Saturday 27 February 2010

Roob ka da'ay Burco iyo nawaaxidiisa


Roob Aad Loogu Qabawsaday Oo Ka da’ay Burco iyo Nawaaxigeeda
Burco(Ramaas) Feb.26, 2010 - Roob lagu qabawsaday ayaa galabta Casarkii ka da'ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaas oo gudaha magaalada xareeda wadhay.Roobkan oo da'aayay mudo ku dhaw saacad badhkeed oo si fiican u biyo dhigay magaalada isla markaana ka da'aayay hareeraha ayaa waxa si weyn ugu qabawsaday dadweyanaha ku dhaqan gudaha magaalada.
Roobkan oo ka mid ah raxmaadkii Guga ee la filaayay oo ku soo beegmay xili ay abaar ba'ani ka jirto gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa ayaa maanta duhurkii ka curtay gobolka Togdheer iyadoo ay daruurtu ay hogonaysay gobolka maalmihii u danbeeyay balse ay qaybtii u horaysay ay maanta bilaabantay.
Roobkan biyo dhigay magaalada Burco ayaa ku soo beegmay xili maanta Salaadii Jimcaha Roob doono laga akhriyay qaar ka mid ah masaajida waaweyn ee Burco oo laga sameeyay alle bari badan.
Ramaasnews Desk
Burco

No comments:

Post a Comment