Monday 15 February 2010

Booliiska Wajaale Oo Si Xun U Garaacay, Xabsigana u Taxaabay Curyaan Kulmiye Taageersan .


Booliiska Wajaale Oo Si Xun U Garaacay, Xabsigana u Taxaabay Curyaan Kulmiye Taageersan .

Amarka lagu xidhay ninkan naafada ah sida la sheegay waxaa bixiyay taliyaha ciidanka bilayska dagmada wajaale oo lagu tilmaamay.....

Wajaale (GNS):- Ciidamada booliska ee dagmada tog wajaale, ayaa shalay galinkii danbe xabsiga u taxaabay Faarax Axmed Maxmed oo ahaa nin laxaad la,a isla markaana si arxan darro ah u garaacay kana tirsan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye.



Mr. Faarax Axmed Maxamed oo ku socda baaskiilad curyaan si wayna looga yaqaano magaaladaasi caana ku ah sidashada calanka xisbiga kulmiye ayaa si la sheegay ciidamada booliiska ee uu hogaamiye axmed dacawo u gaysteen jidh dil foolxun ka hor intii aanay xabsiga u taxaabin, Arintaasi oo qaar badan oo dadwaynaha ree wajaale aad uga damqadeen ugana xumaadeen.



Xadhiga lagula kacay muwaadinkan curyaanka ah ayaa sida ila xog ogaal ahi tibaaxeen waxaa uu ka dhashay maqaal Mr. Faarax Axmed Maxamed dareenkiisa gaarka ah ku cabiray oo axadii todobaadkan ku soo baxay wargayska madaxa banaan ee Geeska Afrika, kaasoo uu kaga cabanayay tacadiyo faro badan oo ciidamada amaanku ku hayaan.



Amarka lagu xidhay ninkan naafada ah sida la sheegay waxaa bixiyay taliyaha ciidanka bilayska dagmada wajaale oo lagu tilmaamay inuu yahay nin qalafsan oo tacadiyo foolxun u gaysta cidkasta oo xukuumadu ku tuhunto inuu xidhiidh la leeyahay xisbiyada mucaaradka ah.



Muwaadin Faarax Axmed Maxamed oo ah nin si wayn looga yaqaan wajaale isla markaana la nool ganacstada magalada wajaale oo iyagu quudiya, maadaama uu yahay naafo laxaad la,a oo aan shaqaysan Karin.

Gabiley News Office
Gabiley Somaliland.

No comments:

Post a Comment