Hadalka Ficil Ha Lagu Daro
Dr Yusuf Dirir — The Netherlands — 20 March, 2005
--------------------------------------------------------------------------------
Miyaad qabtaa akhristaha sharafta lehow?
1- Inu maamulku UDUB yahay mid dheli tiran oo si daran- doori ah wax u wadda.
2- In wada-tashi iyo qorshe u yaalo maamulka oo ay meel u wadda jeedaan xubnihiisu.
3- In wax yaala ay dawladu wasiiradeeda qaar ku kacayaan ama Madaxweynuhuba ay yihiin inay isku kalsooni u geeysey iyag oo wada maslaxad qaran .
4- In maamulka UDUB u ka shaqaynayo daryeelka iyo isku duubnidda umada.
Hadii ay jawaabtaada mid ka mida ama qaar ka badani yehiin HAA, waxaad akhristow aad ka mid tahay kuwa kalsoonida ku qaba maamulka UDUB, ee waxaan ku odhan lahaa dib wax u jaleec. Waxaan kale oo kugu darayaa hadii aad u aragto qoraalkan “been abuur”, jeexjeex oo dhabarkaaga ka tuur, dadkana uga dig in ay akhristaan..
Dawlada UDUB ma jiro wadda shaqayn iyo xidhiidh joogto ah oo u dhexeya Madaxweyna iyo wasiiradiisa. Wasaaradaha dhexdooda ma jiro xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeyaa. Isna ma jiro xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeya wasaarad kasta gudeheeda. Taas waxa u marag ah: Sidaynu ku aragnay is af garan waagi dhex maray Wasaradda Hawlaha guud iyo Arimaha Gudaha ,ee la xidhiidha shilkii foosha xumaa ee Hargeysa ka dhacay. Waa marag ma doon, waraysigii u bixyey Wasiir k/xigeenka Mudane Talaabo. Hadalada is dabraaya ee joogtadda uga soo baxaya Madaxweyne ku xigeenka dhinac iyo Wasiiradda kale,gaar ahaan wasiirka maaliyadda, ayaa iyaguna cadaynaya in aan wada shaqayni ka dhaxayn maamulka. Heshiiskii dhawaan dhex maray sadexdda xisbi, ee Madaxweynuhu gaashanka ku dhuftay,wuxuu astaan u yahay; qadarin la’aantii iyo meel ka dhaca uu Madaxweynuhu ku hayo madaxda xisbigiisa. Waxa reer Somaliland amakaaga ku ridey, war murtiyeedkii uu soo saaray af hayeenka xisbigu ee ku saabsanayd kontonkii xubnood ee ka tirsanaa Golaha Dhexe ee UDUB, taasi waxay muujisay in xisbigu qadarin gooni ah kala siiyo xubnihiisa, iyadda oo loo eegeyn fikradooda, ee loo egaayo gobolka am beesha ay ka soo jeedaan. Waxa kale oo dhamaanteen aynu xasuusana sidii UDUB dibadda ugu tuuray Dr.Cabdi Aw Daahir, isaga oo dhismaa xisbiga UDUB ka soo qaatay qayb libaax. Ma rumysantahay akhristow, dembiga Dr. Abdi Aw Dahir UDUB lagaga eryey in uu ahaa Dhakhtarka oo haweystey in uu madaxtinimadda xisbiga Riyaale kula tartamo. Taasina waxay ka marag kacaysaa in ay ceeb u yaqaaniin xisbiga UDUB, in xitaa si Dumoqraadi ah loo gu tartamo kol ay ku tahay jaranjaradda xisbiga dhexdiisa. Waxa isweydiin leh lacagtan marwada Riyaale ku yaboohday in ay Gabiiley hore ugu marinayso. Lama oga halka lacagtaasi ayay ka timid. Ma miisaaniyadii Wasaaradaha ayay la wareegtey oo qudha, mise xilka ayay ku aamine weeydey wasiradda ay arintanu khusayso?. Hadii lacagtanu ka soo baxday jeebka reer Riyaale oo anay khasnadda dawlada ka soo bixin, waxa waajib ah in Madaxweynuhu cadeeyo. Filmaayo in ay lacagtaasu tahay amaaha ka soo xerootay meheradii qaadka ee madaxweynuhu ku khasaaray intaanu xukunka qaban. Dhacdadan iyo kuwa kale maamulku ku kacayaa ma cusba,ee waa caado ay ka simanyehiin maamulada keligii taliska ahi, meel kastaba ha joogeene. Laakiin maanta waxa cadaatay in reer Riyaale, mudo aad u gaaban orod ku dhaafeen reer Siyaad Barre. Wasiradaas shaqadooda loo dabo maray wax ku haboon in ay xilka wareejaan,waa hadii ay magacoodda iyo karamadooda danaynayaan. Hadii ay lacagtani ka timid lacagtii Mudane Moxamed Xaashi Tilmaamay, ee aan khsanada gelina Waxa haboon in Madaxweynaha xilka laga xayuubiyo maxkamadna la soo taago.
Ma jirto wadda shaqayn toos ah, oo ku dhisan maamus oo u dhaxaysa UDUB dawladiisa iyo Xisbiyadda mucaaradka ah. Dawlada iyo mucaaradku waxay ahayd in ay isku diidaan wadada loo maraayo horumarka dalka, ee ma aha in lays kaga hor yemaado in dalka hore loo mariyo iyo in kalle. Taasna masuuliyadeeda waxa iska leh maamulka UDUB. Waayo Maamulku wuxuu u arkaa mucaaradaka cadow ka soo hor jeeda maslaxdooda gaarka ah, ee uu uma arko in mucaaradaka loo doortay in ay farta ku fiiqaan khaladaadka maamulka dawlada hayaa galo. Taas waxa ka marag ah: Cabudhinta iyo cagojugleeynta joogtada ah uu Maamulku ku hayo mucaaradka. Waxay kale oo ay ku cadahay hadaladda Wasiirka Gudaha ee odhanaaya: “waa laydin ka adkaaday” iyo “ma quustee naftiisa ayaa quus ah iwm” oo micneheedu yahay, danta dalka kama hadli kartaan inta aanu xukunka hayno.Arinta werwerka lihi waxay tahay, iyadoo aan la ogeyn in Madaxweynuhu la qabo fadexadahaas wasiiradiisa,in aanu shaqadiisa garanayn ama in aanu awood u lahyn in uu seetadda u gaabiyo ama uu eryo wasiiradaas ka talabsaday sharciga. Hadii madaxweeynuhu talaabo degdeg ah ka qaadan waayo dadkaas, ha ogaado in u isagu ka jawabi doono dhibaatadda ay dadkaasi keenaan oo aan cid kale loo raaci doonin.
Akhristoow, ma jiro xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeeya dawlada UDUB iyo Golyaasha sharci dejinta oo ku dhisan maamuus. Taas wax u marag ah ; muranka ka taagan xeerka doorashadda Wakiilada ee golyaashu gudbiyeen. Madaxweynuhuna isaga oo aan la kaashan lana gorgortamin xisbiyada mucaaradka ah iyo golayaasha ayuu xeer kaas mariyey halkii aan toosnayn. Golyaasha sharci dejinta sidaad u ogtihiin waxa u badan xisbiga UDUB, oo xitaa shir gudoonadda waxa gacanta ku haya dad UDUB ku abtirsada. Markaas shaki ku ma jiro in aan xidhiidh u dhaxayn labadaas laamood ee dawladda Somaliland iyo siyaasyeenta UDUB dhexdooda toona .
Ugu dambayntii, UDUB hagardaamo mooyaane reer Somaliland uma gelin wax hawl ah , oo la xidhiidha hore u markooda. Waxa laga yaaba inaad is weydiiso “Hagardaamo?”. Hadaba aan ku gu celiyo suaashee; adigu ii sheeg hagardaamadda ka weyn in malaayeen dollar laga xado xoolaha qaranka, iyada oo caruurtii iyo cirolihii reer Somaliland caafimaad daro,aqoon la’aan iyo macaluul malin kasta u dhintaan? Waa maxay mudarada ka weyn in loo baaheeyo raashinka ciidanka hor fadhiya cadawga, madaxweyne Riyaale na boqolaal kun oo dollar Konfur Afrika iyo Jabuuti ku tamashleeyo? Waa maxay mudaradda ka weyn in madaxweynuhu yidhaa: “ Insha Alaah cidamadda kuwii dhintay bilado ayey heli doonaan”. Isaga oo ka hadlaaya askartii iyo saraakiishii naftooda ku waayey iyagoo Mandeeq difacaaya? Madaxweynaha in uu taas afkiisa soo mariyaa kumay haboonayn, ee waxa ku haboonayd in uu kafaalo qaato agoontii,xaasaskii iyo waalidkii ay geesiyaashu ka tageen,intuu kumanaanka dollar ku bixinaayo laalushka, si uu maslaxadiisa gaarka ah ugu hore mariyo.
Gabagabadii, uma arko Madaxweeynuhu, inuu gutey shaqadiisi laga filayey. Wasiirada iyo madaxda kale ee xisbiga UDUB uma arko in ay guteen hawshoodii loo xil saaray. Sidaas darteed arimahan aan halkan ku soo koobay iyo qaar kale oo badan ayaa ka marag ah inaanu UDUB tayo lahayn, dalkana ka saari karayn marxaladan adag, iyada oo indhii aduunku inagu soo jeedaan, sida uu sheegay rais-alwasaraha Ingiriisku. Uma arko in la sugo maaweelada UDUB ee odhanysa: “ maantana far baan maydhayaa ee hay fadhiyo geelu”. Somaliland wakhti badan ayaa ka lumay,wakhti kale oo ka lumana ma qaadi karto. Hadaba burmadka Somaliland wuxu u yaal; Golayaasha sharci dejinta, Xisbiyadda mucaardka, inta damiirka leh ee reer UDUB ee danaynaysa dalkooda iyo dadkooda. Waxa kaloo intaba ka muhimsan oo loo baahan yahay in la maqlo; codka qof kasta oo reer Somaliland ah.
Tuesday, 19 January 2010
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment