Sunday 28 February 2010

maxay ku kala duwanyihiin Udub Iyo Kulmiye: Daawo Siilaanyo


guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo wareysi ay la yeelatay Haatuf


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Xukuumada Kueedeeyay In Hantidii Qaranka Ay U Adeegsanayso Shirar Ay Ku Abaabulayso Beelaha Somaliland
“Waa La Naga Faa’iidaysanayaa Hadaanu Ummadda Usoo Ban-Dhigi Weyno Barnaamij Oo Aanu U Jihayno Yooyootan, Waxaanu Nahay Madaxdii Berito Bedelaysay Waa Inuu Noo Sheego Halkay Wax Marayaan, Anaga Oon Waxba Ogayn Barrito Kalama Wareegi Karno Xilka”

Faysal Cali Waraabe

Hargeysa February 28, 2010 (Haatuf) - Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadsa madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay in hantidii qaranka ay ku abaabulayso shirar ay beelaha Somaliland qabsanayaan, isaga oo intaa ku daray in hantida qaranka wax lagaga qabto adeegyada horumarka dalka isaga oo xukumadana uga digay inay ku bixiso dhaqaale shirarka ay qabaa’ilku qabsanayaan.

Gudoomiayaha Ucid waxa kale oo uu ugu baaqay golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada iyo guud ahaanba shacabka Somaliland inay ka midoobaan falalka nabadgalyo darada ah ee ay cadowgu la maagan yihiin sidii ay u wiiqi lahaayeen xasilonida nabadgalyada dalka iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada ee dalka ku soo fool leh.

Godoomiyaha Ucid waxa kale oo uu shacbiga u soo jeediyay in loo duceeyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin in alle ka kiciyo xanuunka uu u jiifo cusbitaalka Faransiiska.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay oo uu sidoo kale ku taageeray shirweynaha madaxdhaqameedyada beelaha habar yoonis uga socda magaalada Maydh ee gobolka Sanaag waxaana uu u dhacay waraysigaasi iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna sidan:-

S: Waxa jira wakhtigan xaadirka ah oo marxalad doorashadii madaxtooyada lagu qaban qaabinayo ay kooxaha xagjirka ah ee cadowga Somaliland kasoo horjeeda ay damacsan yihiin qorshayaal nabadgalyo daro ay kaga hortagayaan doorashooyinka miyaanay ka haboonayn doorashada horteed in nabadgalyada xoog la saaro oo laga midoobo cadowga Somaliland?

J: Waxkasta waxaynu kaga adkaanaynaa inaynu inagu horta aynu midowno oo aynaan isku jeedsan oo indhaha aynu kor u qaadno, oo hay’adaha dawliga iyo baarlamaanku wada shaqeeyaan, guurtida iyo xukuumadu wada shaqeeyaan, axsaabtu wada shaqeeyaan oo dadku aanay kala jeedsan la wada shaqeeyo, oo loo midoobo cadowga taasaa ummad lagu noqdaa, hana laga daayo qabyaaladan la xoojinayo oo waliba xisbiga Udub uu wado ee dadka uu qabyaalad doorashada u rogayo halaga daayo. Qabyaalad Somalia-yadii hore ayaa ku baaba’day arrimahaana lagama dheefo waxaan burbur ahayn iyo shacbi kala taga.

S: Gudoomiye tan qabyaalada imika aad ku eedaysay UDUB xisbiyadiina mucaaridka ayaa idinkana ay idinku eedeeyaan in dadweynaha aad ku abaabulaysaan caadifad beeleed, taasi ka waran?

J: shirirka qabaa’ilka ee la qabanayo ayay Udub dhaqaale ku bixisaa, qabiilna qaran laguma dhisi karo, qarana qabiil laguma dhisi karo

S: Ma la odhan karaa waxaad hadalkaagan ula jeedaa shirka madaxdhaqameedyada beelaha Habar Yoonis uga socda Maydh ee Sanaag ?

J: Horta waxa ceeb ah oo aan fiicnayn in Joornaaladeena lagu qoro magac qabaa’il, qabiil kaliya oo deegaan ama magaalo kaliya daga ma jiraan, haddii reer-ba dan gaara yeesho oo dhinac u baxo qaran lama noqon karayo mana haboona inaynu qaran Somaliland ah iyo qabiil is daba wadno, dadka intii Ilaahay meel wada dhigay ayaa isku dan ah, dadka reer Sanaag waa isku dan dadka Sool daga waa isku dan, dadka Badhan daga waa isku dan hadana dhamaantood waa wada Somaliland, waxaana loo baahan yahay in dadku ay horumar iyo siday wax u qabsan lahaayeen ay ku fikiraan ummadna u noqon lahaayeen laakiin reer hebel waa waxa halkaa ina dhigay, dawlada naaxinaysa ee qabaa’ilka lacagta shirarka ugu qabanaysa ha ka joojiso ayaanu leenahay ha ku bixiso dhaqaalaha dalka wixii loo doortay maaha inay qabaa’ilka ku abaabusho ee waa inay horumar ku samaysaa oo waxbarasho iyo caafimaad ku samaysa, oo darajo ciidamada siisaa, oo musharaharo macalimiinta siisaa.

S: Shirka maydh uga socda beelaha Habar Yoonis sideed u aragtaa?

J: Waxaanu nidhi haday reer Maydh shirayaan ama ay wax qabanayaan oo dekadda wax ka taraya waanu soo dhawaynaynaa, cidii wanaag wadaa way fiican tahay laakiin in dadka lagu kala qaybiyo maaha, Maydhana waa la wada degaa waa halkaynu kasoo aasaasnay, waa in loo gurmado oo la hagaajijyo laakiin in dadka qabiil lagu dhex tuuro oo waliba dawladu u horseedo ma fiicna.

S: Waxaad sheegtay in loo midoobo cadowga oo la wada shaqeeyo khilaafkana la iska ilaaliyo, hadana marka la eego hadalada dhiifta leh ee isku jeedisaan madaxweyne Rayaale iyo labadiina gudoomiye xisbi mucaarid miyaan laga faa’iidaysan Karin?

J: waa la naga faa’iidaysanayaa hadaanu anagu isku jeedsano oo barnaamij u jihayn weyno dadka oo yooyootan u jihayno dhibaataanu dadka ku keenaynaa waa inaanu dadka dhibaatada iyo yooyootanka ka daynaa oo barnaamij dawladu keentaa wixii ay qabatay sideedii sanadood ee ay xilka haysay, anagu waxaanu doonayna inaanu habkan ka belelno

S: Madaxweynaha diyaar ma u tihiin inaad kulan ka yeelataan arrimahasi?

J: Madaxweyanaha wakhti kasta ayaanu kulmi karaa oo dan guud timaado, qodobadii heshiiskana way noogu jirtay in marka dan guud timaado aanu kulano xaqna waxaanu gu leenahay madaxaynaha ilayn waxaanu nahay madaxdii berito bedelaysaye inuu na tuso halkay siyaasada arrimaha dibadu marayso, halkay nabadgalyadeenu marayso ilayn berito ka maalin anagoon waxba ogayn xilka kalama wareegayno’e waa waajib distooriya oo aanu xaq ugu leenahay, madaxweynahana waxba kuma jabna inaanu kulano colna ma nihin ee waxaanu nahay rag tartamaya.

S; Loolankii siyaasadeed ee Somaliland ee dhexdiina ka aloosna waxa lagu tilmaamaa inuu gaadhay heer noloshii la isku sad-qeeyo oo qofka oo nool la yidhaahdo wuu dhintay sida beentii laga sheegay inuu madaxweyne ku xigeenkii Axmed Yuusuf Yaasiin oo safar caafimad ugu maqan dalka Faransiiska la yidhi wuu dhintay, arrimahaasi idinku hogaamiyayaashiinu mucaaridku sideed u aragtaan?

J; Adeer waanu u ducaynaynaa madaxweyne ku xigeenka inuu Ilaahay caafimad siiyo oo uu dalka ku soo nabad celiyo, qofkastaana wuu dhimanayaa oo qof noolanayaa ma jiro, qof dhintay in lagu farxaana maba aha waxaanu leenahay madaxweyne ku xigeenka waa inagu waajib inaynu u ducayno samaduna way furan tahay oo raxmadii Allana way da’aysaaye waa inaynu dhamaanteen madaxweyne ku xigeenka u ducaynaa

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

Saturday 27 February 2010

Kulan dhex maray hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland


Kulan dhex maray hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland


Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa kulan ay ku yeesheen Khamiistii Xarunta Guddida Doorashada waxay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha geeddi-socodka Doorashada iyo diyaar-garowgeeda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE Keyse Xasan Cige oo arrintan la xidhiidha, ayaa lagu sheegay in hoggaanka sare ee KULMIYE iyo Guddida Doorashadu ay ka wada hadleen gaar ahaan Kaadhadh ama Aqoonsi cusub oo la sheegay in dalka loo keenayo, si loogu galo Doorashada.

Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxa maalintii khamiistii ee bishu ahayd 25 February, 2010 kulan ku yeeshay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga Doorashooyinka iyo Madaxda Xisbigu waxay ka wada hadleen halka uu marayo barnaamijka iyo hawlgalka arrimaha la xidhiidha doorashadda Madaxtooyadda. Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda u diyaar garawga doorashada guud ahaan, waxaana ay tilmaameen inay qorshaha ugu jirto in dib u eegis lagu sameeyo kaadhadhkii diwaan-gelinta ee hore loo bixiyey, iyadoo lagu talo jiro in muwaadin kasta la siiyo kaadh cusub oo hor leh oo loogu bedelayo kii uu hore u qaatay, kadib marka uu soo saaro Server-ku Liiska kamadambaysta ah, taasoo ay Guddiga Doorashooyinku ku tilmaameen in lagu xakamaynayo Dadkii ku noqnoqday diwaangelinta.

Guddiga Doorashooyinku waxaa kale oo ay u sheegeen Madaxda Xisbiga KULMIYE inay sidoo kale ula socodsiiyeen qorshahani Madaxda kale ee labada Xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxa kale oo ay tilmaameen in qorshahan ku saabsan bedelka kaadhadhka diwaangelinta ay u soo bandhigi doonaan Xisbiyada Qaranka isagoo tafatiran oo faahfaahsan.

Ugu danbayntii, Madaxda Xisbiga KULMIYE waxay garawsadeen sharaxaadda ay Guddiga Doorashooyinku ka bixiyeen qorshaha ay ugu talogaleen doorashadda.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Riyaale iyo samaroon waa kala jaad


Riyaale iyo samaroon waa kala jaad
Marka hore waxaan salaamayayaa shacabka reer Somaliland ee gartay in ay dal iyo dawlad dimuqraadi ah dhistaan. Una halgamaaya sidii ay aqoonsi u heli lahaayeen. Umaddu way ka soo baxeen waajibkoodii oo afti ayey ku muujiyeen 97%gooni isutaaga soamliland iyo datuur. Waxay doorteen madaxweynahoodii, baarlamaankoodii, iyo dawladdii hose. May eegin qolo iyo gobol. Weliba xantiibey meeshaas ka saareen markay doorteen daahir rayaale oo ka soo jeeda gobolka awdal oo la odhan jirey beelaha dhexe ayuunbaa wax doonaaya . taasuna waxay aheyd fariin loo diray ka neceb iyo ka jecelba.
Waxaaanse cidn u abaabul gudin dahir rayaale madaxweynihii la doortey oo iska xabkestey. Abuurey dawlad balaadhan oo musuqmaasaq hadheeyey. Oo yoolkoodu yahay ka shaqeyso. Hana u shaqeyn.

Roob ka da'ay Burco iyo nawaaxidiisa


Roob Aad Loogu Qabawsaday Oo Ka da’ay Burco iyo Nawaaxigeeda
Burco(Ramaas) Feb.26, 2010 - Roob lagu qabawsaday ayaa galabta Casarkii ka da'ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaas oo gudaha magaalada xareeda wadhay.Roobkan oo da'aayay mudo ku dhaw saacad badhkeed oo si fiican u biyo dhigay magaalada isla markaana ka da'aayay hareeraha ayaa waxa si weyn ugu qabawsaday dadweyanaha ku dhaqan gudaha magaalada.
Roobkan oo ka mid ah raxmaadkii Guga ee la filaayay oo ku soo beegmay xili ay abaar ba'ani ka jirto gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa ayaa maanta duhurkii ka curtay gobolka Togdheer iyadoo ay daruurtu ay hogonaysay gobolka maalmihii u danbeeyay balse ay qaybtii u horaysay ay maanta bilaabantay.
Roobkan biyo dhigay magaalada Burco ayaa ku soo beegmay xili maanta Salaadii Jimcaha Roob doono laga akhriyay qaar ka mid ah masaajida waaweyn ee Burco oo laga sameeyay alle bari badan.
Ramaasnews Desk
Burco

Friday 26 February 2010

riyaale iyo siilaanyo kee guuleysanaaya


Marka hore ilaahaybaa og cidda guuleysaneysa doorashada soo socota ee Somaliland. Kii ilaahay u calfay ayaanu noqonayaa. Ilaahaeyna haynooga dhigo kuu kheyrku ku jiro. Walaw ay muhiim tahay Isbeddelku. Waayo ta ugu yar waxa weeye kan maanta waa la tijaabiyey. Sideed sanadood waa la asqoobey. Mid kale shan kale ha lagu tijaabiyo
Markeynu odorosnu yaa guusha helaaya oo ilaahay ogyahay. Haddana inaku waxeynu miqyaaseynaa bal beelahu sidey u kala taageersanyihiin. Waxaan qiimeynaynaa isbarbardhig doorashadii 2003 iyo ta aynu fileynu in ay dhacdo 2010. Samaroon kulmye waxbaa uga kordhaaya-dinaca maxamed casse. sacadmuuse-kulmiye waxbaa uga kodhaaya-dhinaca jibriil abokor, habaryoonis- kulmiye waxbaa uga kordhaya-gobolka togdheer. Habarjeclo- kulmiye waxbaa uga kordhaaya dhinaca solol madaw iyo muuse abokor. Inta kaleba hadaad sideeda u deysid intaas ayuu ku guuleysanayaa iyo dhallinyarada iyo hooyooyinka oo isbeddel doonaaya. Shaqo la’aaan iyo tahriih uu maamulka udub la kowsaday.

Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Wakiillada oo Jawaab Kulul ka Bixiyey Warqad Wasiirka Xannaanada Xooluhu Qoray


Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Wakiillada oo Jawaab Kulul ka Bixiyey Warqad Wasiirka Xannaanada Xooluhu Qoray
Hargeysa (Jam)- Guddi-hoosaadka degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixiyey qoraal wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi 16 February 2010 u gudbiyey guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Wakiillada, isla markaana ah ku-simaha guddoomiyaha Md. Baashe Maxamed Faarax, kaasoo uu ku sheegay inuu la kulmi karo oo keliya guddida degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha guddida degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah Md. Siciid Maxamed Cilmi oo 21 February 2010 qoraal jawaab-celin ah u diray wasiirka xannaanada xoolaha, ayaa ku adkeeyey in isaga oo dhawraya shurrucda dalka ay waajib ku tahay inuu hortago guddida dhaqaalaha wakiillada si wax looga weydiiyo su’aalo ku saabsan dakhliga ka soo xerooda dhoofka xoolaha nool, isagoo dhinaca kalena wasiirka ku wargeliyey in guddida degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah laftoodu qorshaynayaan sidii ay ugu yeedhi lahaayeen wasiirka.

Qoraalka wasiirka xannaanada xooluhu u gudbiyey guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan; “Mudane Guddoomiye, aniga oo tixraacaya qoraalka sumadiisu tahay GW/G/19/30/2010 ee ku taariikhaysan 13/02/2010 ee aan lahaa ogaysiinta, waxaan kuu soo gudbinayaa tusmadan hoos ku qoran:

“Qoraalkaaga faqradda u horreysay waxaad ku xustay inaad ii soo gudbisay qoraallo rasmi ah oo dhan siddeed warqadood ka bilow 31/01/2010 ilaa 10/02/2010 oo macnaheedu noqonayo maalin kasta waraaq in laasoo qori jiray, taas oo u muuqata qaab ka duwan sida loo wada xidhiidho. Waxaan aaminsannahay in qoraalladaas meel kale loo qoray, qoraalkan aan jawaabtiisa kuu soo gudbinayaa waa kii kaa yimi 13/02/2010.

Wada shaqaynta Wasaaradda iyo Golaha Wakiillada ma cusba, intay hay’aduhu jireenba wenu wada shaqaynaynay, waxaase xusid mudan inaynu kuwada xidhiidhi jirnay hawlahana ku gudan jiray hab distoorka iyo xeer-hoosaadka golaha waafaqsan.

Anigoo tixgelinaya qodobadda distoorka ee aad ku xustay qoraalkaaga ee kala ah 45aad (6aad) iyo 53 (6-7aad) waxaanan kula socodsiinayaa anigoo ka duulaya qodobka distoorka 45 (3aad) ee xusaya guddi-hoosaadyada golaha ee hadda jira iyo xeer-hoosaadka goluhu ku dhaqmo.

Anigoo qaddarinaya xeer-hoosaadka golaha qodobka 18 (1aad) ee qeexaya siday u dhisan yihiin iyo intay ka kooban yihiin guddiyada goluhu iyo qodobka 20(1aad) oo xusaya in guddi kasta la xidhiidho hay’adda amma Wasaaradda ay isku shaqada yihiin.

Mudane anigoo eegaya wada shaqayntii innaga dhexeysa iyo waddadii sharciyeed oo loo marijirey, aniga oo dhowraya shuruucda inoo dejisan waxaad ila ilaalisaan dhaqan gelintooda.

Guddidii aannu wada shaqayn lahayna diyaar bay u tahay wasaaradda, guddidaas oo la yidhaahdo guddida degaanka, xoolaha beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.”

Haseyeeshee, qoraalkaas waxa jawaab ka bixiyey guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Wakiillada Somaliland, iyaga oo wasiirka ku wargeliyey in sharci ahaan iyo garasho ahaanba ay ku waajib tahay inuu horyimaado guddida dhaqaalaha, qoraalka guddida degaanku u dirtay wasiirka xannaanada xoolaha oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha guddidaas Md. Siciid Maxamed Cilmi, waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan:

“Mudane Wasiir, annagoo tixraacaya go’aanka guddiga degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee ku taariikhaysan 21/02/2010 iyo qoraalkaagii summaddiisu ahayd MoL/M/01/564/2010, kuna taariikhaysnaa 16-ka February 2010, waxaannu halkan kugu wargelinaynaa in xeer ahaan guddi kastoo ka tirsan guddi-hoosaadyada Golaha Wakiilladu xaq u leedahay inay u yeedhato masuulyiinta qaranka iyo shakhsiyaadka kale ee ay hawl ahaan ugu baahato, sidoo kalena waajib dastuuri ah tahay in masuuliyiinta qaranku u hoggaaansamaan yeedhitaanka uga yimaadda Golaha Wakiillada.

Haddaba, Mudane Wasiir, waxa sharci ahaan iyo garasho ahaanba kugu waajib ah inaad ilaaliso milgaha iyo wanaagga wada shaqaynta labadeena gole qaran, sidaa darteedna waxaannu kuu tilmaamaynaa inay waajib kugu tahay inaad hortimaaddo guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo kuugu yeedhay in aad ka jawaabto su’aalo ku saabsan dakhliga ka soo xerooda dhoofka xoolaha nool.

Dhanka kale, mudane Wasiir, waxay guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiga ahi u baahan tahay inaad mugdiga ka soorto dhawr qodob oo hawl ahaan ka mid ah hawlaha ay u xilsaaran tahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, sidaa darteedna waxaanu kugu sii wargelinaynaa inaanu qorshaynayno in aanu guddi ahaan kulan kula yeelan doono horraanta bisha soo socota ee March 2010,” ayuu guddoomiyuhu ku yidhi qoraalkiisa jawaab-celinta ah.





Jamhuuriya Online

Thursday 25 February 2010

Madaxtooyada oo beenisay warar laysla dhexmaraayey oo lahaa in madaxweyne kuxigeenkii geeriyooday


Xukuumadda Somaliland oo ka warbixisay xaaladda Caafimaad ee M/weyne-xigeenka
February 25th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixisay xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddooyinkii u dambeeyay xaalad Caafimaad u jiifay Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo hadda booqasho ku jooga dalka Faransiiska, ayaa sheegay in xaaladda Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana hadda loo ogol yahay dadku inay booqdaan. Wasiirku wuxuu sidaa ku daray in la filayo in dhawaan uu ka soo baxo Cusbatalka. “Wuxuu yaala Waadh caadi ah oo caafimaadkiisu 100% waa fayow yahay, labadii maalmood ee u dambaysay waxa loo ogolaaday in ay dadku booqan karaan. Caafimaadkiisuna aad buu u wanaagsan yahay oo wuu soo baxayaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xooluhu oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Warkan la xidhiidha xaaladda Caafimaadka ee Madaxweyne-xigeenka, ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii maanta guud ahaan magaalooyinka Somaliland lagu baahiyay in uu geeriyooday Madaxweyne-xigeenku, taas oo ay sidoo kale beeniyeen Madaxtooyada Somaliland oo Warsaxaafadeed arrintaas ka soo saaray.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

gudida joogtada ee golaha guurtida oo iska dhex doortay hoggaankoodii


Guddiyo ka tirsan Golaha Guurtida oo maanta doortay hoggaan cusub
February 24th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta doortay Guddoomiye iyo guddoomiye-ku-xigeen, ka dib markii ay kulan ku yeesheen Xarunta Golaha Guurtida.

Kulankan maanta ee guddidan oo ay goob-joog ka ahaayeen 24 xubnood oo ka mid ah guddidan ay dhawaan wada-jirka u magacaabeen Shirguddoonka Guurtidu, ayaa lagu doortay ciddii hoggaamin lahayd Guddida joogtada ah oo ah guddidii uu ka dhashay khilaafkii kala qaybiyay Shirguddoonka Guurtida iyo guud ahaan mudanayaasha Golahaasba.

Kulankan maanta waxa Guddoomiye loogu doortay Xil. Muxumed Aw-Axmed iyo Xil. Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug oo labaduba ka mid ah Mudanayaasha siyaasad ahaan taageera Xukuumadda iyo garabka Shirguddoonka ee Sheekh Axmed Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali.

Guddidan maanta hoggaanka dooratay waxa kale oo ka mid ah Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo hore guddoomiye uga ahaa guddida hadda la kala diray ee uu khilaafku ka dhashay, hase ahaatee kama mid ahayn dadka u tartamayay jagadan.

Dhinaca kale, waxa iyana guddoomiye loo doortay guddida arrimaha Bulshada ee Golahaas oo guddoomiye loogu doortay Xil. Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho).

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com





Wednesday 24 February 2010

Dube iyo doolaal by A. Geeljire


By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:..........

’aar inaadeerow aan is raacsado ee ii kaadi. Doolaal:
Bal wad waayahay eh.
Dubbe:
Horta yaynaan dhaqankii mafrishka ka tegin ee wadaadkeenii KU-Xigeenka ahaa ee Axmed Yusuf Yaasiin ee dhakhtarka France ku galay u duceeyaa in Ilaahay caafimaad siiyo oo uu nabad qab inoogu soo noqdo. Ta labaade saddex nin saddexdaba arrin aan ka maqlay waxbaan ka odhan.
Doolaal:
Waa kuwee?
Dubbe: Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar
waxaan maqlay Cawil baa kaxeeyay oo Ina Rayaale u geeyey, haddana . si ay u heshiiyaan oo uu UDUB ugu diga rogto haddana. Waxaan idhi anigu Suldaannka waan aqaan oo nin Ina Rayaale iyo Cawil oo tay kuu faleen la ogaa ku hoos noqonaya maaha. Ta kale
qudh ahaan waa u suldaan Somaliland ah, xisbi ahaanna waa u Kulmiye ee waxa ka maqani waa maxay? Ma inuu kolba sida saaxiibkay Cali Guray marka albaabka laga horjoogsado yidhaahdo "waar waa maxay inan gumeedyadan aanu u nimi." Buu doonayaa?
Doolaal:
Haye?
Dubbe:
Waa ka labaade; waxaan ka arkay bahalkan Televisionka la yidhaahdo askari Maraykan ah oo kaadhi wadada kolba dhan uga baxaya meel cidla ah oo laba magaalo dhexdood ah ku joojiyay. Kii oo darawalkii la hadlaya oo u xidhay inuu khamri cabbay gaadhina kaxeeyay ayuu gaadhi kale isa soo daba taagay. Askaragii baa gaadhigii kale u tegey, darawalkii buu weydiiyay wuxuu isu taagay isaga oo aan cidi joojin. "ishaaradan cas ayaan iska taagay." Buu ugu jawaabay intuu laydhkii gaadhiga booliska dushiisa ka bilig lagaa tilmaamay. Isaagii buu askarigii baadhay mise kii horeba ka sakhrad weyn. Isna waa xidhay.
Doolaal:
maxaad uga socotaa?
Dubbe:
Haaaaa! Waxaan uga socda inagoo jawaabtii Cali Sanyare, wasiirka Qorshaynta, ee ku saabsanayd safiirkii Masriga ahaa ee Somaliland aflagaadeeyay la yaabban ayuu Cabdillahi Ducaale, Wasiirka Khaarajigu, hadlay oo yidhi "xidhiidhkeena Masar wuu isa soo tarayaa oo Safiirka anigaa fool ka fool ula kulmay." Ninkaa gaadhiga booliska is daba taagay baan soo xusuustay.
Waxaanse idiin sheegayaa. Ha yaabina. Arrintu waxay ka socotaa waxa dalka xukuma Madaxweyne cid walba u rahman oo u habranaya. Ka Djibouti baasaboor buu ka qaatay. Ka masar dalkiisa ayuu lacagtii uu inaga qaatay ku qarsaday badhna daaro kaga dhistay. Kuwa kalena sheegi maayo hadda.
Doolaal:
Waxaasi waa waxaagii xilka lahaaye waa kuma ka saddexaad?
Dubbe:
Waxaan maqlay Monsieur, Jug-soo-Dhacay Jamac Yasiin Faarax oo ku khudabadaynaya "kuwa bulshada isku diraya ha dhegeysanina."
Waxaan idhi sawkaa is tilmaamay ee dadkii intii ku hadhay iska eryay. Hadda waa ninka madaxda ka ah xisbiga UDUB ee siyaasaddiisa doorasho ka kooban tahay saddex qodob oo keliya. 1) "ciddii Habar Yoonis ahay dagaalkii sokeeyey xusuusnaada weligiin oo ciddii Isaaqa kale ah ee kursii doonaysa haw codaynina." 2)Samaroonow haddii Kulmiye guulaysto beeraha iyo lo’da ayay idinka qaadayaan. 3) "yaa damiirkiisa iyo dadnimadiisa gadaya oo lacag raba oo noo codaynaya."
Doolaal:
Sii wada meel baan yar gaadhayaa aan qolo kula ballan sanaaye.
Dubbe:
Sii wadimaynee fadhiiso ninkii Qurba joogga ahaa baanu kuu dhammaynaynaa sheekadiisiiye. Wallaahi inaanad kacayn waanigaa dhaartaye.....
Inyar markaanu soconay buu yidhi "waar qaar aan jaad ugu ballan qaaday baan ilaabay ee kolaygan inagu du’." Waan duway. Gaadhi taagan baa daaqadiisa geedh jaad ah laga soo maguujiyay oo gabadhii iibinaysay indhaha kaga dhacay. Gabadhii oo anfariirtay baa tidhi. "Waar dee qaadka haygu tuurin Wasiir ee iga bedel uun qunyar i dhe." "waar ninka jaadka gabadha indhaha kaga dhuftay muxuu ahaa." Buu yidhi. "Waa Idris,Wasiirkii Maxjarka baan idhi." Kuye. "oo gabadha miyaad garanaysaa?" "haayoo Mujaahid naafo ah baa qaba oo ay isaga iyo carruurtiisii qaadka ku masruuftaa." Baan idhi. "oo berigii halganka Idris muxuu ahaa?" Buu yidhi. Intaanan u jawaabin ayuu gaadhi isa soo taagay oo uu ka soo degay nin gaaban oo uur buuran oo dadka wax lagama sheegee, Ilaahay haynaga dhaafee, aad moodo Nayl yar oo qasaasil cabbay. "waar kanna muxuu ahaa ."buu yidhi. "Waa wasiirkii Ciyaaraha." ayaan idhi. "adigu ma magaaladoo dhan baad na odhan kanna muxuu ahaa?" baan u raaciyay. "mayee lambarka gaadhigiisa ayaan gartay oo xalay isagoo luuq madaw taagan oo wax ka dhex qoslayaan aan dad iyo dacwooyin u kala garan waayay ayaan soo agmaray." Buu yidhi. "wallaahi xareediskaa horaan u maqlay" baan idhi. "Idris bay saaxiib yihiin." baan u raaciyay.

Doolaal:
Waar xishood oo madaxda shakhsi weerarka ka daa. Inaa’r haddaba aan kaco. Wallaahi dad baan meel kula ballamay.
Dubbe:
waa dhamaade dhegayso. Markaanu dhaqaaqnay ee aanu inyar soconay buu yidhi "waar hudheelkii igu celi aan lacag ka soo qaatee." "hayee cid dambe hay weydiin." Baan idhi. Gaadhi dumar badani ku buuqsan yihiin oo nin gaadhiga ku jira ay gadhkiisa tiigsanayaa si ay u qabtaan oo u baryaan kolna gacmaha cirka u taagaya sidii wax Ilaahay u cabanaya ayaanu ku soo baxnay. Halkiisii buu ka miisay oo "maxay ahaayeen?" buu yidhi. "kulligood wada garan maayo ee illaa tobaneeyo ayaan garanayaa." baan idhi. "Taa shalmadda cas lihi waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa bidixda ka xigtaa ee dirica basaliga ah gashani waa Muj. ibrahim Habar yartii. Ta gaadhigu taayirka cagta ka marin gaadhay ee ku tiirsani waa Muj.Cali walaashii. Taa ilmada iska duugaysaa waa Muj. Daahir hooaydii. Ta aamusiinaysaa waa Muj. xirsi walaashii. Taa lleh "hoogay oo tacabkay khasaarayeey" waa Mujahidkan gooladda baabuurtu ka leexato seexda hooyadii. Taa askariga ilaadada ahii gambada ka tuuray ee cirrada u qaawiyay waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa leh "Ilaahay iyo rag inoo kaca waynu leenahay ee inaga keena." Waa Muj. Xasan inaadeertii. Labadaa dib u yar joogsaday ee murugada iyo amakaaggu ka muuqdaa waa Muj.Maxamed iyo Muj. Axmed hooyooyinkood. Taa taagnaan kari weyday ee dhulka fadhiisatay waa Muj. xuseen hooyadii. Labada biyaha siinaya eek u fooraraa waa Muj. siciid iyo Muj. Bashe hooyooyinkood. Ta leh "naa laydha u baneeya." Waa Muj. Diiriye habar yartii." Baan idhi. " waxay wax tar ka doonayaan xukuumadda oo Intaas oo mujaahid oo aan kuu sheegay ama waa naafo laxaad ama naafo maskaxeed qaarna waa shihiideen." Baan u raaciyay.
"Oo ninka Gaadhiga lagu sidaa ee ay baryayaanna waa kuma?" buu yidhi. "Waa Wasiirkii Daakhilga Cabdillahi Cirro." Baan idhi. "berigii halganka muxuu ahaa?" buu yidhi. "AHN tee haddii uu Suldaan Boqor Yusuf Dhegaweyne noolyahay su’aashaadaa wuxuu kaga jawaabi lahaa "Haaye. You never eh. You never understand eh. People in the Jail eh. Beating hard eh. My testicles eh" dee xiniinyaha ayuu ragga jeelkii godka la odhan jiray kaga saari jiray.
Waar maxaynu jiidhnay? Ma ri’ baa? Ta kale maxaad la ooyaysaa waa caadiye. Waar raggu ma ooyo ee adkayso waxba maad arage. "waar bal goodhidan yar igu du’ aan biyo ka iibsadee." Buu yidhi. Markaan joogsaday buu haddana yidhi. "oo daartan dheer ee cirka ku jaran yaa leh." "Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin." Baan idhi. "Goodhidanna yaa leh."buu yidhi.
"Mujaahid Ismaaciil oo naafoo ah ayaa leh." Baan idhi.
Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo
A. Geeljire

harar on February 24 2010 10:25:23 ·

Qubane



Tuesday 23 February 2010

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo ku Baaqay in si wadajir ah loo Waajaho Khatarta Argagixisada


Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo ku Baaqay in si wadajir ah loo Waajaho Khatarta Argagixisada
“Doorashada ha noqoto inaga ama saddexda gole ee dawladda, axsaabta ama dadweynaha ha noqotee innaga oo dhan u wada eryeyna ayuun baynu ka bixi karnaa hawl fududna maaha”

Md. Saleeaban Maxamuud Aadan


Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka digay khatar uu sheegay inay ka soo socoto kooxaha argagixisada ah, isla markaana waxa uu ku baaqay in lagaga hortagi karo iyadoo si wadajir ah shacab iyo dawladba gacmaha la isku qabsado.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa khudbad uu shalay ka jeediyey fadhigii Golaha Guurtida oo mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen lix gudd-hoosaad oo ay soo xuleen shirguddoonku oo qayb kahaa go’aamadii lagu soo afjaray khilaafkii Golaha u dhexeeyey, ayaa ka hadlay arrimaha nabadgelyada Somaliland oo uu tilmaamay in khatarta ugu badani tahay kooxaha argagixisada ku soo badanaya dalka. Sidaa daraadeedna waxa uu ku baaqay shacab iyo dawladba in khatartaas si isku duubni ah loo waajaho, si looga guulaysto.

“Maanta hawlaha qarankan u yaala ee u baahan wax ka qabasho in aynu isku duubnaano ayey u baahan yihiin, ta ugu culusi waa nabadgelyada oo aad moodo in argagixisadii inagu soo korodhay, meelaha qaar ha u sii darnaadeen oo ay ka gaysteen dil, dhaawac iyo khalkhalinba, dad isku duuban ayuun baa wax ka qaban kara, innaga oo taagteena u hurnay dawlad ahaan marka horeba haddana nacabka aad moodo inuu inagu soo wajahan yahay, haddii aynu isku duubanahay oo wadajir u shaqayno wax baynu ka qaban karnaa, Ilaahay ha ina waafajiyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu khudbadiisaa kaga hadlay hawlaha u diyaargarowga doorashada iyo waxa kaga beegan gole ahaan, waxaannu sidoo kale dhinacyada dawladda, axsaabta iyo shacabka ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii ay u qabsoomi lahayd.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Doorashada, dawlaha ku gaamuray habkaa aynu wax u doorano ayuu geliyaa khalkhal, innaguna waynu is taahilnaa, markaa waxaannu leenahay waar aynu u dhug yeelano. Doorashada ha noqoto inaga ama saddexda gole ee dawladda, axsaabta ama dadweynaha ha noqotee innaga oo dhan u wada eryeyna ayuun baynu ka bixi karnaa hawl fududna maaha, inaga gaar ahaan [Guurtida], cidii laacdamaysaa ha laacdanta ama ha tartantee innaga waxa waajib ina saaran in aynu wacyigelinteeda iyo dadka wax u sheegiisa in aynu u diyaargarowno, mar haddii aynu nahay xubno Baarlamaan waxa la inooga baahan yahay in muddada fasaxa aynu tango degaanadii in lagu noqdo oo loo wargeeyo, lagana war keeno, bulsho ururin ayaa inoo taala, abbaaro ayaana jiree Ilaahay ha inaga dulqaado.”

Fadhigaasi oo mudanayaasha goluhu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen guddi-hoosaadyada golaha oo magacyadooda laga hor akhriyey fadhigoodii shalay waxa mudanayaasha fadhiga ka qaybgalay oo tiradoodu dhammayd 56 mudane waxa cod loo waydiiyey Guddiga Joogtada ah ee cusub, waxaana oggolaaday 49 mudane, halka 5 kale ka diideen, isla markaana 1 mudane ka aamusay.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu mudanayaasha ku wargeliyey in goluhu fasax muddo bil iyo badh ah galayo, isagoo mudanayaasha kula dardaarmay inay ku noqdaan degaanadii laga soo doortay oo u kuurgalaan xaaladaha nololeed ee ka jira.

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre oo isna fadhiga hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in inkasta oo ay ku rafteen soo afjarida khilaafka golaha ay hadda si rasmi ah heshiis buuxa u wada gaadheen.

Magacyada xubnaha cusub ee Gudida Joogtada waxaa ay kala yihiin

Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamc, Axmed Nuur Aw Cali Aadan, Yuusuf Cabdilaahi Cawaale, Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf, Farxaan Ciise Ubaxle, Cabdilaahi Ibraahim Xirsi [Dhugad], Muxumed Aw Axmed X Aadan, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Axmed Jaamac Faarax, Khadar Xuseen Sahal, Caydiid Axmed Maxamed, Maxamed Ducaale Qurux, Maxamed Jaamac Abokor, Maxamuud Xareed Rooble, Yuusuf Sh Axmed Nuur, Diini Cabdilaahi Hande, Maxamed Nuur Sugaal, Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, Khadar Ismaaciil Cabdi, Maxamed Hirad Shirtag, Cabdisalaan Maxamed Siciid, Axmed Xasan Saalax, Cismaan Cali Cabdi, Xasan Cumar Axmed iyo Xirsi Ciise Jaamac.








Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend



--------------------------------------------------------------------------------




--------------------------------------------------------------------------------

Monday 22 February 2010

xafladii kulmiye ee manchester iyo wacdarihii



Dhoolatuskii KULMIYE Ee Manchester Iyo Digarogashadii Dhalinyaradii UDUB Kasoo Baxday



(Somaliland.ORG, Manchester England) Waxaa magaalada Manchester ee cariga Ingiriiska lagu qabtay shirweyne aad loo soo agaasimay, waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey Jaaliyada degan waqooyiga Ingiriiska oo ay hormuud ka tahay Laanta KULMIYE ee Manchester.



Shirka ayaa loo soo agaasimay si aad u qurxoon, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ay dadweynaha waqooyiga Ingiriiska degani ay fursada u heleen in ay la kulamaan; Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Cabdiqadir, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gollaha Wakiilada Cabdicasiis Samaale, Cabdi aw-daahir, Dr Maxamed Cabdilaahi Omar, Axmed Cali Cadami, Abiib Timocade, Xildhibaan Ikraam Xaaji Daauud, Cismaan Saxardiid iyo masuuliyiin kale oo badan. Waxaa kaloo joogay goobtaas, si weyna uga qaybqaatay shirkan xildhibaano dhawra oo ka mid ah gollaha wakiilada, waxaana ka mid ah Aadan Tarabi iyo Xildhibaan Dhaahdheere oo labaduba ka tirsan xisbiga UDUB, iyo xubno kasocday Ururka UDHIS.



Inta aanan u gudbin shirka iyo sidii loo daadihinayey, waxaan jeclaa in aan xuso, in dhamaan xubnihii ka hadlay shirka ee KULMIYE, ay gudbinayeen fariin ah in la sii daayo, lamaanaha u dhashay Britain ee lagu afduubay dalka Somaliya, waxayna ka codsadeen budhcadaas haysata lamaanahaas in ay iska sii daayaan, iyaga oo sumcada Somalida illaalinaya, dhawraya xuquuqda lamaanahaas kana feejignaanaya in aanay denbi gelin. Shirka ayaa isaga oo isku duuban fariintaas gudbiyey.



Shirka iyo Furitaankii Xaflada.



Waxaa lagu soo dhaweeyey mikrifoonka guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee cariga Ingiriiska, Ibraahim Xuseen Dakhare, wuxuuna halkaas ka soo jeediyey kelmado kooban oo uu ku guubaabinayo xubnaha ururka iyo guud ahaan laamaha Uk, wuxuu tilmaamay hawlaha horyaal Xisbiga KULMIYE, wuxuuna hadalkiisii ku soo koobay, in loo baahan yahay taageerada xubnaha, weliba taageerida dhaqaale ay laf-dhabar u tahay dedaalka xisbugu ku jiro ee ka midho dhalinta dimoqraadiyada. Wuxuu hadalkiisii ku soo koobay, “balankeenu waa hawl badan iyo hadal yar.”



Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha Laanta Manchester, Mudane Faarax Xasan Jagac, wuxuuna soo dhaweeyey isaga oo ku hadlaya magaca laanta, wufuuda xisbiga iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga ayuu Faarax madasha ku soo dhaweeyey.



Waxaa halkaas ka hadlay Guddomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu sidoo kale isagu si gaar ah ugu mahadnaqay dhamaan taageerayaasha KULMIYE oo si mug leh ayuu yidhi, isaga intii uu shilka galay isu barbar taagay, wuxuu kaloo uga mahadnaqay taageerada ay xubnaha reer UK la barbar taagan yihiin xisbiga. Isaga oo arrinkaas sii iftiiminaya wuxuu yidhi “Haddii aynu doonayno in aynu xukuumada noocaas ah ee dhaqaalaha dalka boobtay ee hanta boobka ah ee dhul boobka ah, ka guulaysano, waa in aynu xisbiga xagga dhaqaalaha ka taageerno”. Isaga oo sii sharaxaya wuxuu yidhi “ Xukuumadu waxa ay nagu ceebaysaa in aanu dadka wax waydiisano, annagu hantida ummada ma boobno, haddiise ay ceeb noqotay in aanu taageerayaasha wax weydiisano, waa cajiib, annagu hantida ummada ma boono, hadaanuse leenahay waanu waydiisanaynaa taageerayaasha oo idin waydiisanaynaa taageero”.



Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibada Maxamed Cabdillaahi Cumar, wuxuuna sheegay barnaamijka Xisbiga ee doorasho, wuxuu sharaxaad ka bixiyey siyaasada arrimaha dibada ee xisbiga KULMIYE hadduu xilka qabto. Wuxuu xoghayuhu ka hadlay in maanta ay xisbigoodu si mug leh uga hawlgalay siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland, ka dib markii xukuumada Somaliland ku hungoowday, isaga oo ka hadlaya wuxuu yidhi “ Waxaan odhan karaa, maanta waxaa cad in xukuumada Somaliland ay u dhaqmayso sidii xisbi mucaarad ah, annagu aanu u dhaqmayso sidii xukuumad, marka aynu ka hadlayno arrimaha dibada.” Wuxuu kaloo ka hadlay Budhcad badeeda iyo agabka ay haystaan ciidamada badda Soamliland ee ku hawlgalaan, isaga oo barbar dhigay dayaca ciidmada badda, hantida iyo mushaharka Madaxweyahana oo ah bishii, waa sida uu hadalka u dhigaye “ Madaxweynaha Somaliland mushaharkiisu bishii waa $62000, mushaharka intaas leeg ma qaadan doono haddii la doorto Siilaanyo, umana baahna.” Ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.



Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay oo hadalo qiiro leh ka soo jeediyey, Cabdi Aw-daahir, oo si qoto dheer ugu dheeraaday waxa uu KULMIYe kaga duwan yahay Xisbiga UDUB. Isla markaana soo bandhigay in barnaamijyada kala duwan ee Xisbiga KULMIYE hirgalin doono hadii talada uu gacanta ku dhigo, oo ayugu horayso Wasaarada caafimaadka, oo uu sheegay in Xisbigoodu u sameen doono qaab tayo leh, isla markaana aanay faro galin siyaasadeed ku sameen hawl maal meedka shaqo ee dhakhaatiirta. Waxaana Dr Abdi Aw-Dahir Cambaareeyay eriskii 13 dhakhtar ee dhawaan xukumadu shaqadoodii ka eriday, iyaga oo danbi ay galeen jirin.



Ikraam Xaaji Daa’uud ayaa iyana hadal kaftan iyo baraarujin isugu jira ka jeedisay madashaa. Waxaana Ikraan ku booriday haweenka Somaliland ee qurbajooga ah, in ay ka qayb qaataan is bedelka siyaasadeed ee manta la rabo in dalkii laga sameeyo. Xisbiyadana kula xisaab tamaan waxqabadka siyaasadeed ee markaa ay u sameeyaan bulshada ay doonayaan in ay xukumaan.



Abiib timocade ayaa isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyay. Waxaana u sheegay in geesiyaal badani halgankii SNM naftoodii ku waayeen, halgan ka maantana Somaliland la rabo lagu badbaadiyana uu yahay mid dhaqaale iyo cod lagu badbaadinayo, sidaas darted dadka qurbajooga ku taageeraan Xisbiga KULMIYE dhaqaale. Maadaama iyagu aanay codeenayn.



Cismaan Saxardiid oo dhawaan uu Xoghayaha Arrimaha Dibada ee KULMIYE u magacaabay in uu yahay Xidhiidhiyaha Qurbo-jooga KULMIYE. Ayaa isana halkaas si aad u xamaasadeesan uga hadlay, wuxuuna sheegay in muhiimada ugu ween ee uu uga soo dhoofay Mareekan tahay sidii uu uga qayb qaadan lahaa, Xisbiga uga taageeri lahaa u diyaar garowga olalaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE ka wado dibada. Isaga oo sheegay in socdaalo kalena uu ku bixin doono wadamo kale, oo ka tirsan Europe. Si uu markaa ula kulmo jaaliayadaha Somaliland ee halkaa degan.



Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isaguna dadka ugaga waramay sida loo heli karo isbedel iyo calaamadaha muuqda ee ina tusaya in dadweynuhu diyaar u yihiin is bedelkaas.



Dhamaan siyaasiyiintii halkaa ka hadlay ayaa iyagu ugu baaqay qurbajooga in hadii ay doonayaan in isbedel ka dhaco dalka, ay markaa is garabtaagaan Xisbiga KULMIYE, oo ku tageeraan dhaqaale iyo afba doorashada madaxtooyada ee dhawaan dalkii ka dhici doonta. Iyaga oo dhamaantood xusay madaxdaasi, in isbedelkasta oo aduunka ka dhacaa ay jiraan cid ka danbeesa oo u hurta naftooda ama maalkooda. Sidaas darteed isbedelka manta laga rabo in dalku ka dhacona yahay mid la doonayo in dhaqaale iyo cod lagu garab istaago, qurba jooguna maadaama aanay iyagu codeenayn ay markaa huraan maalkooda si isbedelkaasi u rumoobo.



Xisbiga KULMIYE wuxuu ku soo bandhigay shirkoodaas dhawr arrimood oo ka duwan khudbadaha ay jeedinayaan masuuliyiinta KULMIYE, waxaana ka mid ah dhalinyaro badan oo ka soo digo-rogotay UDUB oo soo gashay KULMIYE oo qurbo jog ah, kuwaas oo ka waramay sababaha ay u soo digo-rogteen, uguna soo biireen Xisbiga KULMIYE. Waxaa kaloo halkaas lagu soo bandhigay, waxqabad ay u qabteen Xisbi ahaan dadweynaha Somaliland, sida Iskuul Burco ku yaal oo uu ka Hadlay Mudane, Cabdi Yusuf iyo dhalinyaro Ingiriis ah oo kala shaqaynaysay dhismaha iskuulkaas qayb mid ah.



Shirka waxaa soo gunaanaday, guddomiye ku-xigeenka kowaad ee Wakiilada mudane, Cabdicasiis Samaale, isaga oo diinteena iyo dhaqankaba kaga waramay, dhibta ay leedahay keli-talisnimadu oo ah aafo ragaadisa waayahaya nololeed iyo horumarineed ee bulsho, wuxuuna halkaas gundhig uga dhigay, aayado iyo axaadiis ka waramaysa arrimahaas. Mudane Cabdicasiis ayaa dadweynaha madasha jogay aad uga heleen hadalkiisa oo diinta salka ku haysay.



Gebagebadii Shirka.

Shirka waxaa ay fanaaniin iyo abwaano ku soo bandhigeen heeso iyo murti sugaaneed oo aad u tayo badan oo ka turjumaysa waaqica siyaasadeed ee Somaliland, waxa ay suugaantaasi gundhigeedu ahaa mid tilmaamaysa waxa Xsibiga KULMIYE ku yahay ka dalka badbaadin kara.

Heesahaas ayaa ahaa kuwo aad loogu raaxaystay, dhegtuna ku nasatay laguna soo afjaray shirkii oo lagu soo gunaanaday.



Somaliland.ORG

(Manchester England)

Sunday 21 February 2010

doorashada kulmiye iyo udub kee helaya


Marka hore ilaahaybaa og cidda guuleysaneysa doorashada soo socota ee Somaliland. Kii ilaahay u calfay ayaanu noqonayaa. Ilaahaeyna haynooga dhigo kuu kheyrku ku jiro. Walaw ay muhiim tahay Isbeddelku. Waayo ta ugu yar waxa weeye kan maanta waa la tijaabiyey. Sideed sanadood waa la asqoobey. Mid kale shan kale ha lagu tijaabiyo
Markeynu odorosnu yaa guusha helaaya oo ilaahay ogyahay. Haddana inaku waxeynu miqyaaseynaa bal beelahu sidey u kala taageersanyihiin. Waxaan qiimeynaynaa isbarbardhig doorashadii 2003 iyo ta aynu fileynu in ay dhacdo 2010. Samaroon kulmye waxbaa uga kordhaaya-dinaca maxamed casse. sacadmuuse-kulmiye waxbaa uga kodhaaya-dhinaca jibriil abokor, habaryoonis- kulmiye waxbaa uga kordhaya-gobolka togdheer. Habarjeclo- kulmiye waxbaa uga kordhaaya dhinaca solol madaw iyo muuse abokor. Inta kaleba hadaad sideeda u deysid intaas ayuu ku guuleysanayaa iyo dhallinyarada iyo hooyooyinka oo isbeddel doonaaya. Shaqo la’aaan iyo tahriih uu maamulka udub la kowsaday.

doorashadii madaxtooyada 2003

Friday 19 February 2010

Madaxweyne rayaale oo la filaayo in golihiisa kala bedelo


Warar u dhuun daloola madaxtooyada ayaa sheegaaya in isbedel uu ku sameyn doono madaxweynne rayaale golihiisa wasaaradda. ilaa hadda inta la xaqiijiyay cawil cali ducaale waxaa loo magacaabayaa wasiirka duulista hawada. cali maxamed warancadde waxaa laga dhigayaa wasiirka waxbarashada. Xassan gadhweyne waxaa laga dhigayaa wasiirka maaliyada. cabdilaahi maxamed ducaale waxaa la sheegay inlaga beddelaayo wasaarada arrimaha debeda ilaa hada se ma cada cida lagu bedalayaa

Wasiirka xanaanada xoolaha oo u ambabaxay france

Kii iilka dhigay u andacootooy




Wasiirka xannaanada xoolaha Mr idriis ayaa u ambabaxaaya dalka faraniiska. Mr Idriis oo imminka noqday gacanyaraha mudane daahir rayaale kaahin dhinaca danahooda dhaqaalaha gaar ahaaneed oo la leeyahay wuxuu ku bedelay wasiirka maaliyadda mudane cawil cali ducaale oo baryahanba aanay isku wanaagsaneyn . Waxaana la leeyahay waxa laga yaaba in loo beddelo wasaaradda waxbarashada. Halka xassan gadhhweyne laga yaabo in loo beddelo dhinaca wasaarada maaliyada. Faransiiska ayaa noqdey goob uu ugu talogaey in uu daahir rayaale dego mustaqbalka , amaba u noqota hoygiisa labaad kolba siday wax u dhacaan. Immminka waxaa uu ku leeyahay guryo waaweyn oo qaali ah oo xaaskiiisu deganyahay.
Mudane Idriis ayaa si toos ah u diiday golaha wakiilada ka dib markey ka dalbadeen in uu warbixin ka bixiyo Hanyti badan oo aan sharciyadda soo marin oo si xadhaafa loogu tagrifalay. Wuxuu sheegay in arrimahaasu ay yihiin sir dawladeed cidna aan loo bandhigi Karin. Shirguddoonka ayaa qoraal rasmi ah u direy madaxweyne Rayaale oo ay ka dalbanyaan in uu wasiirkiisa ku qasbo in uu horyimaado golaha sharcigana u hoggaansamo. Waxay noqotay Kii iilka dhigay u andacootooy.

Qarannews oo buunbuunisay banaanbaxii UDUB. Sawiradeedii ayaa se run sheegay''Maya UDUB''


Banaab-bax uu diyaarinaayay xisbiga UDUB oo muddo laba toddobaad la abaabulaayey ayaa dhicis ku dambeeyey .waxaana rerr Hargeye ugu Jawaabeen ''MAYA'' . Waxaa ku baxay kharaj lagu qiyasay 300.000 oo doolar. waxaa looo isticmaaley gaadiidkii qaranka , tv-gii qaranka. idaacadii qaranka, ciidamadii qaranka, iyo xooggii qaranka. waxey aheyd hinaase iyo xintan dareenkii qiirada lahaa ee reer hargeysa ku soo dhaweeyeen axmed siilaanyo.
Haddaba bannaanbaxaasu muxuu ku dambeeyae. Udub Lafteeda ayaa kaaga warameysa. waatan websiteka afka dawlada ku hadla ee qarannews oo weliba buunbuunineysa ay sawiro ka soo qaatey. weliba waa intey doorbidey :
Hargeysaa hadashay wxay tidhi :DAAWO
Bal eega cismaan cid soo dhaweyneysa ma aragtaan

Bal eega waa koox dhalinyara ah oo meel iska tuban

In haween ah oo bas la soo saaray
Laba bas oo aan cidi fuushaneyn

In ka yar 10 dhalinyara ah oo loo soo xidhay garamo

Banaab-bax uu diyaarinaayay xisbiga UDUB oo muddo laba toddobaad la abaabulaayey ayaa dhicis ku dambeeyey .waxaana rerr Hargeye ugu Jawaabeen ''MAYA'' . Waxaa ku baxay kharaj lagu qiyasay 300.000 oo doolar. waxaa looo isticmaaley gaadiidkii qaranka , tv-gii qaranka. idaacadii qaranka, ciidamadii qaranka, iyo xooggii qaranka. waxey aheyd hinaase iyo xintan dareenkii qiirada lahaa ee reer hargeysa ku soo dhaweeyeen axmed siilaanyo.
Haddaba bannaanbaxaasu muxuu ku dambeeyae. Udub Lafteeda ayaa kaaga warameysa. waatan websiteka afka dawlada ku hadla ee qarannews oo weliba buunbuunineysa ay sawiro ka soo qaatey. weliba waa intey doorbidey DAAWO:

Al-mabxuux dilkiisii- halkan ka daawo

Wednesday 17 February 2010

wefdi somaliland oo mareykan tegaaya








Madaxwayne Rayaale Oo Labada Shirgudoon Ee Baarlamaanka Qoraal Kaga Dalbaday Qoondaynta Laba Xubnood Oo Ku Lug Dara Wafti Maraykanka Laga Casuumay

Ilo wareedyo u dhuun daloola marti qaadka la sheegay in dawlada Maraykanku ay u soo fidisay SL ayaa

Hargeysa,(GNS) – Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa labada shirgudoon ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada qoraal rasmiya oo uu shalay u kala qoray kaga dalbaday laba xubnood oo ku lug dari doona wafti ka socda xukuumada Somaliland oo ay dawlada Maraykanku marti qaad rasmiya u fidisay, kagana codsaday in gudoomiyayaashoodu ay laba xubnood oo ka mid ah labadooda shirgudoon soo gudbiyaan.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada iyo labada shirgudoon ee labada aqal ee Baarlamaanka, hase yeeshee ilo xogagaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu maalintii shalay qoraal rasmiya oo uu u soo kala qoray labada shirgudoon ugu sheegay inay soo diyaariyaan labadii gudoomiye ee shirgudoonkooda uga matali lahaa wafti ka socda Somaliland oo marti qaad rasmiya ay u fidisay dawlada Maraykanku, iyadoo tibaaxuhuna sheegeen in madaxweynuhu qoraaladiisaasi ku soo kala socodsiiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi ( Ciro) iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan Gaal).

Si rasmiya looma oga in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka mid noqon doono waftiga marti qaadka rasmiga ah ugu kicitimi doona dalka Maraykanka iyo inuu ka hadhi doono toona, waxayse tibaaxuhu noo sheegeen in waftiga xukuumada ka ambabixidoona ay ka mid noqon doonaan xubno ka tirsan golaha wasiiradu.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi C/casiis Maxamed Samaale ayaa iyagu wakhtigan xaadirka ah dalalka Yurub socdaal shaqo ugu maqan, iyadoo xiligana uu ku simaha gudoomiyaha wakiilada uu sii hayo gudoomiye ku xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax, ilaa hadana ma cada in gudoomiye ku xigeenka labaad waftigaasi lagu marti qaaday dalka Maraykanka uu sii raaci doono iyo in Guddoomiyuhu ka mid noqon doono, hase yeeshee shirgudoonka golaha guurtida aya iyagu dhamaantood wakhtigan xaadirka ah dalka ku sugan lamana oga in gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan waftigaasi xukuumada uu isagu ku sii lug dari doono iyo in labadiisa gudoomiye ku xigeen mid ahaani uu raaci doono.

Ilo wareedyo u dhuun daloola marti qaadka la sheegay in dawlada Maraykanku ay u soo fidisay xukuumada Somaliland oo ay weheliyaan laba xubnood oo ka tirsan labada shirgudoon ee labada aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaa la filayaa in dabayaaqada bishan February 2010-ka ay u kicitimaan dalkaasi Maraykanka.

Haafuf

Monday 15 February 2010

Booliiska Wajaale Oo Si Xun U Garaacay, Xabsigana u Taxaabay Curyaan Kulmiye Taageersan .


Booliiska Wajaale Oo Si Xun U Garaacay, Xabsigana u Taxaabay Curyaan Kulmiye Taageersan .

Amarka lagu xidhay ninkan naafada ah sida la sheegay waxaa bixiyay taliyaha ciidanka bilayska dagmada wajaale oo lagu tilmaamay.....

Wajaale (GNS):- Ciidamada booliska ee dagmada tog wajaale, ayaa shalay galinkii danbe xabsiga u taxaabay Faarax Axmed Maxmed oo ahaa nin laxaad la,a isla markaana si arxan darro ah u garaacay kana tirsan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye.



Mr. Faarax Axmed Maxamed oo ku socda baaskiilad curyaan si wayna looga yaqaano magaaladaasi caana ku ah sidashada calanka xisbiga kulmiye ayaa si la sheegay ciidamada booliiska ee uu hogaamiye axmed dacawo u gaysteen jidh dil foolxun ka hor intii aanay xabsiga u taxaabin, Arintaasi oo qaar badan oo dadwaynaha ree wajaale aad uga damqadeen ugana xumaadeen.



Xadhiga lagula kacay muwaadinkan curyaanka ah ayaa sida ila xog ogaal ahi tibaaxeen waxaa uu ka dhashay maqaal Mr. Faarax Axmed Maxamed dareenkiisa gaarka ah ku cabiray oo axadii todobaadkan ku soo baxay wargayska madaxa banaan ee Geeska Afrika, kaasoo uu kaga cabanayay tacadiyo faro badan oo ciidamada amaanku ku hayaan.



Amarka lagu xidhay ninkan naafada ah sida la sheegay waxaa bixiyay taliyaha ciidanka bilayska dagmada wajaale oo lagu tilmaamay inuu yahay nin qalafsan oo tacadiyo foolxun u gaysta cidkasta oo xukuumadu ku tuhunto inuu xidhiidh la leeyahay xisbiyada mucaaradka ah.



Muwaadin Faarax Axmed Maxamed oo ah nin si wayn looga yaqaan wajaale isla markaana la nool ganacstada magalada wajaale oo iyagu quudiya, maadaama uu yahay naafo laxaad la,a oo aan shaqaysan Karin.

Gabiley News Office
Gabiley Somaliland.

Sunday 14 February 2010

Cismaan Hindi ayaa Buuq iyo Muran ka dhex alloosay waftigii Xisbiga udub ee jooga Togdheer

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Burco(Saraarnews):-Cismaan Hindi, oo ah Madaxa Ololaha Doorashooyinka ee gobolada Galbeedka Soomaliland ee Xisbiga Udub, ayaa Buuq iyo Muran ka dhex alloosay waftigii Xisbiga



Udub ee uu hogaaminaayay Xoghayaha Guud, oo hadda ku sugan Magaaladda Burco, ee xarunta Gobolka Togdheer.

Sida uu xaqiijiyay xubin goobjoog ka ahayd kulankan, talaabadan ayaa ka dhalatay , ka dib markii Cismaan Hinddi ku dhawaaqay in Xubno ka midda xubnaha sare Xisbiga Udub,kana mid ahaa waftigii xoghayah Dibadda looga saaro, shir ay maanta waftigu Udub la lahaa isu duwayaasha gobolka Togdheer, taasina ay keentay in Buuq iyo Muran weyn soo kale dhexgalo waftigii Udub.

Waxa wararku intaas ku dareen in aan ilaa hada lagaranayn sababta Cismaan Hinddi,ku kaliftay arintan inuu sameeyo,balse lagu tilmaamay in Cismaan hindi u yimi Burco, si uu baabiyo talaabooyinka Horumarka u Xisbiga Udub ka gaadhay goboladda Bariga Soomaliland,

Sidoo kale, Cismaan Hinddi ayaa la sheegay inuu loolan weyn ugu jira sidii Buuq iyo is faham la’aan uga dhex Abuuri lahaa Xisbiga Udub iyo Xoghayihiisa.

Talaabooyin Cismaan hindi ku dhaqaaqay ayaa dhalisay in walaac iyo niyad jab badan ku abuurtay taageerayashii xisbiga ee gobolka togdheer,kuwaasoo fajac iyo yaab ku abuurtay arintan cismaan hindi k u talaabsaday,taasoo ay ku micneeyeen mid uu ku ragaadiyo hawlaha iyo dardargalinta Xisbiga.

Waftiga xisbiga Udub ayaa maanta kulan gaara ku leh Huteelka uu degan yahay ee Cigaal,taas laga hadlayo falalkan xisbig ka dhanka ah ee uu Cismaan hindi ku dhaqaaqay.

Source: Togdheer

Friday 12 February 2010

Maamulka Rayaale ayaa khilaafaadka Guurtida ka kaw ah


Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa sheegay in Xisbigooda iyo Xukuumadduba ay farogelin doonaan Golaha Guurtida, isla markaana waxay reer Galbeedka ku eedeeyeen in uu Somaliland soo geliyay Dimuqraadiyad aanu dalka waxba ku tarin.

Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa dawladaha reer Galbeedka ku edeeyay in ay dalka soo geliyeen Dimuqraadiyad aanay waxba ku tarayn. “Waxa ina jebiyay niman reer Galbeed la yihaahdo oo Dimuqraadiyad sanka inaga soo geliyay, waxna aan inagu tarin. Waxaynu nahay dad tallaabadeeniina ka tagay, tu kalena gaadhi kari la’. Waayo, waxaynu lahayn Dimuqraadiyad dhaqan ah.” ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo u waramay Telefishanka HCTV.

Afhayeenka UDUB wuxuu sheegay in ay si cad u farogelin doonaan Golaha Guurtida Somaliland oo Shirguddoonkoodu sheegay in ay xal u waayeen khilaaf ka dhaxeeyay, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay khilaafka Golahaas. “Golahan caado uma ahayn in uu is-khilaafo, faa’iido badan ayaynu Golahaas ku qabnay oo markaynu is-af-garan wayno Siyaasad ahaan ayay ina dhex geli jireen oo ay soo af-jari jireen. Nimankan (Guurtida) Mucaaradku u tiriyaan in ay Jeebka ugu jiraan Madaxweyne Rayaale, waxay ahaayeen nimankii xalliyay khilaafkii u dambeeyay.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anagu markii hore farha waanu ka laabanay oo iyaga (Guurtida) ayaanu u daynay arrimahooda, laakiin imika gacmahayagu laabnaan maayaan anaga oo arkayna in Golaha lagu baabi’inayo talo uu Mucaaradku leeyahay, farogelintayaduna imikay bilaabmaysaa.” Waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ugu baaqay in uu is-casilo.

Afhayeenka UDUB wuxuu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale. “Madaxweynahana waxaanu leenahay ha daawan in Goluhu hortaada ku burburo, sababtoo ah fartii la qaadaba waxa la leeyahay Golaha Lacag baa la siiyay. Siday Mucaaradku u farogelinayaan, ayaanu anaguna u farogelinaynaa Golaha Guurtida.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa hore u shaaciyay in ay dhexdooda ka heshiin kari waayeen khilaaf u dhaxeeyay, isla markaana waxay arrintaa xallinteeda dib ugu soo celiyeen Mudanayaasha Golahaas, iyaga oo u magacaabay arrintaa Guddi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

wabixin arrimaha laascaanood

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa,





Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimbiil, ayaa falalkii Argagixiso ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaas ku eedeeyay Kooxaha dagaallada ka wada Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Cabdi Dhimbiil oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay in falalkii ammaan-darro ee ka dhacay Magaalada Laascaanood ay u qabqabteen dad, isla markaana sharciga la hor keeni doono.

Guddoomiyuhu wuxuu falalkaas ammaan-darro ku eedeeyay Kooxaha ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya falalka ammaan-darro ee Laascaanood. “Caddeymaanu u haynaa in Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ay abaabuleen falalka ammanka wax loogu dhimanayo ee ka taagan Gobolka Sool, waxaananu soo bandhigaynaa dhawaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu sheegay inay sharciga horkeeni doonaan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Thursday 11 February 2010

Kulmiye oo guddi baadhis sameynaaya

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa






Haddii uu xisbiga ku guuleysto hawsha madaxtooyada insha alla waxaa ugu muhiimsan arrimaha uu qabanaayo in la sameeyo guddi baadhis oo madaxbannaan. waxay qabanayaan in lagu sameeyo baadhis dhab ah hantida qaranka ee sida sharci darrada loo isticmaaley. dhulka iyo gasiradaha la iibiyey. baanka, dekkedda .

Madaxtooyada, wasaaradda maaaliyadda, iyo wasaaradda xannaanada xoolaha ayaa noqon toona meelaha culeyska la saarayo. cidii wax ku caddaadaana maxkamad ayaa lataagayaa

Wednesday 10 February 2010

Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay halkay u marayaan hawlaha diyaar-garowga Doorashadu.

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.




Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay halkay u marayaan hawlaha diyaar-garowga Doorashadu.

Afhayeenka Guddidan Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ay qaateen shaqaale cusub oo ilaa dhawr iyo toban qof.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay dalka yimaadeen khuburadii kala-shaandhaynta agabka kaydinta Liiska cod-bixiyayaasha Doorashada, waxaanu sheegay in ay hawshaa bilaabeen, isla markaana ay qaadan doonto muddo saddex bilood ah. “Khuburadaasi dalka way yimaadeen, hawshana way bilaabeen, isla markaana waxay noo sheegeen inay muddo saddex bilood ah qaadan doonto hawshaasi.” Ayuu yidhi Mr. Geelle.

Waxa kale oo uu sheegay in dalka lagu soo celiyay xogtii Diiwaangelinta oo hore loogu qaaday dalka Kenya, magaalada Nairobi, taas oo uu tilmaamay inay hadda gacanta ku hayaan. “Xogtaas waanu haynaa, waxaana naloo soo gudbiyay iyaga oo ay goob-joog ka yihiin Axsaabtu.” Ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Afhayeenku waxa ka mid ahayd; arrinta ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta, taas oo uu sheegay in ay si waadix ah u shaacin doonaan oo ay Bulshada u gudbin doonaan. Waxaanu intaa ku daray in ay maanta u amba-baxayaan gobollada dalka, si ay u soo dhisaan guddidii gobollada ee Doorashada.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Monday 8 February 2010

DOON KU SOO CAARIDEY XEEBTA U DHEXAYSA MAYDH IYO LAASA SURAD

strong>Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
DOON KU SOO CAARIDEY XEEBTA U DHEXAYSA MAYDH IYO LAASA SURAD



Monday, 08 February 2010
Ceerigaabo(Togdhnews)-Wararka naga soo gaadahya magaalada laasa surad ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe halkaas ay ku soo caaryeen dad tahriibayaal ah oo qaarkood ay nool yihiin

Tahriibayaashan oo watey dooni ayaa ku qaraqantay badda waxaana la sheegayaa in mudo dhawr cisho ah ay sabaynayeen bada qaar ka mida dadkii wax tahariibinayey ayaa iyagu baxasaday ka hor intii aanay ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland qaban

Dadkan inta nool oo tiradoodu yartahay isla markana aan laogayn tirade dhabta ah ee noo sabta oo ah dadkii oo baxsaday qarkood hadan tirade soo caaridey waxay ahayd ku dhowaad 125 ilaa140 qof

Maayarka magaalada laasa surad c/risaaq maxamed saalax ayaa sheegay in ilaa hada wax gargaara oo dadkaa loo fuliyey anaay jirin in kastoo ay qayla dhaan u direen xafiiska bisha cas ee gobolka sanaag degmada ceerigaabo


Dadkan oo badankooda badan ayaa u badan dad etiopian ah waxaana weli la baadhayaa dadkale oo ku maqan

Wararka qaar yaa sheegaya in doonta ay dadkii wax ku tahriibinayey ay dadkan ku daadiyen bada


Siciid axmed tamreyse

Sanaag74@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

ceerigaabo

Friday 5 February 2010

Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Burco: Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye Oo Rabtay In Ay Beelahaa Ka Go'do.




Burco(Ramaas) Feb.05, 2010 - Guddiga nabadgelyada gobolka Togdheer ayaa joojiyay shir ay doonayeen in ay magaalada Burco ku qabsadaan Beel ka mid ah Beelaha gabooye oo la yidhaado ilma kuul oo doonaayay in ay ka go'aan beelahaa, isla markaana ku talo jiray in ay sheegtaan in ay ku biireen Beel ka mid ah beelaha gobolka Togdheer .

Shirkan oo sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo sheegay in la doonayay in magaalada Burco lagu qabto todobaadkii tagay shir ujeeddadiisa lagu sheegay in Beel ka mid ah Beelaha Gabooye iyo xubno tira yar oo dabada ka riixayay ay ku doonayeen in ay magaalada Burco kaga dhawaaqaan in Beeshani ka baxday Beelihii uu ka tirsanaa ee Gabooye, isla markaana ay ku biirtay Beelaha Galbeedka Burco, balse ay arintaasi ka horyimaadeen hormuudka Beelaha Galbeedka Burco.

Guddiga Nabadgelyada Togdheer ayaa la sheegay in ay shirkan qabsoomistiisa mamnuuceen, ka dib markii ay soo gaadheen qoraalo iyo baaqyo isdaba joog ah oo ay hormuudka iyo wax-garadka Beelaha Galbeedka Burco ay kaga soo horjeedaan shirkaa oo ay u soo gudbiyeen guddiga nabadgelyada gobolka.

Masuuliyiinta amaanka gobolka togdheer ayaa la sheegay markii ay fariimahani soo gaadheen in ay joojiyeen si aanay rabshado uga dhicin gobolka, isla markaana ay soo saareen qoraalo ay gaadhsiiyeen dadka shirkaa waday. Waxaanay ku amreen in aanay Gobolka ku qaban karin wax shir ah oo noocaas ah, hadii ay diidaana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Dhinaca kale, marka laga tago diidmadan ay Beelaha Galbeedka Burco shirkan kaga hor yimaadeen iyo xayiraadan ay ku soo rogeen maamulka gobolka Togdheer waxa iyana shirkan ka qayliyay Beelaha Gabooye ee ku dhaqan gobolka Togdheer, kuwaas oo Salaasadii inadhaaftay cabasho ay shirkan kaga soo horjeedaan iyo Jilibka doonaaya in uu ka go'o la hortagay xarunta maamulka gobolka Togdheer, halkaas oo ay kula kulmeen Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo u sheegay in haba yaraatee shirkan wax ka soconayaa aanu jirin Beelaha Gabooyana aan la kala jarayn dadka shaxdaa wadaana ay yihiin dad lunsan ayna joojiyeen.

Ugu dambeyntii shirkan ay Jilibkan Gabooye ee Ilma Kuul ay doonayeen in ay Burco ku qabtaan ee la xayiray ayaa la sheegay in wadamada Yurub laga soo raray oo ay dadka qaar sheegeen in ay Quwado shisheeye dabada ka riixayaan ayaa magalaada Burco si weyn loogu hadal hayay labadii Bilood ee u dambeeyay, kaas oo ay dadka ku dhaqan gobolka Togdheer qof kastaba ka yaabisay. Reerkan doonaya in ay qabiilkoodii iyo asalkoodiiba ka kuuraan oo ay u diga rogtaan beel aanay ahayn, balse hadda waxay u muuqataa sida Burco laga dareemay in ay ciyaartaasi dhamaatay oo ay soo afgo'day.


Mahad Cabdillaahi Faarax
Ramaasnews Desk
Burao
harar on February 05 2010 19:54:16 ·

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed




Hargeysa(Ramaas) Feb.04, 2010 - Markab weyn oo ah nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Layla-S oo saaka waabarigii hore maraayey gacanka cadmeed ayaa waxaa weerar ku soo qaaday afar doonyood oo ay saarnaayeen budhcad badeed soomaaliyeed, waxaana ay isku wareejiyeen markabkaasi oo ay la socdeen 16 shaqaale ajaanib.
Saacad markii markabku u afduubna kooxdaasi balse aanay gudaha u gelin markabka ayaa waxaa goobta soo gaadhay laba doonyood oo ka tirsan ciidamadda Badda Somaliland oo wakhtigaasi maqlay qaylo dhaan uu markabku ku diray hoonka cida ah ee markabka, waxaana doonayahaasi ciidamadda Badda Somaliland ay rasaas oodda kaga qaadeen budhcad badeeda oo ka fakaday goobtaasi, waxaana u suurtagashay ciidamadda Badda Somaliland inay markabkaasi ammaankiisii la wareegaan isla markaana ay sababo ammaan dartood ugu soo xidheen dekedda magaalada Berbera sidaasina waxaa goor dhawayd shaaciyey wakaaladda Wararka ee lagu magacaabo phonophon post.
Markabka ayaa markii lagu soo xidhay dekedda Berbera saaka waxaa gudaha u gallay ciidamadda sirdoonka iyo kuwa ilaalada xeebaha Somaliland oo ku sameeyey baadhitaan, waxaana uu weli ku xidhan yahay markabkaasi Dekedda magaalada Berbera. waa markii labaad ee sidani oo kale ay ciidamadda Badda ee Somaliland u bad baadiyaan waxay ahayd uun dabayaqadii sannadkii hore markii markab laga lahaa dalka Shiinaha oo wadday shiidaal ayay ciidamadda Bedda somaliland bad baadiyeen.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun




Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiiladaWaftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.


Waftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.

Gud. Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland mudane C/casiis Maxamed Samaale iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si rasmiya loogu casuumay shirka wadamada Common Wealthka oo haatan si rasmiya uga socda magaalada London. Shrika waxaa ka qayb galay ilaa 40 dawladood oo dhamaantood xubno ka ah Common Wealthka.

Waxa ka mid ah waftiga Gud. Xigeenka la socda mudane Aadan Tarabi Oogle oo ah xubin ka mida ah Golaha Wakiilada isla markaana kasoo baxay xisbiga Udub. Aadan waa Gudoomiyaha Guddida la dagaalanka musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada.

Muhhimada ugu weyn ee shirkani waxay ahayd Dhisida Nabadgelyada iyo Xalinta Mashaakilaadka wadamada xubnaha ka ah ururkan. Intii uu shirku socday waxaa laga hadlay dhibaatootinka ka jira wadamada qaarkood iyo sidii loo xalin lahaa arrimahaasi.

Wafiga Somaliland waxay xalay qado sharaf loogu sameeyay magaalada Belfast ee gobolka Waqooyiga Ireland. Waxa waftiga si rasmiya u qaabilay isla mraka khudbad ka jeediyay hoolka shirarka ee Dawlad goboleedka Waqooyiga Ireland gudoomiyaha Golaha Waqooyiga Ireland mudane William Hay MLA Speaker of Northern Ireland Assembly.

Waftigu waxa ay joogi doonaan waqooyiga Ireland mudo laba cisho ah. Waxaana la filayaa marka uu shirka u dhmmaado inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan masuuliyin ka tirsan baarlamaanka Britain iyo masuulyiin kaleba

Sawirada shirka London iyo hawlahii ay ka soo qabteen waqooyiga Ireland dhawaan ayaa la soo gudbin doonaa. Waxa kale oo laga heli karaa websiteka Northern

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK



Birmingham (Golisnews.com)-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayaan safiiradda Somaliland u fadhiya dalalka ingiriiska iyo Ireland ayaa lagu wadaa in badhmtaha todobaadka soo socda ay kaga qayb gallaan magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka boqortooyada ingiriiska shirweyne caalami ah oo lagu wado inuu ka soo qayb gallo xogayaha arrimaha dibadda Britain David Miliband iyo Hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka David Cameroon.


Safarka M/weyne ku xigeenka oo aanay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyo guud ahaan warbaahintu aanay waxba kala soconin ayaa hadal hayntiisu wuxuu ka soo baxay ilo diblomaasyadeedyo ku dhaw madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska.


Shirweynahani caalamiga ah ee la filaayo inuu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka qayb gallo ayaa sidoo kale waxaa iman doonta diblomaasiyiin iyo safiiro ka tirsan midawga yurub, dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo sooranka (common wealth) iyo weliba diblomasiyiin ka socda dalalka waqooyiga iyo koonfurta amerika.


Sida warar lagu kalsoonyahay ay u xaqiijinayaan shabakadda Golisnews waxay wefdiga Madaxweyne ku xigeenku ku soo degi doonaan hotel ku yaalla badhtamaha magaalada Birmingham mana cadda in ay wax kulano ah la yeelan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham oo bilahii ugu danbaysay si tallan taali ah usoo dhawaynaysay hogaamiyayaasha siyaasadda Somaliland.


wixii warar ah ee arrintani ka soo kordha waxaa idinla socodsiin doona xarunta warqabadka golisnews ee West Midlands la soco





Golisnews, Birmingham


info@golisnews.com

Thursday 4 February 2010

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad 20100204


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad

Hargeysa (Ramaas) Feb. 04, 2010 - Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida somaliland ayaa maanta qaddo sharaf huteelka xaraf ee magaaladda Hargeisa ugu sameeyay 82-ka xildhibaan e golahaasi ka koobanyahay.
Xafladii qaddo sharafta ahayd ka dib hadal kooban oo uu ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka koowaad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre waxa uu yidhi “ Maanta waxaan golaha iskugu yeedhay dadku waa kuwii inagu sheekaysanayee bal inay yidhaahdaan imika nimankii waxbay wadda cunayaan(guurtida), oo nimankii colba maahee, oo sidaynu moodaynayba maaha, ha layidhaahdo ayaan is leeyahay”
“Hadalka iyo waxii wax isku sheeg ahna golaheenii ayanu la tagi haddi Alle yidhaahdo. Barigii aynu xereta ahaan jirnay waxa la odhan jiray labadda kitaab wadda akhrisatay waa laba naas wadda jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahiba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.” Ayuu yidhi sh. Furre
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladii qado sharafta ahayd wuxuu aad ugu mahadnaqay gudoomiye ku xigeenkiisa oo si shakhsi ah kaligii u marti qaaday golaha oo dhan, isagoo arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi” Sheekhu wuu ku mahadsanayahy haddii uu maanta iskugu keen yeedhay, oo uu yidhi waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, haduu yidhi aad iyo aad ayuu markale ugu mahadsanyah, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay golaheeni ayaynu la tagaynaa”
Dhinaca kale, Xaaji Cabdi Xuseen Xaaji Cabdi Waraabe iyo mudane Cabdil aahi Ibrahim xirsi(Dhugad), oo labaduba ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida ayaa uga mahadnaqay gudoomiye ku xigeen ka kowaad casuumadda uu u sameeyay.
Labadaas xildhibaan waxay sheegeen in la soo gaba gabeeyay khilaafaadkii ka jiray golaha, waxaanay xuseen in goluhu u midaysanyahay gudashada waajibaadka shaqadda.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

qaraxii Laascaanood oo galaaftey kii qarxinaayey 20100204


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
WASIIRKA DAAKHILGA OO SHAACA KA QAADAY IN QARAXII XALAY UU KU HALGAASAMAY NINKII KA DANBEEYEY QARXAYADII LAASCAANOOD

WASIIRKA ARIMAHA GUDDAHA SOMALILAND MUDANE CABDILAAHI CIRO AYAA SHIR JARAID KU QABTAY MAGAALDA LAASCAANOOD

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md C/laahi Ismaaciil Cirro oo ku sugan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa saaka shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Xamdi laascaanood ku soo bandhigay cadaymihii qaraxii iyo Ninkii Habeenkii Xalay ku dhintay qarax uu soo maleegay, damacsanaana in uu qarxiyo oo isagii ku qarxay ninkan oo ahaa sida uu Wasiirku sheegay ninkii ka danbeeyey Qarxyadii hore ee ka dhacay Magaaladda Laascaanood wasiirka ayaa soo bandhigay Mobile iyo Remote uu u adeegsanyay ninkani qaraxan .

Wasiirka ayaa sheegay in ay saaka ugu dul tageen ciidamadu goobtii qaraxu ka dhacay nin,Ninkaas oo ahaa ninkii damcasanaa in uu fuliyo qaraxaa balse ay u suurta gali wayday oo ay ka fashilantay , hadalada wasiirkana waxaa ka mid ahaa .

“Xalay waxa dhacay 7:30 Fiidnimo qarax nasiib wanaagse Maadama oo ay habeen ahayd waxaanu goosanay in aanu ciidamda ku wareejino goobta oo ay heegan ka galaan eeriyada oo aan cidi u dhawaan anaga oo ka cabsi qabnay in kii waynaa uu qarsoon yahay oo marka la isu soo baxo oo madax iyo ciidamoba wixii yimaada inay ku qarxiyaan sidii caadada u ahayd nasiib wanaag xalay oo dhan ciidanku meeshi gaadh ayuu ka hayay saaka subaxnimadii waxa lagula kulmay nin mayd ah oo ah ninkii dhigayay miinadaasi ama walxahaas qarxa waxaana la yidhaa miinaystuhu mar kaliya ayuu khaldamaa markaasna uu dhintaa isaga oo islahaa wax galaafo ayay isaga galaaftay nasiib wanaag macluumaad badan ayaa laga helay oo baadhis ku jirta oo aanu baadhista ka dib uun sheegi doono waxaanuse ummadda reer Somaliland gaar ahaan reer laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ba uga mahad celinayanaa sida feejigan ee ilaa hadeer ay uga taxadirsan yihiin isuguna duuban yihiin waxaanu ka codsanaynaa kuna adkaynaynaa nabadgelyadu qof kasta waa u dan ganacsatda waa u dan oo wadaadka waa u dan oo masaajidka la tagi mayo oo madaaarista la tagi maayo oo iskuul la tagi mayo oo shaqo la tagi mayo oo wax talaabo laga qaadin oo la isku duubnaan markii shalay aynu isu nimi waxaynu Alle ka barinay in Alle fashiliyo cida wax wada waxaana muuqata in uu Alle inaga aqbalay fashilaadaas ayaana ku timi ninkii isku dayay in uu waxan sameeyo arintuna baadhis ayay ku jirtaa macluumaad fiicaan oo raad raac fiican lehna waanu ka helanay inshaa Allah na way soo gabogaboobmi doontaa ”

Warqabadka ToggaHerer

Hargeisa

Somaliland

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)