Thursday, 21 January 2010
DAAHIR RIYAALE WAXAAN U SOO JEEDINAYAA IN UU QAATO GO,AAN KU QADHAADH DANTIISA SIYAASADEED EE GAARKA AH,BALSE WAXTAR U AH DALKA IYO DADKABA 2009o420
DAAHIR RIYAALE WAXAAN U SOO JEEDINAYAA IN UU QAATO GO,AAN KU QADHAADH DANTIISA SIYAASADEED EE GAARKA AH,BALSE WAXTAR U AH DALKA IYO DADKABA
Burco (SYL)- Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa waraysi khaas ah oo uu la yeeshay weriyaha Jmahuuriya ee Gobolada Bariga Somaliland Mr. Keyse Axmed Digaale, waxa uu kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee hadda ka taagan dalka, sida xalku ku iman karo iyo arrimo kale oo xiiso badan.
Waraysigaas oo Dr. Cabdi Aw Daahir kaga jawaabay su�aalo tiro badan oo taabanaya dhinacyo kala duwan, waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Maalmihii ugu dambeeyay toddobaadkii hore waxaad kulamo la yeelateen guddiga nabadgelyada Gobolka Togdheer, maxaad ka wadahadasheen, maxaadse isla gaadheen?
Cabdi Aw Daahir: Horta waa taad ogeydeen oo awamiir xagga sare kaga timi maamulka gobolka ayaa kelliftay inay dhawr jeer isku dayeen in ciidamo u soo diraan si loo fadqalaleeyo kulamo xisbiga KULMIYE si nabadgelyo ah isugu soo baxay fagaaraha xafiiska xisbiga, inkastoo aanay ku guulaysan waxba may xeerinayn.
Waxaan goosanay in aan odayaasha maamulka gobolka, degmada iyo ciidammada la kulanno, si aanay arrimihii hore oo kale u dhicin, nabadgelyada magaladana aannu si fiican uga wada shaqayno, laba kulan oo aanu wada yeelanay maalintii hore waxay noogu muuqdeen niman u arkayey in taladayada xalku ku jiro.
Maalin labaadii waxay ahaayeen niman uu soo gaadhay amarkii Wasiirka Daakhiligu ee uu lahaa xisbiga KULMIYE xafiisyadiisa kulamo kuma qaban karo, markaas amarkaas ayaa taladii dhabta ahayd ee danta gobolka iyo magaaladuba ku jirtay ka feyday maskaxdoodii, haddana waxaannu ku ballanay kulan saddexaad oo casho ah, balse waqti dambe ayey ka cudurdaarteen, iyagaanuna ka sugaynaa jawaabta, welina way isla maqan yihiin.
Jamhuuriya: Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE wuxuu dhawaan waraysi uu bixiyey ku sheegay in aanay dawlad sharci-darro ah doorasho la galayn, taas macnaheedu miyaanu ahayn KULMIYE doorsho ma doonaayo oo isagaa cimri-dherer u samaynaya xukuumadda?
Cabdi Aw Daahir: Labada murrashax ee Faysal iyo Axmed Silaanyo waxay miidaanka doorashada imanayaan iyagoo aan hanti qaranku leeyahay adeegsanayn, haseyeeshee musharraxa saddexaad ee Dahir Rayaale wuxuu isticmaalaya hantidii qaranka, warbaahintii qaranka, ciidammadii qaranka, haddana wuxuu ku fadhiyaa xilkii madaxtinamada qaran oo sharciyadiisii ahayd 5 tii sannadood ka dhammaatay, tii xisbiyadu isla garteen ee ku-meel-gaadhka aheydna ka dhammaatay, wuxuu yidhi; waxaan ku joogayaa korodhsiimo aan dhammaanayn oo Guurtida iyo isagu darandooriyayaan oo ah waan idiin kordhinayaa ee idinna ii kordhiya, markaa sharci-darro ayuu ku fadhiyaa.
Waxa doorasho lagu geli karaa oo keliya hantida qaranka iyo warbaahinta qaranka oo meel leys la dhigo sidii aan qolona u isticmaalin, sharciyadda madaxtooyada oo laga wadahadlo meelna laysla dhigo ciddii doorasho xaq ah oo xalaal ah ina gaadhsiin lahaa.
Jamhuuriya: Kordhintii hore ee Guurtida waad aqbasheen, haddana waa diideen kordhintii dambe, maxay ku kala geddisan yihiin soo Guurtidii uun maaha?
Cabdi Aw Daahir: Waa taa wada ogeydiin oo labada jeer midnaba maanaan yeelin oo isugu kaaya mid bay ahaayeen oo tii horena labada xisbiba waatay dhawaaqa dheer iyo diidmadaba ka bixiyeen, oggolaanshihiina wuxuu ku yimi wadahadal dheer oo dhexmaray saddexda xisbi, laguna heshiiyay qodobo ay aasaas u ahaayeen laba arrimood oo kala ah; ballanqaad ka yimi Rayaale inaanay mar dambe dib u dhici doonin doorashadu iyo ta labaad oo ahayd habkii iyo nidaamkii UDUB looga xakameyn lahaa ku isticmaalka hantida qaranka loollanka doorashada, labadaas arrimood awgood ayaanu ku tanasulnay. Labadii arrimood UDUB iyo Rayaale midna ma yeelin, sannadkii mar labaad buu ka dhacay isagoo aan waxba qaban, hantidii qarankana sidiibay ugu isticmaalayaan hawlaha iyo ololaha xisbigooda, markaa waxaannu leenahay korodhsiimo aan joogsanayn lama wadi karo, doorasho aan xaq iyo xalaal ahayna lama geli karo.
Jamhuuriya: Sidaad ka warqabto intii aanay guurtidu ku dhawaaqin mudda kordhinta xisbiga KULMIYE wuxuu muujinayay soo dhawayn badan oo dhinaca Guurtida ah, haddana ganafka ayaad ku dhufateen, ma waxa jiray arrimo sir ah oo aad isla ogaydeen oo Guurtidu ka baxeen?
Cabdi Aw Daahir: Marnaba maanaan waafaqsanayn mooshinka ah in Guurtidu ka doodo in loo kordhiyo amma aan loo kordhin, kaas waxa soo dhigay Rayaale oo sidii la wada ogaa horgeeyay Golaha Guurtida. Mowqikayagu wuu caddaa, wuxuu ahaa labada aqal haysu yimaaddeen oo dabcan Guurtiduna ka mid tahay, sharciyad dambe oo dib loogu kordhin karaa ma jirto, aafo loo adeegasadaa ma jirto qodobkii 83, markaa labada gole ha ka tashadeen xalkii loo samayn lahaa maamul loo wada dhan yahay oo dalka doorasho gaadhsiiya, markaa wax sir ah oo Guurtida naga dhexaysay may jirin, mana jiri karaan ee ujeeddooyinkayaga labadayada dhinac ee KULMIYE iyo UDUB way caddaayeen; kaayagu wuxuu ahaa in qaabka korodhsiimo la soo afjaro, isla markaana aanay bannaanaan madaxtinimada dalku wixii ka dambeeya 6 April, lana sameeyo maamul dhexdhexaad ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Ta Rayaale-na waxay ahayd Guurtidu ha ii kordhiso oo aan sidaydii isaga sii fadhiyo weligay anigoo aan doorasho gelin, amma ha diideen oo aan dadka ku cabsi geliyo cidla� ayaa lagu dhacayaa oo dadku weligood xarajkaa haygu jiro.
Jamhuuriya: Dhawaan masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE waxay booqdeen talisyada booliska iyo milatariga, waxana halkaas lagu siiyay salaam-sharaf ah, dad badan ayaa ku tilmaamay in ay arrintaasi xaal-marin tahay falkii 6 April ee ciidammada boolisku kula kaceen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo taagerayashiisu rasaas ku fureen, arrintaas maxaa ka jira?
Cabdi Aw Daahir: Horta falkii dhacay 6dii abril waxaa masuuliyadeeda iska lahaa dhammaanteed Daahir Rayaale, shacabka reer Somalilaandna maalintaa waxba ulamuu hadhin, teellana umuu dhigin ee qaddarka Ilaahay ayey ku baaqatay in dhimasho iyo dhaawacba timaad, Ilaahayna wuxuu innaga baajiyay khalkhal innagu dhici lahaa, haddii sidii UDUB u rabtay u dhici lahayd. Waa mid ka mid ah taannu lahayn in ciidammada qaranka Rayaale u isticmaalayo loollanka xisbigiisa UDUB iyo difaaca kursigiisa, weliba si foolxun oo cadaawadeed ayaa maalintaas u dheereyd.
Taliyayaasha ciidammadu wax dheeraad ah namay siin, waxbana noomay dhimin. Maalintii dhowayd waxay noola muuqdeen niman hawshooda ciidannimo yaqaan, shaqsiyad qofeedna leh.
Jamhuuriya: Waxaad ku adkaysanaysaan mawqifkiinii aad ku diidanaydeen muddo-kordhinta, xukuumadduna waxay ku adkaysanaysaa muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay, xaalkuna waa minddi-minddi-ku-taag, markaa maxaad xal u aragtaa?
Cabdi Aw Daahir: Arrintaas jawaabteedu waa caddaan waanay kooban tahay; mid waa mowqifgayaga oo korodhsiimo aan aafo la xidhiidhin waa sharci-darro, mana aqbalayno, midna waa maxaa xal ah, taana hore ayaannu mowqifkayaga ugu caddaynay oo wax allaalyo wixii wadahadal iyo wadatashi ah oo intay saamaysaa dhinacyada ka wada joogto diyaar baanu u nahay, laguna dhammeeyo mushkiladdan, looguna helo xal waara oo lagu wada qanci karo, khilaafaadkaasna soo afjara ee yaa bal ku qanciya Daahir Rayaale oo doonaaya inuu isku darsado ummaddana madax u noqo, mintidna noqdo aan waxba xeerinayn.
Jamhuuriya: Haddaan ka yara baxno dhinaca siyaasadda muddo fadhigaagu wuxuu ahaa Burco, waxa kaa muuqata nasasho iyo degenaansho badan, si wanaagsan ayaad ugu faa�iidaysatay xirfadaaddii dhakhtarnimo, dad badan ayaad ku daweysay, dhaqaale badanna wuu ku soo galay, markaa miyaan la odhan Karin hawsha siyaasadda waxa kaaga fiican xirfadaadda?
Cabdi Aw Daahir: Horta keysow, xirfadayda dhaqtarimo wax aan barbardhigi karaa ma jirto, waayo naftayda iyo noloshayda ayey ku tallaalantahay, waana deeq Ilaaha i siiyey aan ugu mahadnaqayo, ummaddaydana aan wax ugu qabanayaa. Maalintiina ugu yaraan siddeed saacadood waqtigayga hawsha dhaqtarnimo ayaan siiyaa, hawsha siyaasadeedna waxaan u arkaa haddii si fiican oo Alla ka cabsina ku jirto loo fuliyo inay tahay aasaaska nolosha, imminkana muddo saacado ah ayaan toddobaadkiiba waqtigayga siiyaa oo xisbigayga talooyin aan u arko in ummadda iyo dalkaba wax tarayaan ku biiriyaa.
Labada arrimood aniga way isu kay kaabaan oo markaan joogo goobaha caafimaadka naxariista aan dadka jilicsan ee buka u muujiyaa waxay i dareensiisaa dhibta dadka jilicsan ee aan nolol-maalmeedka haysan oo qaba daryeel la�aan iyo ogaal la�aan dhinaca maamulka maanta jira ka timi, markaan joogo goobaha siyaasaddana waxaan xaqiiqsadaa in isbeddel yimaad oo ah maamul wanaagsan iyo dhaqaalaha dalka oo la kobciyaa in wax weyn ka tarayso amma ay aasaasba u tahay daryeelka caafimaadka bulshada. Siyaasaddu ma aha oo keliya in aad noqoto madaxweyne amma wasiir, badhasaab amma aad yeelato awood xoog badan oo aad hantida iyo haybadda qaranka ku isticmaaasho si xadgudub ah.
Jamhuuriya: Dr. Cabdi, dad badan ayaa qaba in hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE yihin niman xilal sare ka soo qabtay xukuumadihii soo maray Somaliland, si wacana loo yaqaan, sidaas darteed isbeddellada aad soo wadaan aanay waxba ka duwanayn kuwii hore loo arkay, taas miyaan la odhan karin caqabad ayey idinku ku tahay?
Cabdi Aw Daahir: Hoggaanka xisbiga KULMIYE wuxuu ka kooban yahay dhammaan bulsho-weynta qaybaheeda kala duwan oo ah kuwii waayo-aragnimada kala duwanaa lahaa, kuwa leh dhiig cusub iyo kuwo leh waayo-aragnimo debedda ah intuba way iskaabayaan. Waxaan kaloon kuu sheegayaa, marka laga reebo muddadii toddobada sannadood ahayd ee ugu dambeeyey isbeddelka la sameeyayna ee keliyana uu ahaa korodhsiimo, intii ka horreysayba 1981-2002 waxa dalka ka dhacayey isbeddello dhab ah oo isdaba-joog ah oo ahaa aasaaskii SNM, xorayntii dalka, ku-dhawaaqiddii Somaliland, ku wareejintii xilka dalka beelaha Somaliland, qaramayntii ciidammada beelaha, ka diga-rogoshadii qaabkii beelaha iyo u guurkii qaabka axsaabta badan. Intaasoo dhami waxay ahaayeen isbeddello dhab ah oo la soo sameeyay, inkastoo raggii isbeddelladaas soo sameeyay ay ku jiraan KULMIYE, haddana isbeddelku ma aha UDUB ku beddel KULMIYE amma Rayaale ku beddel Siilaanyo ee waa maamul-xumo ku beddel maamul-wanaag, musuqmaasaq ku beddel la xisaabtan, shaqo la�aan iyo tahriib ku beddel shaqo-abuur, sicir-barar ku beddel maciishad jaban, suuq kooto ah ku beddel suuq xor ah iyo qaar kaloo badan, waana taas ta KULMIYE ka duulayo ee uu ummaddana leeyahay nagu doorta.
Jamhuuriya: Wasiirka Daakhiligu wuxuu soo saaray go�aan uu ku joojinayo isu-soo-baxyada xisbiyada inta aan la gaadhin doorashada, sidee bay arrintaasi kuula muuqataa?
Cabdi Aw Daahir: Go�aankaas Cabdillaahi Cirro ma aha mid sharci ah. Weliba wuxuu ku darsaday khalkhal iyo fitmo abuuris, aqoon la�aanina kama taggana. Bal ogow ololaha doorashadu waxay leedahay waqti gaar ah oo ah bisha doorashada ka horreysa, arrin gaara oo ah baratanka iyo loollanka doorashada iyo dad gaar ah oo ah musharraxiinta iyo taageerayaashooda. Haseyeeshee, ololaha doorashada iyo bannaanbaxyadu way kala duwan yihiin; bannaanbaxyadu markasta way furan yihiin shanta sannadoodba, waxaanay khuseeyaan arrin kasta amma ha ahaato taageero amma diidmo oo arrin kasta ah oo ay ugu yar tahay biyo la�aan ka dhacday xaafad oo lagu bannaanbaxo amma dawladdii oo si sharci-darro ah ku iibisay khayraadkii iyo kalluunkii badda.
Ta maanta KULMIYE isugu soo baxayaa ma aha ololaha doorashada madaxweynaha ee waxaan isugu soo baxaynaa in ummadda aan u muujino sharci-darrada muddo-kordhinta.
Jamhuuriya: Ma suurtogeli kartaa in KULMIYE aqbalo muddo-kordhinta Guurtida si doorashaduna u qabsoonto xilligaas, xukuumaddana laga qaado dammaanad aan markale la samayn muddo-kordhin, mise waxaad haysaan darriiq ka duwan taas oo doorashadu ku qabsoomi karto waqtigeedii si nabadgalyo ah, kuna wada qanci kartaan saddexdiina xisbi qaran?
Cabdi Aw Daahir: Waxa mowqifkayagu yahay in muddo-korhinta Guurtidu tahay sharci-darro, waxaan kaloo aaminsannahay xalka khilaafaadkaas lagu dhammayn karaa inuu yahay wadatashi inta khusaysaa isugu timaad, laguna gaaadho go�aan cid kastaaba ku qanacdo. Go�aankaas waxaannu aaminsannahay inay saldhig u noqoto in la qabto doorasho aan dib u dhicin oo xor iyo xalaal ah, xortaas iyo xalaashasu ma aha ta been-beenta ah ee ay afka ka sheegaan UDUB, balse waa mid ah in aan hantida qaranka, warbaahinta qaranka, ciidammada qaranka iyo haybadda qaranka aan cid gaar ah, xisbi gaar ah iyo musharrax gaar ah u adeegin, maamulka hawshaas fulinayaana waa inuu noqdaa mid dhexdhexaad ah, dalkana gaadhsiinaya doorashada xornimadeeda iyo xalaasheedu dhab tahay. Cidda maamulkaasi noqonayo iyo qaabka uu yeelanayo annagu astayn mayno ee miiska wadahadalka ayaa lagu go�aamin doonaa, haday dhinaca kale oggolaado wadahadal.
Jamhuuriya: Sidaad u aragtaa dhexdhexaadinta cusub ee ay wadaan xubnaha wasiirada iyo xubnaha xildhibaanada kulmiye ee ay isugu keenayaan Madaxweynaha iyo Siilaanyo, xalse ma keeni kartaa?
Cabdi Aw Daahir: Waa arrin aan aad u soo dhaweynaayo, waanan hambalyaynayaa xildhibaanada iyo wasiiradaba talaabadaa ay u hormoodka yihiin ee ay qaadeen.Waxaanan naawilayaa in wax dadka iyo dalkaba anfaca ka soo baxayaan. Waxaan kaloo aan aaminsanahay in labada dhinac ee wasiirada iyo xildhibaanadu ay hawshay wadaan daacad ka yihiin. Qoladayada kulmiye waxay haystaan kalsoonida xisbigayaga iyo ta Axmed Siilaanyaba, dhinaca Daahir Rayaale waxba weli ka dardaarwarinmaayo, hase ahaatee waxaan u soo jeeddinayaa in lagaaga baahanyahay inaad qaadato go'aan u qadhaadhaan kara dantaada siyaasadeed ee gaarka ah ee maanta kuu muuqata, balse wax tari doona danta dalka iyo dadkaba, iyo taada gaarka ahba mustaqbalka dheer, hadii ilaahay ku waafajiyo.
Jamhuuriya Online
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment