Sunday 28 February 2010

guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo wareysi ay la yeelatay Haatuf


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Xukuumada Kueedeeyay In Hantidii Qaranka Ay U Adeegsanayso Shirar Ay Ku Abaabulayso Beelaha Somaliland
“Waa La Naga Faa’iidaysanayaa Hadaanu Ummadda Usoo Ban-Dhigi Weyno Barnaamij Oo Aanu U Jihayno Yooyootan, Waxaanu Nahay Madaxdii Berito Bedelaysay Waa Inuu Noo Sheego Halkay Wax Marayaan, Anaga Oon Waxba Ogayn Barrito Kalama Wareegi Karno Xilka”

Faysal Cali Waraabe

Hargeysa February 28, 2010 (Haatuf) - Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadsa madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay in hantidii qaranka ay ku abaabulayso shirar ay beelaha Somaliland qabsanayaan, isaga oo intaa ku daray in hantida qaranka wax lagaga qabto adeegyada horumarka dalka isaga oo xukumadana uga digay inay ku bixiso dhaqaale shirarka ay qabaa’ilku qabsanayaan.

Gudoomiayaha Ucid waxa kale oo uu ugu baaqay golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada iyo guud ahaanba shacabka Somaliland inay ka midoobaan falalka nabadgalyo darada ah ee ay cadowgu la maagan yihiin sidii ay u wiiqi lahaayeen xasilonida nabadgalyada dalka iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada ee dalka ku soo fool leh.

Godoomiyaha Ucid waxa kale oo uu shacbiga u soo jeediyay in loo duceeyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin in alle ka kiciyo xanuunka uu u jiifo cusbitaalka Faransiiska.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay oo uu sidoo kale ku taageeray shirweynaha madaxdhaqameedyada beelaha habar yoonis uga socda magaalada Maydh ee gobolka Sanaag waxaana uu u dhacay waraysigaasi iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna sidan:-

S: Waxa jira wakhtigan xaadirka ah oo marxalad doorashadii madaxtooyada lagu qaban qaabinayo ay kooxaha xagjirka ah ee cadowga Somaliland kasoo horjeeda ay damacsan yihiin qorshayaal nabadgalyo daro ay kaga hortagayaan doorashooyinka miyaanay ka haboonayn doorashada horteed in nabadgalyada xoog la saaro oo laga midoobo cadowga Somaliland?

J: Waxkasta waxaynu kaga adkaanaynaa inaynu inagu horta aynu midowno oo aynaan isku jeedsan oo indhaha aynu kor u qaadno, oo hay’adaha dawliga iyo baarlamaanku wada shaqeeyaan, guurtida iyo xukuumadu wada shaqeeyaan, axsaabtu wada shaqeeyaan oo dadku aanay kala jeedsan la wada shaqeeyo, oo loo midoobo cadowga taasaa ummad lagu noqdaa, hana laga daayo qabyaaladan la xoojinayo oo waliba xisbiga Udub uu wado ee dadka uu qabyaalad doorashada u rogayo halaga daayo. Qabyaalad Somalia-yadii hore ayaa ku baaba’day arrimahaana lagama dheefo waxaan burbur ahayn iyo shacbi kala taga.

S: Gudoomiye tan qabyaalada imika aad ku eedaysay UDUB xisbiyadiina mucaaridka ayaa idinkana ay idinku eedeeyaan in dadweynaha aad ku abaabulaysaan caadifad beeleed, taasi ka waran?

J: shirirka qabaa’ilka ee la qabanayo ayay Udub dhaqaale ku bixisaa, qabiilna qaran laguma dhisi karo, qarana qabiil laguma dhisi karo

S: Ma la odhan karaa waxaad hadalkaagan ula jeedaa shirka madaxdhaqameedyada beelaha Habar Yoonis uga socda Maydh ee Sanaag ?

J: Horta waxa ceeb ah oo aan fiicnayn in Joornaaladeena lagu qoro magac qabaa’il, qabiil kaliya oo deegaan ama magaalo kaliya daga ma jiraan, haddii reer-ba dan gaara yeesho oo dhinac u baxo qaran lama noqon karayo mana haboona inaynu qaran Somaliland ah iyo qabiil is daba wadno, dadka intii Ilaahay meel wada dhigay ayaa isku dan ah, dadka reer Sanaag waa isku dan dadka Sool daga waa isku dan, dadka Badhan daga waa isku dan hadana dhamaantood waa wada Somaliland, waxaana loo baahan yahay in dadku ay horumar iyo siday wax u qabsan lahaayeen ay ku fikiraan ummadna u noqon lahaayeen laakiin reer hebel waa waxa halkaa ina dhigay, dawlada naaxinaysa ee qabaa’ilka lacagta shirarka ugu qabanaysa ha ka joojiso ayaanu leenahay ha ku bixiso dhaqaalaha dalka wixii loo doortay maaha inay qabaa’ilka ku abaabusho ee waa inay horumar ku samaysaa oo waxbarasho iyo caafimaad ku samaysa, oo darajo ciidamada siisaa, oo musharaharo macalimiinta siisaa.

S: Shirka maydh uga socda beelaha Habar Yoonis sideed u aragtaa?

J: Waxaanu nidhi haday reer Maydh shirayaan ama ay wax qabanayaan oo dekadda wax ka taraya waanu soo dhawaynaynaa, cidii wanaag wadaa way fiican tahay laakiin in dadka lagu kala qaybiyo maaha, Maydhana waa la wada degaa waa halkaynu kasoo aasaasnay, waa in loo gurmado oo la hagaajijyo laakiin in dadka qabiil lagu dhex tuuro oo waliba dawladu u horseedo ma fiicna.

S: Waxaad sheegtay in loo midoobo cadowga oo la wada shaqeeyo khilaafkana la iska ilaaliyo, hadana marka la eego hadalada dhiifta leh ee isku jeedisaan madaxweyne Rayaale iyo labadiina gudoomiye xisbi mucaarid miyaan laga faa’iidaysan Karin?

J: waa la naga faa’iidaysanayaa hadaanu anagu isku jeedsano oo barnaamij u jihayn weyno dadka oo yooyootan u jihayno dhibaataanu dadka ku keenaynaa waa inaanu dadka dhibaatada iyo yooyootanka ka daynaa oo barnaamij dawladu keentaa wixii ay qabatay sideedii sanadood ee ay xilka haysay, anagu waxaanu doonayna inaanu habkan ka belelno

S: Madaxweynaha diyaar ma u tihiin inaad kulan ka yeelataan arrimahasi?

J: Madaxweyanaha wakhti kasta ayaanu kulmi karaa oo dan guud timaado, qodobadii heshiiskana way noogu jirtay in marka dan guud timaado aanu kulano xaqna waxaanu gu leenahay madaxaynaha ilayn waxaanu nahay madaxdii berito bedelaysaye inuu na tuso halkay siyaasada arrimaha dibadu marayso, halkay nabadgalyadeenu marayso ilayn berito ka maalin anagoon waxba ogayn xilka kalama wareegayno’e waa waajib distooriya oo aanu xaq ugu leenahay, madaxweynahana waxba kuma jabna inaanu kulano colna ma nihin ee waxaanu nahay rag tartamaya.

S; Loolankii siyaasadeed ee Somaliland ee dhexdiina ka aloosna waxa lagu tilmaamaa inuu gaadhay heer noloshii la isku sad-qeeyo oo qofka oo nool la yidhaahdo wuu dhintay sida beentii laga sheegay inuu madaxweyne ku xigeenkii Axmed Yuusuf Yaasiin oo safar caafimad ugu maqan dalka Faransiiska la yidhi wuu dhintay, arrimahaasi idinku hogaamiyayaashiinu mucaaridku sideed u aragtaan?

J; Adeer waanu u ducaynaynaa madaxweyne ku xigeenka inuu Ilaahay caafimad siiyo oo uu dalka ku soo nabad celiyo, qofkastaana wuu dhimanayaa oo qof noolanayaa ma jiro, qof dhintay in lagu farxaana maba aha waxaanu leenahay madaxweyne ku xigeenka waa inagu waajib inaynu u ducayno samaduna way furan tahay oo raxmadii Allana way da’aysaaye waa inaynu dhamaanteen madaxweyne ku xigeenka u ducaynaa

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment