Thursday, 21 January 2010
Shirweynihii 2aad ee Kulmiye 20080330
March 30th, 2008 in Kulmiye_party leave a response
Hargeysa(Somaliland.org)- Waxana ugu horreyn halkaasi warbixin dheer ka akhriyey Dr. Cabdi Aw- Daahir oo ku hadlayey magaca Gobolka Togdheer, taasi oo kaga hadlay arrimo door ah.Warbixintaasina waxay u dhignayd sidan:- “Shirguddoonka, Guddoomiyaha xisbiga iyo ergo-weynta guudba waan idin salaamayaa, Waxaan si gaar ah u salaamaaya ergo weynta ballaadhan ee xoogga leh ee ISBEDEL-DOONKA AH ee xisbiga ku soo biiray ee ka kala yimi dhammaan daafaha gobolada dalka
Maanta waa maalin u noqondoonta taariikhda soomaaliland bartilmaameedd Waa maalin insha allah bilaw u noqondoonta Isbeddel cusub oo hor leh ummadda iyo dalka soomalilandba. Waa maalin Insha allah ka mid noqondoonta maalmaha diiwaanka gala oo lagu xasuusandoono bilawgii isbeddelka, horumarka iyo caddaaladda..
Guud ahaan Gobolka Togdheer waa nabad guud, waxaase ka jira abaar aad u ba’an oo biyo iyo baad la,aan ah.
Waxay si mug le ula socdaan shirweynaha kulmiye, waxaynay u dhegtaagayaan waxa ka soo baxaaya, waxaananay u arkaan rajada iyo isbeddelka keliya ee maanta muuqda. Waxaynay u rajeeyeenm shirka guul .
Waa gobol ay dadweynahiisa ay ka muuqato dedaal isku duubni, iyo wax wada qabsi. Waxay marakasta ku heelan yihiin si ay iskood wax ugu qabsanlahaayeen mashaariic horumarineed oo waxbarasho, caafimaadka nadaafada guud iwm , Qaar fara badaana way fuliyeen oo ay ka mid tahay jaamacaddu, biriijkka ,Isbitaalka waalida, Dugsiga kalkaaliyayaasha iyo qaar badan oo kaleba. waxayse toos uga qatanyihiin wax allaalyo wixii waxtar ah ha yaraato hase badnaatee ee dawladda ay ka sugayeen.
Reer Togdheer shirweynahan iyo xisbiga kulmiye waxay noo soo fareen arrima fara badan oo ay u arkaan in uu dalka iyo dedkaba faaiido u yihiin ,waxaa ka mid ah:
Waxay na soo fareen in shirweynaha aanu gaadhsiino in uu kulmiye yahay maanta rajada keliya ee muuqaneysa, ee dalka ka saari karta xaaladda cakiran ee uu dalku ku jiro, Isla markaana isbeddel ku samayn kara maamulkan fadhiidka ah ee dalka ragadiyay, sidaa darteed waxay na soo fareen in loo baahanyahay in uu kulmimye la yimaado isbeddel dhab ah oo ka duwan ka maanta jira.
Reer togdheer waxay na soo fareen in in waxyaalaha ugu weyn ee togdheer saameeyay uu yahay dhaqaala xumo aad u halis ah, Walaw sicirka maciishaddu oo suuqa caalamka aad uga kacay, haddana reer togdheer waxay ogyihiin in cashuurta xaddhaafka ee Dulsaarka, iyo siyaasad xumida ganacsiga ee maamulka jira uu sicirbararka qaybta ugu weyn ka qaatay. saameeyayna noloshii bulshada reer togdheer iyo guud ahaanba dalka Somaliland daqiida , bariiska ,sonkorta,saliidii, iyo shidaalkii, qiimahay ahayd maalintii uu riyaale qabsaday dalka oo ahayd 4tii may 2002 Way labanlaabatay amaba seddex laabantay. Nidaamka riyalena maaha mid wax ka qabanaaya ,wax u sii xumeeyo mooyee. Reer togdheer waxa idin soo fareen in haddii alle idinku guuleeyo talada dalka in ay noqoto arrinkaasu qodobka kowaad ee asaasiga ee waxqabadkiina kow u noqda.
Waxay reer togdheer na soo fareen in asaaska dhaqaale ee dalkanu hu dhisanyahay xoolaha nool, gaar ahaanna gobolka togdheer. Waxay ogyihiin reer togdheer in siyaaasadaa musuqmaasaq ee ee ku baahday maamulkanu u gayeysiiyay ummaddii in nidaamkii ganacsi ee xoolaha uu siduu doono ugu tagrifalay, kootana inyar uga dhigay ay wax gaar ah la wadaagaan. Ganacsi xumidaa xooluhu waxay sii saamaysay nolol maalmeedkii dan yarta ee horeba ay u wiiqday sicirbararka Raashinka iyo shidaalka. Waxay reer togdheer na soo fareen in uu yahay arrimaha isbeddel waxqabad oo dhab ah u baaahan haddii ilaahay idinku guleeyo.
Waxay reer togdheer na soo fareen in ay jirto arrin ay gobolada kale kaga duwanyihiin waa arrin aad u sii cusleeyay dhaqala xumidii horeba u saarnayd , waa arrinka lacagta loo yaqaan giimbaarta ee ku dhexwareegta suuqaqa gobolka togdheer oo keliya. Waxay soo jiidantaba hadalhaynteedu iyo beddelkeedu ,waxaa lagu daray miisaaniyaddii sannadkii 2007 ,ilaa hadda oo aynu ku jirno 2008,lama beddelin, Reer Togdheer waxay la amakaagsanyihiin maamulka intaasu ka baxsanwyday in wax kale ka baxsanayaan.Waxay reer togdheer na soo fareen haddii ilaahay idinku guuleeyo talada dalka in sannadka 2009 ,haddii eebe idmo in ay noqoto tallaabooyinka kowaad ee aad qabataan ay noqoto in aad lacagtaas gobolka ka beddeshaan , taasoo ummadda reer togdheer danyartiisana kabaysa dhaqaalaheeda.
Waxay reer Togdheer na soo fareen, in aan shirweynaha gaadhsiino in ay saarantahay gobolka xayiraad ganacsi, burbur dhaqaale, oo ay saamaysay in kililka shanaad lagu gubay in ka badadan boqolaal baabuur ah oo ay leeyihiin dadweynaha reer soomaaliland. Inkastoo ay ahayd fal ay sameeyeen qaar aan arxan lahayn, haddana waxay ku dhacday siyaasad xumida maamulka rayaale ee maalinkasta maqlaaya baabuurbaa la gubay ,wax uu ka qabanayaana anu jirin, Waxay reer togdheer na soo fareen in kulmiye sameeyo barnaamij cad oo uu kaga hortagaayo in aaanay falkaasu dib udhicin
Waxay reer togdheer na soo fareen in aan shirweynaha aan gadhsiino ,in ay gobolka saamaysay caddaalad darro xaaladda garsoor ee gobolka, aynay hubaan in gobolada kale ee dalkuna la qabaan. Dadkii reer togdheer waxay taaganyihiin 100 mitir oo iskuweer ah ee maxkamadda ku taalo, mana jirta dacwad ka dhammaata nooc ay ahaataba,ummaddina qoortaa laysu wada sudhay. Iyagoo markii horena ahaa danlay ay saamaysay arrimaha dhaqaale ee aan hore u soo sheegnay ayaa haddana wixii yaraa ee ay haysteen kaga dhammaadeen kharaj iyo laaluush ka badan ka ay isku Dacweynayeen. Waxay saamaysay nabadgelyadii, dhaqaalihii, dhaqankii iyo karaamadii bulshada. Waxay na soo fareen isbeddelka la soo socotaan tiirdhexaad ha u noqoto caddaaladdu, Caddaalad ayaa na deeqi karta ee cunto cidna lama gaadhsiin karto ayay na soo fareen.
Waxay reer togdheer na soo fareen in ay guud ahaanba gobolka ay saamaysay shaqo la,an oo saamaysay dhaqaalihii gobolka iyo gaar ahaan danyarta.Shaqo la,aantu waxay dhalinyartii iyo xooggii gobolka reer togdheer gayaysiisay in ay tahriibaan , qaar badaanina ku dhammaadeen xeebaha daafaha dunida. Wax kale ee ay na soo fareen in Shaqaalaha kooban ee dawlada ee leh CIVIL iyo ciidanbana . Mushahaka yar ee ay qaataanna aanay shan ciho ku filayn.. Waxaase intaa kaba sii daran Mushaharkii loogu kordhiyayay Miisaaniyadda shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ku tagrifalay maamulkii talada ummaddu udhiibatay sidii ay ugu tagrifaleen tii lagu bedddelaayay lacagta giimbaarka. Waxay nagu soo adkeeyeen in haddii eebe idmo ee aad ku guuleysataan talada dalka in aad xoogga saartaan sidii loo darryeeli lahaa shaqaalaha danyarta ah ee tabaalaysan. Barnaamij shaqaali abuur oo gobol iyo mid qaranba ummadda loo sameeyo.Waxay nagu adkeeyeen in ciddii ku tagrifashay kabistii Miisaaniyadda shaqaalaha , iyo tii beddelka lacagta giimbaarka, iyo dhammaan arrimaha ku lugta leh miisaniyadda ee goluhu ansixiyay ee sidiisii aan loo fulin in markay gaadho taladiina haddii eebe idmo maxkamad sharci ah la soo taago
Waxay na soo fareen in maciishadda asaasiga iyo badeecadaha istraatiijiga ah, SIDA SHIIDAALKA, in cashuurta la saaray ee xaddhaafka ah , aan dib loo gelinin tacliintii , caafimaadkii, biyihii, Laguna kaabin daryeelkii shaqaalaha, hase yeeshee gacanta u gasha in yar oo kooban, ama lagu fuliyo dano gaar ah oo siyaasadeed, cashuurtaasu ma saarna inta hantiilayaasha ah ee waxay ka go,antahay oo saarantahay dadweynaha guud ee danyarta ah. Waa in ay noqoto meelaha waxa ka qabaneysaan ee uu ah tiirdhexaad isbeddelka.
Waxay na soo fareen in sidaan horey idiinku soo sheegay in gobolka ay ka jirto abaar baahday aanay ugu darantahay biyo la,aan..oo ilaahay hadii aanu inaga soo qaboojin ,durbaba ay bilaabmatay biyo dhaamis. Waxay na soo fareen in ceelashii Burco ee biyaha badnaa AY mishiinadii habeenba mid ka fadhiisanaayo, Iska daa wax uu biyo dhaan wax ka taro, ee dadweynihii magaala madaxda deganaa inta badan ay oon iyo harraad ku jirto . Boqolkiiba 80 magaalada waxa waraabiya booyado ka soo dhaamiya ceelal dad gaar ah leeyihiin(PRIVATE) ,oo waagii beryaba sicirka qiimaha kiciya, yidhaahdana shidaalkii iyo raashinkii ayaa nagu kacay. Taasuna ay wax sii yeeshay danyartii awalba baahido haysay.Waxay na soo fareen reer togdheer in shirweynaha uu ka soo baxo Qaylo dhaan ku saabsan arrimaha abaaraha ee goblka iyo guud ahaanba dalka ka taagan’.
Cismaan Cabdi Barkhadle gobolka Saaxil gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil oo u hadlayey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Gobolka Saaxil codkii ugu yaraa ayuu ka helay, taasina waxay ku dhacday balanqaadyo aanay waxba ka dhicin oo ay Rayaale iyo xukuumadiisu ku balanqaadeen in dhisayaan wershadii Shamiitada. Waxa aanu ku balanqaadaynaa oo balanqaad idiinka sidnaa in sanadkan doorashadu marka ay qabsoonto.
Kulmiiye waxay reer Somaliland iyo Berberi waxay leeyihiin rajada keliya ee noo muuqataa waa Kulmiye.”
Axmed Muxumed Geelle Dacar oo isna ku hadlayey magaca Gobolka Awdal ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Laysku sheegi mayo gobollada dalka, dad walaalo ah ayaynu nahay, dad isdhex=galay ayaynu nahay. Gobolka Awdal Hay’ad qudhi ma degana, hadana waxa laga yaabaa in la yidhaahdo waar nimanku maxay dhergeen. Maanta abaaro baahsan ayaa ka jira, xukuumadu hay’adaha uma sheegto abaarahaas iyo duufaanadii dhawaan ka dhacay gobolka. Waxa uu gobolku uga mahad-celinayaa Xisbiga Kulmiye aaskii Xasan Muumin dhaqaalihii uu ku caawiyay. Waxa jirta Tahriib ay dhalinyartii badda isku gurtay, qoys aan cidi ka tagin ma jirto, anigaygaa Inan baa iga tahriibtay. Cadaalad-darada, musuqmaasuqa iyo dhibka ka jira wadankeena. Waxa jirta in ay musharaxiin badan oo ka tirsan Xisbiga:”
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment