Friday 26 February 2010

Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Wakiillada oo Jawaab Kulul ka Bixiyey Warqad Wasiirka Xannaanada Xooluhu Qoray


Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Wakiillada oo Jawaab Kulul ka Bixiyey Warqad Wasiirka Xannaanada Xooluhu Qoray
Hargeysa (Jam)- Guddi-hoosaadka degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixiyey qoraal wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi 16 February 2010 u gudbiyey guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Wakiillada, isla markaana ah ku-simaha guddoomiyaha Md. Baashe Maxamed Faarax, kaasoo uu ku sheegay inuu la kulmi karo oo keliya guddida degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha guddida degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah Md. Siciid Maxamed Cilmi oo 21 February 2010 qoraal jawaab-celin ah u diray wasiirka xannaanada xoolaha, ayaa ku adkeeyey in isaga oo dhawraya shurrucda dalka ay waajib ku tahay inuu hortago guddida dhaqaalaha wakiillada si wax looga weydiiyo su’aalo ku saabsan dakhliga ka soo xerooda dhoofka xoolaha nool, isagoo dhinaca kalena wasiirka ku wargeliyey in guddida degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah laftoodu qorshaynayaan sidii ay ugu yeedhi lahaayeen wasiirka.

Qoraalka wasiirka xannaanada xooluhu u gudbiyey guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan; “Mudane Guddoomiye, aniga oo tixraacaya qoraalka sumadiisu tahay GW/G/19/30/2010 ee ku taariikhaysan 13/02/2010 ee aan lahaa ogaysiinta, waxaan kuu soo gudbinayaa tusmadan hoos ku qoran:

“Qoraalkaaga faqradda u horreysay waxaad ku xustay inaad ii soo gudbisay qoraallo rasmi ah oo dhan siddeed warqadood ka bilow 31/01/2010 ilaa 10/02/2010 oo macnaheedu noqonayo maalin kasta waraaq in laasoo qori jiray, taas oo u muuqata qaab ka duwan sida loo wada xidhiidho. Waxaan aaminsannahay in qoraalladaas meel kale loo qoray, qoraalkan aan jawaabtiisa kuu soo gudbinayaa waa kii kaa yimi 13/02/2010.

Wada shaqaynta Wasaaradda iyo Golaha Wakiillada ma cusba, intay hay’aduhu jireenba wenu wada shaqaynaynay, waxaase xusid mudan inaynu kuwada xidhiidhi jirnay hawlahana ku gudan jiray hab distoorka iyo xeer-hoosaadka golaha waafaqsan.

Anigoo tixgelinaya qodobadda distoorka ee aad ku xustay qoraalkaaga ee kala ah 45aad (6aad) iyo 53 (6-7aad) waxaanan kula socodsiinayaa anigoo ka duulaya qodobka distoorka 45 (3aad) ee xusaya guddi-hoosaadyada golaha ee hadda jira iyo xeer-hoosaadka goluhu ku dhaqmo.

Anigoo qaddarinaya xeer-hoosaadka golaha qodobka 18 (1aad) ee qeexaya siday u dhisan yihiin iyo intay ka kooban yihiin guddiyada goluhu iyo qodobka 20(1aad) oo xusaya in guddi kasta la xidhiidho hay’adda amma Wasaaradda ay isku shaqada yihiin.

Mudane anigoo eegaya wada shaqayntii innaga dhexeysa iyo waddadii sharciyeed oo loo marijirey, aniga oo dhowraya shuruucda inoo dejisan waxaad ila ilaalisaan dhaqan gelintooda.

Guddidii aannu wada shaqayn lahayna diyaar bay u tahay wasaaradda, guddidaas oo la yidhaahdo guddida degaanka, xoolaha beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.”

Haseyeeshee, qoraalkaas waxa jawaab ka bixiyey guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Wakiillada Somaliland, iyaga oo wasiirka ku wargeliyey in sharci ahaan iyo garasho ahaanba ay ku waajib tahay inuu horyimaado guddida dhaqaalaha, qoraalka guddida degaanku u dirtay wasiirka xannaanada xoolaha oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha guddidaas Md. Siciid Maxamed Cilmi, waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan:

“Mudane Wasiir, annagoo tixraacaya go’aanka guddiga degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee ku taariikhaysan 21/02/2010 iyo qoraalkaagii summaddiisu ahayd MoL/M/01/564/2010, kuna taariikhaysnaa 16-ka February 2010, waxaannu halkan kugu wargelinaynaa in xeer ahaan guddi kastoo ka tirsan guddi-hoosaadyada Golaha Wakiilladu xaq u leedahay inay u yeedhato masuulyiinta qaranka iyo shakhsiyaadka kale ee ay hawl ahaan ugu baahato, sidoo kalena waajib dastuuri ah tahay in masuuliyiinta qaranku u hoggaaansamaan yeedhitaanka uga yimaadda Golaha Wakiillada.

Haddaba, Mudane Wasiir, waxa sharci ahaan iyo garasho ahaanba kugu waajib ah inaad ilaaliso milgaha iyo wanaagga wada shaqaynta labadeena gole qaran, sidaa darteedna waxaannu kuu tilmaamaynaa inay waajib kugu tahay inaad hortimaaddo guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo kuugu yeedhay in aad ka jawaabto su’aalo ku saabsan dakhliga ka soo xerooda dhoofka xoolaha nool.

Dhanka kale, mudane Wasiir, waxay guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiga ahi u baahan tahay inaad mugdiga ka soorto dhawr qodob oo hawl ahaan ka mid ah hawlaha ay u xilsaaran tahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, sidaa darteedna waxaanu kugu sii wargelinaynaa inaanu qorshaynayno in aanu guddi ahaan kulan kula yeelan doono horraanta bisha soo socota ee March 2010,” ayuu guddoomiyuhu ku yidhi qoraalkiisa jawaab-celinta ah.





Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment