siyaasiyiin ka kala socdey saddexda xisbi Qaran, siyaasiyiinta ururka Qaran, Aqoonyahanno, Abwaanada waaweyn ee Reer Somaliland, Madax-dhaqameedyo, xubno ka tirsan Komishankii hore ee Doorashooyinka Qaranka, xubno ka socdey Komishanka cusub ee doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isagu ka baxay madasha ka hor intii aanay dooddu furmin, waxa mawduuca lagaga hadlayey uu ahaa “Sidee lagu heli karaa Doorashooyin si Xor iyo Xalaal ah uga dhaca dalka”. Hase yeeshee, doodda madashaasi waxay noqotay mid baahdey oo mararka qaarkood u muuqaneysey weerar iyo weerar-celis u dhexaysa siyaasiyiinta iyo dadkii madashaa isugu yimi qaarkood iyo weliba ololayaal iyo ujeeddooyin siyaasadeed oo ka baxsan mawduuca.
Waxa kale oo madashaasi daahfurtay ajande Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB ay doonayaan inay indhaha dadka ku jeediyaan xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaan Xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha ururka Afgarad ee soo qabanqaabiyey madashaas ayaa ugu horrayn hadal dheer oo uu ku furay kulankaas ka warramay ujeeddada doodda ay u soo qabanqaabiyeen, waxana uu sheegay in maadaama ay soo dhow yihiin doorashooyin, isla markaana uu xilka doorashooyinka uu la wareegey Komishan cusub ay muhiim u arkeen inay kulmiyaan dadka aqoonyahanka ah iyo dadka xog ogaalka u ah arrimaha doorashada si ay fikrad isaga weydaarsadaan sida ay suuragal u tahay in doorashooyinka soo socdaa ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah.Waxana uu xusay inuu jiro werwer ay ka qabaan doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, marka la eego waxa ka dhacay Kenya iyo nooca dimuqraadiyadeed ee ka jirta dalalka ku xeeran Somaliland.
Maxamed Xuseen, waxa uu sheegay in dadweynaha Somaliland, gaar ahaan dhallinyaradu ay danaynayaan, diyaarna u yihiin isbeddel dimuqraaddi ah oo dalka uga dhaca si nabadgelyo ah, isaga oo xusay in quus iyo rajo la’aan ummaddu ka taagan tahay xukuumadda xisbiga UDUB ee hadda talada haysa. Hase yeeshee, waxa uu soo jeediyey in isbeddelkaasi uu ka soo bilaabmo xisbiyada gudahooda iyo weliba in xisbiyada dhexdooda uu ka dhaco tartan xor iyo xalaal ah, isla markaana hoggaamiyayaashu ixtiraamaan ray’iga iyo damacyada ka soo horjeeda ee xisbiga gudihiisa, taas oo uu si gaar ah ugu eedeeyey Madaxweyne Riyaale, isaga oo tusaale u soo qaatay tallaabadii uu Madaxweyne Riyaale xilka kaga qaaday Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir, kadib markii uu ku taliyey in Madaxweyne Riyaale aanu ahayn musharraxii ku haboonaa iyo weliba go’aankii uu Madaxweyne Riyaale xilka kaga qaaday Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirkiisii Ganacsiga, kadib markii uu ku eedeeyey inuu ka ra’yi duwanaadey golaha intiisa kale.
Hadalkaa Guddoomiyaha ururka Afgarad, waxa uu godka ka soo saaray Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka biya-diidey qaabka Guddoomiyuhu u dhigay arrinta. Waxana uu markiiba ka daba qaatay Guddoomiyaha, isaga oo caddeeyey inuu ururka la soo qabanqaabiyey doodda.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud, waxa uu sheegay in uu ururka ka mid yahay, waxana uu dhalliilay hadalka Guddoomiyaha oo uu sheegay inuu ka baydhay qaabkii ajanduhu ahaa.
“Runtii ururka kan Afgarad, waxaad mooddaa sidii aan anigu ku hadlayey waxaad mooddaa inay naga yara sullaacdayoo oo Guddoomiyuhu arrinka xoogaa in yar oo warab ah geliyey,” ayuu yidhi Buurmadow.
“Waxa weeyaan waa la is taabanayaa, xaqiiqdaa la isu sheegayaa, maadaama la is taabanayona oo arrintu arrin guud ahaydna in cid walba la taabto ayay ururka ujeeddadiisu ahayd oo hoos loogu daadeggo, ninkasta oo ummadda xil u hayana la toosiyo,” ayuu raaciyey, isaga oo daba jooga hadalkii Guddoomiyaha ururka.
Boqor Cismaan waxa uu sheegay in ururka Afgarad uu yahay urur culus oo jibo badani ku jirto oo haddii aan la hagin noqon kara ayuu yidhi Daalibaantii Afgaanistaan ama Maxaakiimtii Muqdisho, balse, waxa uu rajeeyey in maskaxo culusi daba fadhiyi doonaan.
“Aniga iyo Salaaddiin badan iyo aqoonyahan badani ragga xagga dambe u fadhiya ayaanu ka mid nahay,” ayuu yidhi Boqor Cismaan.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud, waxa uu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca ururka oo uu sheegay inuu madaxdiisa ka mid yahay, ajandaha ururkaasi uu yahay inuu toosiyo xukuumadda, golayaasha Qaranka, Garsoorka, Komishanka iyo hannaanka Saddexda Xisbi Qaran.
Waxana uu Boqorku si qaawan u weeraray Shirguddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay inay ka tirsan yihiin xisbiyo, taladii sharci-dejineed ee Qarankana ay xisbiyeeyeen. Waxa kale oo uu weeraray saddexda xisbi Qaran oo uu sheegay in mid walba uu xuurto ku haysto ninka hoggaamiyaha u ah.
“Baarlamaankii aynu soo dooranay inay beelo guryo u fadhiyaan oo ay beelo u taliyaan oo aanay sharci udejin miyaanay ceeb ahayn,” ayuu yidhi Buurmadow.
“Anigu nin keliya Diktaytar odhan maayo ee ninkii meel haystaaba waa Diktaytar,” ayuu raaciyey. Waxana uu tusaale u soo qaatay madaxda xisbiyada oo uu sheegay in aanay ogolayn in lala tartamo.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo gebagebadii dooddaas khudbad ka jeediyey ayaa jawaab ka bixiyey hadalka Boqor Buurmadow oo ahaa Duurxul ku wajahan Axmed Siilaanyo. Waxana uu caddeeyey in xisbiga KULMIYE ee uu guddoomiyaha ka yahay uu u doortay Guddoomiyenimada, haatanna uu xisbigu xaq u leeyahay inuu cid kale doorto.
“Xisbigaasi waa xisbi dimuqraaddi ah, waad ka wada war qabtaan, doodda na dhex socota waad ogtihiin, tartanka na dhex socda waad ogtihiin, waxaanu ku gelaynaa waa tartan,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Waxana uu raaciyey inuu xaq u leeyahay inuu istaago, xisbigana ay u taallo inuu doorto iyo inuu cid kale la soo baxo, xisbiga gudihiisana ay ka jirto Dimuqraadiyad. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in cidda aan xisbiga KULMIYE ahayn aanay xaq u lahayn inay ka taliso arrimaha xisbiga.
“Min fadlakum, cidda aan xisbiyaga ahaynow, ha ka talinina xasbigayaga gudihiisa, idiinma furna, xaqna uma lihidin,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxana uu sheegay in xisbiga qofku taageerayo ay u furan tahay iyo cidda xisbiga ka tirsan ee uu dibadda ka taageerayo, balse, qof aan xisbiga xubin ka ahayni aanu ka talin karin arrimaha xisbiga gudihiisa.
Dooddan oo dadkii ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen abwaannada iyo aqoonyahanno kaleba ay ku wareereen ujeeddadeeda, laguna tilmaamay mid ujeeddo badan ah oo dabool looga dhigayey arrinta doorashooyinka ayaa hadalka Boqor Cismaan Aw Maxamuud waxa uu daahfuray ajande Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB ay doonayaan inay ka dhex faa’iideystaan loollanka xisbiga KULMIYE gudihiisa iyo tashuushna ay ku furaan Shirweynihiisa 2aad oo la qabanayo 29ka bishan March, iyada oo loo adeegsanayo xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo dad kale.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo dhowaan ka soo laabtay dalka Ingiriiska, isla markaana Madaxweyne Riyaale la yeeshay kulamo dhawr ah intii uu dalka joogey ayaa la rumaysan yahay inuu hormuud ka yahay barnaamujkan.
Waxaana la rumaysan yahay in dooddan laga abuurayo in xisbiyada gudahooda ay ka dhacdo doorasho xalaal ah ujeedadeeda ugu weyni ay tahay in qiil iyo marmarsiinyo xubno kalsooni yar ka qaba tartanka.
Dhinaca kale, dooddaas waxa ka hadlay Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X.Xasan oo jawaab ka bixiyey cabashada xisbiyada ee liisaska guddiyada gobolada Galbeedka, kuwaas oo uu sheegay inay dib u sixid ku samaynayaan.
Waxa kale oo ka qaybqaatay dooddaas Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), iyada oo uu Abwaan Gaarriye maanso cusub oo waano ah, kuna saabsan doorashooyinka uu halkaas ka tiriyey.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment