Thursday 25 February 2010

gudida joogtada ee golaha guurtida oo iska dhex doortay hoggaankoodii


Guddiyo ka tirsan Golaha Guurtida oo maanta doortay hoggaan cusub
February 24th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta doortay Guddoomiye iyo guddoomiye-ku-xigeen, ka dib markii ay kulan ku yeesheen Xarunta Golaha Guurtida.

Kulankan maanta ee guddidan oo ay goob-joog ka ahaayeen 24 xubnood oo ka mid ah guddidan ay dhawaan wada-jirka u magacaabeen Shirguddoonka Guurtidu, ayaa lagu doortay ciddii hoggaamin lahayd Guddida joogtada ah oo ah guddidii uu ka dhashay khilaafkii kala qaybiyay Shirguddoonka Guurtida iyo guud ahaan mudanayaasha Golahaasba.

Kulankan maanta waxa Guddoomiye loogu doortay Xil. Muxumed Aw-Axmed iyo Xil. Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug oo labaduba ka mid ah Mudanayaasha siyaasad ahaan taageera Xukuumadda iyo garabka Shirguddoonka ee Sheekh Axmed Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali.

Guddidan maanta hoggaanka dooratay waxa kale oo ka mid ah Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo hore guddoomiye uga ahaa guddida hadda la kala diray ee uu khilaafku ka dhashay, hase ahaatee kama mid ahayn dadka u tartamayay jagadan.

Dhinaca kale, waxa iyana guddoomiye loo doortay guddida arrimaha Bulshada ee Golahaas oo guddoomiye loogu doortay Xil. Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho).

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com





No comments:

Post a Comment