Friday, 19 February 2010
Wednesday, 17 February 2010
wefdi somaliland oo mareykan tegaaya

Madaxwayne Rayaale Oo Labada Shirgudoon Ee Baarlamaanka Qoraal Kaga Dalbaday Qoondaynta Laba Xubnood Oo Ku Lug Dara Wafti Maraykanka Laga Casuumay
Ilo wareedyo u dhuun daloola marti qaadka la sheegay in dawlada Maraykanku ay u soo fidisay SL ayaa
Hargeysa,(GNS) – Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa labada shirgudoon ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada qoraal rasmiya oo uu shalay u kala qoray kaga dalbaday laba xubnood oo ku lug dari doona wafti ka socda xukuumada Somaliland oo ay dawlada Maraykanku marti qaad rasmiya u fidisay, kagana codsaday in gudoomiyayaashoodu ay laba xubnood oo ka mid ah labadooda shirgudoon soo gudbiyaan.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada iyo labada shirgudoon ee labada aqal ee Baarlamaanka, hase yeeshee ilo xogagaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu maalintii shalay qoraal rasmiya oo uu u soo kala qoray labada shirgudoon ugu sheegay inay soo diyaariyaan labadii gudoomiye ee shirgudoonkooda uga matali lahaa wafti ka socda Somaliland oo marti qaad rasmiya ay u fidisay dawlada Maraykanku, iyadoo tibaaxuhuna sheegeen in madaxweynuhu qoraaladiisaasi ku soo kala socodsiiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi ( Ciro) iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan Gaal).
Si rasmiya looma oga in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka mid noqon doono waftiga marti qaadka rasmiga ah ugu kicitimi doona dalka Maraykanka iyo inuu ka hadhi doono toona, waxayse tibaaxuhu noo sheegeen in waftiga xukuumada ka ambabixidoona ay ka mid noqon doonaan xubno ka tirsan golaha wasiiradu.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi C/casiis Maxamed Samaale ayaa iyagu wakhtigan xaadirka ah dalalka Yurub socdaal shaqo ugu maqan, iyadoo xiligana uu ku simaha gudoomiyaha wakiilada uu sii hayo gudoomiye ku xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax, ilaa hadana ma cada in gudoomiye ku xigeenka labaad waftigaasi lagu marti qaaday dalka Maraykanka uu sii raaci doono iyo in Guddoomiyuhu ka mid noqon doono, hase yeeshee shirgudoonka golaha guurtida aya iyagu dhamaantood wakhtigan xaadirka ah dalka ku sugan lamana oga in gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan waftigaasi xukuumada uu isagu ku sii lug dari doono iyo in labadiisa gudoomiye ku xigeen mid ahaani uu raaci doono.
Ilo wareedyo u dhuun daloola marti qaadka la sheegay in dawlada Maraykanku ay u soo fidisay xukuumada Somaliland oo ay weheliyaan laba xubnood oo ka tirsan labada shirgudoon ee labada aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaa la filayaa in dabayaaqada bishan February 2010-ka ay u kicitimaan dalkaasi Maraykanka.
Haafuf
Monday, 15 February 2010
Booliiska Wajaale Oo Si Xun U Garaacay, Xabsigana u Taxaabay Curyaan Kulmiye Taageersan .

Amarka lagu xidhay ninkan naafada ah sida la sheegay waxaa bixiyay taliyaha ciidanka bilayska dagmada wajaale oo lagu tilmaamay.....
Wajaale (GNS):- Ciidamada booliska ee dagmada tog wajaale, ayaa shalay galinkii danbe xabsiga u taxaabay Faarax Axmed Maxmed oo ahaa nin laxaad la,a isla markaana si arxan darro ah u garaacay kana tirsan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye.
Mr. Faarax Axmed Maxamed oo ku socda baaskiilad curyaan si wayna looga yaqaano magaaladaasi caana ku ah sidashada calanka xisbiga kulmiye ayaa si la sheegay ciidamada booliiska ee uu hogaamiye axmed dacawo u gaysteen jidh dil foolxun ka hor intii aanay xabsiga u taxaabin, Arintaasi oo qaar badan oo dadwaynaha ree wajaale aad uga damqadeen ugana xumaadeen.
Xadhiga lagula kacay muwaadinkan curyaanka ah ayaa sida ila xog ogaal ahi tibaaxeen waxaa uu ka dhashay maqaal Mr. Faarax Axmed Maxamed dareenkiisa gaarka ah ku cabiray oo axadii todobaadkan ku soo baxay wargayska madaxa banaan ee Geeska Afrika, kaasoo uu kaga cabanayay tacadiyo faro badan oo ciidamada amaanku ku hayaan.
Amarka lagu xidhay ninkan naafada ah sida la sheegay waxaa bixiyay taliyaha ciidanka bilayska dagmada wajaale oo lagu tilmaamay inuu yahay nin qalafsan oo tacadiyo foolxun u gaysta cidkasta oo xukuumadu ku tuhunto inuu xidhiidh la leeyahay xisbiyada mucaaradka ah.
Muwaadin Faarax Axmed Maxamed oo ah nin si wayn looga yaqaan wajaale isla markaana la nool ganacstada magalada wajaale oo iyagu quudiya, maadaama uu yahay naafo laxaad la,a oo aan shaqaysan Karin.
Gabiley News Office
Gabiley Somaliland.
Sunday, 14 February 2010
Cismaan Hindi ayaa Buuq iyo Muran ka dhex alloosay waftigii Xisbiga udub ee jooga Togdheer
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
Burco(Saraarnews):-Cismaan Hindi, oo ah Madaxa Ololaha Doorashooyinka ee gobolada Galbeedka Soomaliland ee Xisbiga Udub, ayaa Buuq iyo Muran ka dhex alloosay waftigii Xisbiga

Udub ee uu hogaaminaayay Xoghayaha Guud, oo hadda ku sugan Magaaladda Burco, ee xarunta Gobolka Togdheer.
Sida uu xaqiijiyay xubin goobjoog ka ahayd kulankan, talaabadan ayaa ka dhalatay , ka dib markii Cismaan Hinddi ku dhawaaqay in Xubno ka midda xubnaha sare Xisbiga Udub,kana mid ahaa waftigii xoghayah Dibadda looga saaro, shir ay maanta waftigu Udub la lahaa isu duwayaasha gobolka Togdheer, taasina ay keentay in Buuq iyo Muran weyn soo kale dhexgalo waftigii Udub.
Waxa wararku intaas ku dareen in aan ilaa hada lagaranayn sababta Cismaan Hinddi,ku kaliftay arintan inuu sameeyo,balse lagu tilmaamay in Cismaan hindi u yimi Burco, si uu baabiyo talaabooyinka Horumarka u Xisbiga Udub ka gaadhay goboladda Bariga Soomaliland,
Sidoo kale, Cismaan Hinddi ayaa la sheegay inuu loolan weyn ugu jira sidii Buuq iyo is faham la’aan uga dhex Abuuri lahaa Xisbiga Udub iyo Xoghayihiisa.
Talaabooyin Cismaan hindi ku dhaqaaqay ayaa dhalisay in walaac iyo niyad jab badan ku abuurtay taageerayashii xisbiga ee gobolka togdheer,kuwaasoo fajac iyo yaab ku abuurtay arintan cismaan hindi k u talaabsaday,taasoo ay ku micneeyeen mid uu ku ragaadiyo hawlaha iyo dardargalinta Xisbiga.
Waftiga xisbiga Udub ayaa maanta kulan gaara ku leh Huteelka uu degan yahay ee Cigaal,taas laga hadlayo falalkan xisbig ka dhanka ah ee uu Cismaan hindi ku dhaqaaqay.
Source: Togdheer

Friday, 12 February 2010
Maamulka Rayaale ayaa khilaafaadka Guurtida ka kaw ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa sheegay in Xisbigooda iyo Xukuumadduba ay farogelin doonaan Golaha Guurtida, isla markaana waxay reer Galbeedka ku eedeeyeen in uu Somaliland soo geliyay Dimuqraadiyad aanu dalka waxba ku tarin.
Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa dawladaha reer Galbeedka ku edeeyay in ay dalka soo geliyeen Dimuqraadiyad aanay waxba ku tarayn. “Waxa ina jebiyay niman reer Galbeed la yihaahdo oo Dimuqraadiyad sanka inaga soo geliyay, waxna aan inagu tarin. Waxaynu nahay dad tallaabadeeniina ka tagay, tu kalena gaadhi kari la’. Waayo, waxaynu lahayn Dimuqraadiyad dhaqan ah.” ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo u waramay Telefishanka HCTV.
Afhayeenka UDUB wuxuu sheegay in ay si cad u farogelin doonaan Golaha Guurtida Somaliland oo Shirguddoonkoodu sheegay in ay xal u waayeen khilaaf ka dhaxeeyay, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay khilaafka Golahaas. “Golahan caado uma ahayn in uu is-khilaafo, faa’iido badan ayaynu Golahaas ku qabnay oo markaynu is-af-garan wayno Siyaasad ahaan ayay ina dhex geli jireen oo ay soo af-jari jireen. Nimankan (Guurtida) Mucaaradku u tiriyaan in ay Jeebka ugu jiraan Madaxweyne Rayaale, waxay ahaayeen nimankii xalliyay khilaafkii u dambeeyay.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anagu markii hore farha waanu ka laabanay oo iyaga (Guurtida) ayaanu u daynay arrimahooda, laakiin imika gacmahayagu laabnaan maayaan anaga oo arkayna in Golaha lagu baabi’inayo talo uu Mucaaradku leeyahay, farogelintayaduna imikay bilaabmaysaa.” Waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ugu baaqay in uu is-casilo.
Afhayeenka UDUB wuxuu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale. “Madaxweynahana waxaanu leenahay ha daawan in Goluhu hortaada ku burburo, sababtoo ah fartii la qaadaba waxa la leeyahay Golaha Lacag baa la siiyay. Siday Mucaaradku u farogelinayaan, ayaanu anaguna u farogelinaynaa Golaha Guurtida.” Ayuu yidhi Cali Guray.
Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa hore u shaaciyay in ay dhexdooda ka heshiin kari waayeen khilaaf u dhaxeeyay, isla markaana waxay arrintaa xallinteeda dib ugu soo celiyeen Mudanayaasha Golahaas, iyaga oo u magacaabay arrintaa Guddi.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
wararkasomaliland@gmail.com
wabixin arrimaha laascaanood
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa,

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimbiil, ayaa falalkii Argagixiso ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaas ku eedeeyay Kooxaha dagaallada ka wada Koonfurta Soomaaliya.
Guddoomiye Maxamed Cabdi Dhimbiil oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay in falalkii ammaan-darro ee ka dhacay Magaalada Laascaanood ay u qabqabteen dad, isla markaana sharciga la hor keeni doono.
Guddoomiyuhu wuxuu falalkaas ammaan-darro ku eedeeyay Kooxaha ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya falalka ammaan-darro ee Laascaanood. “Caddeymaanu u haynaa in Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ay abaabuleen falalka ammanka wax loogu dhimanayo ee ka taagan Gobolka Sool, waxaananu soo bandhigaynaa dhawaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu sheegay inay sharciga horkeeni doonaan.

Thursday, 11 February 2010
Kulmiye oo guddi baadhis sameynaaya
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Haddii uu xisbiga ku guuleysto hawsha madaxtooyada insha alla waxaa ugu muhiimsan arrimaha uu qabanaayo in la sameeyo guddi baadhis oo madaxbannaan. waxay qabanayaan in lagu sameeyo baadhis dhab ah hantida qaranka ee sida sharci darrada loo isticmaaley. dhulka iyo gasiradaha la iibiyey. baanka, dekkedda .
Madaxtooyada, wasaaradda maaaliyadda, iyo wasaaradda xannaanada xoolaha ayaa noqon toona meelaha culeyska la saarayo. cidii wax ku caddaadaana maxkamad ayaa lataagayaa

Wednesday, 10 February 2010
Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay halkay u marayaan hawlaha diyaar-garowga Doorashadu.
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay halkay u marayaan hawlaha diyaar-garowga Doorashadu.
Afhayeenka Guddidan Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ay qaateen shaqaale cusub oo ilaa dhawr iyo toban qof.
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay dalka yimaadeen khuburadii kala-shaandhaynta agabka kaydinta Liiska cod-bixiyayaasha Doorashada, waxaanu sheegay in ay hawshaa bilaabeen, isla markaana ay qaadan doonto muddo saddex bilood ah. “Khuburadaasi dalka way yimaadeen, hawshana way bilaabeen, isla markaana waxay noo sheegeen inay muddo saddex bilood ah qaadan doonto hawshaasi.” Ayuu yidhi Mr. Geelle.
Waxa kale oo uu sheegay in dalka lagu soo celiyay xogtii Diiwaangelinta oo hore loogu qaaday dalka Kenya, magaalada Nairobi, taas oo uu tilmaamay inay hadda gacanta ku hayaan. “Xogtaas waanu haynaa, waxaana naloo soo gudbiyay iyaga oo ay goob-joog ka yihiin Axsaabtu.” Ayuu yidhi Afhayeenku.
Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Afhayeenku waxa ka mid ahayd; arrinta ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta, taas oo uu sheegay in ay si waadix ah u shaacin doonaan oo ay Bulshada u gudbin doonaan. Waxaanu intaa ku daray in ay maanta u amba-baxayaan gobollada dalka, si ay u soo dhisaan guddidii gobollada ee Doorashada.

Monday, 8 February 2010
DOON KU SOO CAARIDEY XEEBTA U DHEXAYSA MAYDH IYO LAASA SURAD
strong>Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
DOON KU SOO CAARIDEY XEEBTA U DHEXAYSA MAYDH IYO LAASA SURAD
Monday, 08 February 2010
Ceerigaabo(Togdhnews)-Wararka naga soo gaadahya magaalada laasa surad ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe halkaas ay ku soo caaryeen dad tahriibayaal ah oo qaarkood ay nool yihiin
Tahriibayaashan oo watey dooni ayaa ku qaraqantay badda waxaana la sheegayaa in mudo dhawr cisho ah ay sabaynayeen bada qaar ka mida dadkii wax tahariibinayey ayaa iyagu baxasaday ka hor intii aanay ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland qaban
Dadkan inta nool oo tiradoodu yartahay isla markana aan laogayn tirade dhabta ah ee noo sabta oo ah dadkii oo baxsaday qarkood hadan tirade soo caaridey waxay ahayd ku dhowaad 125 ilaa140 qof
Maayarka magaalada laasa surad c/risaaq maxamed saalax ayaa sheegay in ilaa hada wax gargaara oo dadkaa loo fuliyey anaay jirin in kastoo ay qayla dhaan u direen xafiiska bisha cas ee gobolka sanaag degmada ceerigaabo
Dadkan oo badankooda badan ayaa u badan dad etiopian ah waxaana weli la baadhayaa dadkale oo ku maqan
Wararka qaar yaa sheegaya in doonta ay dadkii wax ku tahriibinayey ay dadkan ku daadiyen bada
Siciid axmed tamreyse
Sanaag74@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
ceerigaabo

Saturday, 6 February 2010
Friday, 5 February 2010
Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye 20100205
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Burco: Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye Oo Rabtay In Ay Beelahaa Ka Go'do.

Burco(Ramaas) Feb.05, 2010 - Guddiga nabadgelyada gobolka Togdheer ayaa joojiyay shir ay doonayeen in ay magaalada Burco ku qabsadaan Beel ka mid ah Beelaha gabooye oo la yidhaado ilma kuul oo doonaayay in ay ka go'aan beelahaa, isla markaana ku talo jiray in ay sheegtaan in ay ku biireen Beel ka mid ah beelaha gobolka Togdheer .
Shirkan oo sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo sheegay in la doonayay in magaalada Burco lagu qabto todobaadkii tagay shir ujeeddadiisa lagu sheegay in Beel ka mid ah Beelaha Gabooye iyo xubno tira yar oo dabada ka riixayay ay ku doonayeen in ay magaalada Burco kaga dhawaaqaan in Beeshani ka baxday Beelihii uu ka tirsanaa ee Gabooye, isla markaana ay ku biirtay Beelaha Galbeedka Burco, balse ay arintaasi ka horyimaadeen hormuudka Beelaha Galbeedka Burco.
Guddiga Nabadgelyada Togdheer ayaa la sheegay in ay shirkan qabsoomistiisa mamnuuceen, ka dib markii ay soo gaadheen qoraalo iyo baaqyo isdaba joog ah oo ay hormuudka iyo wax-garadka Beelaha Galbeedka Burco ay kaga soo horjeedaan shirkaa oo ay u soo gudbiyeen guddiga nabadgelyada gobolka.
Masuuliyiinta amaanka gobolka togdheer ayaa la sheegay markii ay fariimahani soo gaadheen in ay joojiyeen si aanay rabshado uga dhicin gobolka, isla markaana ay soo saareen qoraalo ay gaadhsiiyeen dadka shirkaa waday. Waxaanay ku amreen in aanay Gobolka ku qaban karin wax shir ah oo noocaas ah, hadii ay diidaana ay talaabo ka qaadi doonaan.
Dhinaca kale, marka laga tago diidmadan ay Beelaha Galbeedka Burco shirkan kaga hor yimaadeen iyo xayiraadan ay ku soo rogeen maamulka gobolka Togdheer waxa iyana shirkan ka qayliyay Beelaha Gabooye ee ku dhaqan gobolka Togdheer, kuwaas oo Salaasadii inadhaaftay cabasho ay shirkan kaga soo horjeedaan iyo Jilibka doonaaya in uu ka go'o la hortagay xarunta maamulka gobolka Togdheer, halkaas oo ay kula kulmeen Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo u sheegay in haba yaraatee shirkan wax ka soconayaa aanu jirin Beelaha Gabooyana aan la kala jarayn dadka shaxdaa wadaana ay yihiin dad lunsan ayna joojiyeen.
Ugu dambeyntii shirkan ay Jilibkan Gabooye ee Ilma Kuul ay doonayeen in ay Burco ku qabtaan ee la xayiray ayaa la sheegay in wadamada Yurub laga soo raray oo ay dadka qaar sheegeen in ay Quwado shisheeye dabada ka riixayaan ayaa magalaada Burco si weyn loogu hadal hayay labadii Bilood ee u dambeeyay, kaas oo ay dadka ku dhaqan gobolka Togdheer qof kastaba ka yaabisay. Reerkan doonaya in ay qabiilkoodii iyo asalkoodiiba ka kuuraan oo ay u diga rogtaan beel aanay ahayn, balse hadda waxay u muuqataa sida Burco laga dareemay in ay ciyaartaasi dhamaatay oo ay soo afgo'day.
Mahad Cabdillaahi Faarax
Ramaasnews Desk
Burao
harar on February 05 2010 19:54:16 ·

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed 20100205
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed

Hargeysa(Ramaas) Feb.04, 2010 - Markab weyn oo ah nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Layla-S oo saaka waabarigii hore maraayey gacanka cadmeed ayaa waxaa weerar ku soo qaaday afar doonyood oo ay saarnaayeen budhcad badeed soomaaliyeed, waxaana ay isku wareejiyeen markabkaasi oo ay la socdeen 16 shaqaale ajaanib.
Saacad markii markabku u afduubna kooxdaasi balse aanay gudaha u gelin markabka ayaa waxaa goobta soo gaadhay laba doonyood oo ka tirsan ciidamadda Badda Somaliland oo wakhtigaasi maqlay qaylo dhaan uu markabku ku diray hoonka cida ah ee markabka, waxaana doonayahaasi ciidamadda Badda Somaliland ay rasaas oodda kaga qaadeen budhcad badeeda oo ka fakaday goobtaasi, waxaana u suurtagashay ciidamadda Badda Somaliland inay markabkaasi ammaankiisii la wareegaan isla markaana ay sababo ammaan dartood ugu soo xidheen dekedda magaalada Berbera sidaasina waxaa goor dhawayd shaaciyey wakaaladda Wararka ee lagu magacaabo phonophon post.
Markabka ayaa markii lagu soo xidhay dekedda Berbera saaka waxaa gudaha u gallay ciidamadda sirdoonka iyo kuwa ilaalada xeebaha Somaliland oo ku sameeyey baadhitaan, waxaana uu weli ku xidhan yahay markabkaasi Dekedda magaalada Berbera. waa markii labaad ee sidani oo kale ay ciidamadda Badda ee Somaliland u bad baadiyaan waxay ahayd uun dabayaqadii sannadkii hore markii markab laga lahaa dalka Shiinaha oo wadday shiidaal ayay ciidamadda Bedda somaliland bad baadiyeen.
Ramaasnews Desk
Hargeisa

Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada 20100205
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiiladaWaftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.
Waftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.
Gud. Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland mudane C/casiis Maxamed Samaale iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si rasmiya loogu casuumay shirka wadamada Common Wealthka oo haatan si rasmiya uga socda magaalada London. Shrika waxaa ka qayb galay ilaa 40 dawladood oo dhamaantood xubno ka ah Common Wealthka.
Waxa ka mid ah waftiga Gud. Xigeenka la socda mudane Aadan Tarabi Oogle oo ah xubin ka mida ah Golaha Wakiilada isla markaana kasoo baxay xisbiga Udub. Aadan waa Gudoomiyaha Guddida la dagaalanka musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada.
Muhhimada ugu weyn ee shirkani waxay ahayd Dhisida Nabadgelyada iyo Xalinta Mashaakilaadka wadamada xubnaha ka ah ururkan. Intii uu shirku socday waxaa laga hadlay dhibaatootinka ka jira wadamada qaarkood iyo sidii loo xalin lahaa arrimahaasi.
Wafiga Somaliland waxay xalay qado sharaf loogu sameeyay magaalada Belfast ee gobolka Waqooyiga Ireland. Waxa waftiga si rasmiya u qaabilay isla mraka khudbad ka jeediyay hoolka shirarka ee Dawlad goboleedka Waqooyiga Ireland gudoomiyaha Golaha Waqooyiga Ireland mudane William Hay MLA Speaker of Northern Ireland Assembly.
Waftigu waxa ay joogi doonaan waqooyiga Ireland mudo laba cisho ah. Waxaana la filayaa marka uu shirka u dhmmaado inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan masuuliyin ka tirsan baarlamaanka Britain iyo masuulyiin kaleba
Sawirada shirka London iyo hawlahii ay ka soo qabteen waqooyiga Ireland dhawaan ayaa la soo gudbin doonaa. Waxa kale oo laga heli karaa websiteka Northern

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK 20100205
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK

Birmingham (Golisnews.com)-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayaan safiiradda Somaliland u fadhiya dalalka ingiriiska iyo Ireland ayaa lagu wadaa in badhmtaha todobaadka soo socda ay kaga qayb gallaan magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka boqortooyada ingiriiska shirweyne caalami ah oo lagu wado inuu ka soo qayb gallo xogayaha arrimaha dibadda Britain David Miliband iyo Hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka David Cameroon.
Safarka M/weyne ku xigeenka oo aanay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyo guud ahaan warbaahintu aanay waxba kala soconin ayaa hadal hayntiisu wuxuu ka soo baxay ilo diblomaasyadeedyo ku dhaw madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska.
Shirweynahani caalamiga ah ee la filaayo inuu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka qayb gallo ayaa sidoo kale waxaa iman doonta diblomaasiyiin iyo safiiro ka tirsan midawga yurub, dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo sooranka (common wealth) iyo weliba diblomasiyiin ka socda dalalka waqooyiga iyo koonfurta amerika.
Sida warar lagu kalsoonyahay ay u xaqiijinayaan shabakadda Golisnews waxay wefdiga Madaxweyne ku xigeenku ku soo degi doonaan hotel ku yaalla badhtamaha magaalada Birmingham mana cadda in ay wax kulano ah la yeelan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham oo bilahii ugu danbaysay si tallan taali ah usoo dhawaynaysay hogaamiyayaasha siyaasadda Somaliland.
wixii warar ah ee arrintani ka soo kordha waxaa idinla socodsiin doona xarunta warqabadka golisnews ee West Midlands la soco
Golisnews, Birmingham
info@golisnews.com

Thursday, 4 February 2010
82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad
Hargeysa (Ramaas) Feb. 04, 2010 - Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida somaliland ayaa maanta qaddo sharaf huteelka xaraf ee magaaladda Hargeisa ugu sameeyay 82-ka xildhibaan e golahaasi ka koobanyahay.
Xafladii qaddo sharafta ahayd ka dib hadal kooban oo uu ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka koowaad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre waxa uu yidhi “ Maanta waxaan golaha iskugu yeedhay dadku waa kuwii inagu sheekaysanayee bal inay yidhaahdaan imika nimankii waxbay wadda cunayaan(guurtida), oo nimankii colba maahee, oo sidaynu moodaynayba maaha, ha layidhaahdo ayaan is leeyahay”
“Hadalka iyo waxii wax isku sheeg ahna golaheenii ayanu la tagi haddi Alle yidhaahdo. Barigii aynu xereta ahaan jirnay waxa la odhan jiray labadda kitaab wadda akhrisatay waa laba naas wadda jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahiba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.” Ayuu yidhi sh. Furre
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladii qado sharafta ahayd wuxuu aad ugu mahadnaqay gudoomiye ku xigeenkiisa oo si shakhsi ah kaligii u marti qaaday golaha oo dhan, isagoo arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi” Sheekhu wuu ku mahadsanayahy haddii uu maanta iskugu keen yeedhay, oo uu yidhi waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, haduu yidhi aad iyo aad ayuu markale ugu mahadsanyah, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay golaheeni ayaynu la tagaynaa”
Dhinaca kale, Xaaji Cabdi Xuseen Xaaji Cabdi Waraabe iyo mudane Cabdil aahi Ibrahim xirsi(Dhugad), oo labaduba ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida ayaa uga mahadnaqay gudoomiye ku xigeen ka kowaad casuumadda uu u sameeyay.
Labadaas xildhibaan waxay sheegeen in la soo gaba gabeeyay khilaafaadkii ka jiray golaha, waxaanay xuseen in goluhu u midaysanyahay gudashada waajibaadka shaqadda.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
qaraxii Laascaanood oo galaaftey kii qarxinaayey 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
WASIIRKA ARIMAHA GUDDAHA SOMALILAND MUDANE CABDILAAHI CIRO AYAA SHIR JARAID KU QABTAY MAGAALDA LAASCAANOOD
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md C/laahi Ismaaciil Cirro oo ku sugan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa saaka shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Xamdi laascaanood ku soo bandhigay cadaymihii qaraxii iyo Ninkii Habeenkii Xalay ku dhintay qarax uu soo maleegay, damacsanaana in uu qarxiyo oo isagii ku qarxay ninkan oo ahaa sida uu Wasiirku sheegay ninkii ka danbeeyey Qarxyadii hore ee ka dhacay Magaaladda Laascaanood wasiirka ayaa soo bandhigay Mobile iyo Remote uu u adeegsanyay ninkani qaraxan .
Wasiirka ayaa sheegay in ay saaka ugu dul tageen ciidamadu goobtii qaraxu ka dhacay nin,Ninkaas oo ahaa ninkii damcasanaa in uu fuliyo qaraxaa balse ay u suurta gali wayday oo ay ka fashilantay , hadalada wasiirkana waxaa ka mid ahaa .
“Xalay waxa dhacay 7:30 Fiidnimo qarax nasiib wanaagse Maadama oo ay habeen ahayd waxaanu goosanay in aanu ciidamda ku wareejino goobta oo ay heegan ka galaan eeriyada oo aan cidi u dhawaan anaga oo ka cabsi qabnay in kii waynaa uu qarsoon yahay oo marka la isu soo baxo oo madax iyo ciidamoba wixii yimaada inay ku qarxiyaan sidii caadada u ahayd nasiib wanaag xalay oo dhan ciidanku meeshi gaadh ayuu ka hayay saaka subaxnimadii waxa lagula kulmay nin mayd ah oo ah ninkii dhigayay miinadaasi ama walxahaas qarxa waxaana la yidhaa miinaystuhu mar kaliya ayuu khaldamaa markaasna uu dhintaa isaga oo islahaa wax galaafo ayay isaga galaaftay nasiib wanaag macluumaad badan ayaa laga helay oo baadhis ku jirta oo aanu baadhista ka dib uun sheegi doono waxaanuse ummadda reer Somaliland gaar ahaan reer laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ba uga mahad celinayanaa sida feejigan ee ilaa hadeer ay uga taxadirsan yihiin isuguna duuban yihiin waxaanu ka codsanaynaa kuna adkaynaynaa nabadgelyadu qof kasta waa u dan ganacsatda waa u dan oo wadaadka waa u dan oo masaajidka la tagi mayo oo madaaarista la tagi maayo oo iskuul la tagi mayo oo shaqo la tagi mayo oo wax talaabo laga qaadin oo la isku duubnaan markii shalay aynu isu nimi waxaynu Alle ka barinay in Alle fashiliyo cida wax wada waxaana muuqata in uu Alle inaga aqbalay fashilaadaas ayaana ku timi ninkii isku dayay in uu waxan sameeyo arintuna baadhis ayay ku jirtaa macluumaad fiicaan oo raad raac fiican lehna waanu ka helanay inshaa Allah na way soo gabogaboobmi doontaa ”
Warqabadka ToggaHerer
Hargeisa
Somaliland
HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)
Qarax xoog weyn oo gebi ahaanba gilgilay magaalada Laascanood 20100204
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Qarax Weyn Oo Gilgilay Caawa Magaalada Laas-Canood Wakhti Ay Ciidamadda Ammaanku Bandoo Saareen Magaalada

Laascanood (Golisnews.com)-- Qarax xoog weyn oo gebi ahaanba laga maqlaayey magaalada Laascanood ayaa caawa fiidkii gilgilay badhtamaha magaalada wakhti ay ciidamadda ammaanka ee magaalada Laas-canood ay ku jireen hawl gallo ay ku hayeen magaalada gudaheeda isla markaana is gaadhsiinta magaaladdu ay go'antahay.
Weriyaha Golisnews ee magaalada Laascanood oo aanu goor dhawayd kula xidhiidhnay khadka isgaadhsiinta ee la shaqeeya Satteliteka ee loo yaqaan Thuraya ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi uu dhaca wakhti gebi ahaanba dhaq dhaqaaqii magaalada ay joojiyeen ciidamadda ammaanku, Weriye Kabadhe ayaa noo sheegay in aanu xaqiijin karin khasaaraha uu gaystay qaraxani iyo welib goobta uu ka dhacay iyadoo ciidamadda ammaanku sababo amaanka la xidhiidha ay joojiyeen isku socodkii magaalada ee xilliga habeenkii.
wixii warar ah ee ku soo kordha qaraxani kala socda Golisnews
Golisnews, Laascanood

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland 20100204
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal canaan iyo digniin culus xambaarsan u diray Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, isla markaana dalbay inuu golaha yimaad maalinta Sabtida ee soo socota, kadib markii sida la sheegay uu ka dhego-adaygay qoraallo ay dhawr jeer hore u direen guddi-hoosaadka dhaqaalaha wakiillada si ay wax uga weydiiyaan arrimo la xidhiidha cashuuro wasaaraddiisu ka qaado dhoofka xoolaha nool.
Qoraalka Md. Cirro u diray Dr. Idiris oo ku taariikhaysan 1 January 2010, kuna beegan Axaddii toddobaadkan ka hor intii aannu guddoomiyuhu u ambabixin socdaal uu ugu kicitimay dalka Sweden oo uu kaga qaybgelayo shir caalami ah, waxa uu Wasiirka Xannaanada Xoolaha ku adkeeyey inuu Sabtida foodda innagu soo hayso hortago Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada si uu tafaasiil uga bixiyo lacago aan sharci ahayn oo wasaaraddiisu ka qaado xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera, isla markaana masuuliyadooda hore wasaaradda maaliyaddu hore isaga fogaysay.
Qoraal guddida dhaqaaluhu 30 January 2010 ku socodsiiyeen Guddoomiyaha Wakiillada oo Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah, ayaa lagu sheegay in wasiirka xannaanadda xooluhu diiday inuu u hoggaansamo dastuurka Somaliland, kadib markuu si badheedh ah u diiday inuu horyimaad guddida dhaqaalaha sida uu waajibinayo qodobka 53aad ee dastuurka qaranku.
Qoraalka guddida dhaqaaluhu u gudbiyeen guddoomiyaha Golaha waxa uu u qornaa sidan; “
“Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Ujeeddo: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Diiday inuu u hoggaansamo Distuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiye, waxaan suurtogalayn hawlgudashada guddida haddii aan hawlwadeennada xukuumaddu ku dhaqmayn Distoorka Qaranka.
Waxa Guddoomiye, qoraallo iyo xidhiidho badan oo aannu la sameynay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, taas oo keentay in Wasiirku si cad oo badheedha u diiday inuu guddida horyimaaddo, si guddidu u waydiiso xogta ku saabsan takaaliifta iyo lacagta laga qaado xoolaha dhoofaya, taas oo sababtay cuno-qabatayn iyo takoor ganacsatada dhexdooda ah, iyadoo xaqii ganacsiga xooluhu gacanta u galay cid gaara ah amma kooto (Monopoly).
Haddaba, Guddoomiye arrinka Wasiirka iyo xogta ganacsiguba waxay ku xidhan tahay tallaabada Goluhu ka qaado.”
Hadaba markii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) arkay warqadda guddida dhaqaalaha, waxa uu wasiirka xannaanadda xoolaha u diray qoraal uu ku xasuusinayo in masuulkasta oo marka loo yeedho Golaha horiman waayaa uu ka baydhay haybada iyo hannaanka dawladnimo, isla markaana uu si caddaan ah u baalmaray dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal, isaga oo wasiirka ka dalbaday inuu guddida horyimaado maalinta Sabtida ee taarikhdu tahay 6 February 2010.
Warqadda canaanta iyo digniinaha is-huwan ah ee Guddoomiye Cirro u qoray wasiirka, ayaa sida qoraalka ka muuqata ka dambaysay qoraal guddiga dhaqaalaha ee Wakiilladu guddoomiyahooda kaga codsadeen 30 Janu 2010 inuu Dr. Idiris ku amro inuu horyimaad, kadib markii uu dhegaha ka furaystay inuu u hoggaansamo ilaa shan qoraal oo guddi-hoosaadka dhaqaaluhu kaga codsadeen inuu horyimaad si ay wax uga weydiiyaan lacago aan qaadisteedu ansaxsanayn, isla markaana ku jirin miisaaniyadda dawladda oo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ka qaaddo xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera.
Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu si kulul ugu canaantay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, waxa uu ku wargeliyey wasiirka hadduu ka baaqsado inuu guddiga dhaqaalaha hortago Sabtida in Golaha Wakiilladu ka qaadi doono tallaabada ku habboon ee sharciga ah, waxaannu dalbay inuu u hoggaansamo shuruucda dalka u yaal.
Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu u qoray wasiirka waxa uu u dhignaa sidan; ““Mudane Wasiir, aniga oo tixraacaya warqadda tirsigeedu yahay GW/G/19/18/2010, kuna taariikhaysan 30/01/2010, taas oo guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu iigu soo wargeliyeen in aad ka baaqsatay kulamo shaqo oo guddidu kuugu yeedhay. Qoraalladaas oo dhammaantood ogaysiin ay guddidu hore ii siisay oo aan ka warqabay.
Haddaba, sida ku cad dastuurka qaranka qodobkiisa 53aad, farqadihiisa 6aad iyo 7aad oo qeexaya in golaha iyo guddiyada goluhuba ay awood dastuuriya u leeyihiin inay u yeedhaan masuuliyiinta qaranka si ay wax uga waydiiyaan hawshalaha ay qaranka u hayaan.
Masuul kasta oo golaha hor ima waaya marka uu goluhu amma guddi u yeedho waxa uu si caddaana u baalmaray dastuurka iyo shuruucda qaranka u degsan, waxaannu ka baydhay haybadii iyo hannaankii dawladnimo, taas oo ay ka dhalanayso qawaaniin hor leh.
Sidaa darteed, waxaan kugu wargelinayaa in aad ka soo qaybgashid kulanka shaqo ee guddidu kaa dalbatay maalinta Sabtida 06/02/2010, 9:39am, si ummadda loogu wada adeego qaranka loogu shaqeeyo.”
Dastuurka Somaliland oo dadweynuhu 31 May 2001 ku ansixiyeen 97%, ayaa waajibinaya in Golaha Wakiiladda iyo guddiyada Goluhu u yeedhi karaan wasiiradda ama madaxda dawladda si wax looga weydiiyo gudashadda xilkooda, iyada oo masuulkii arrintaa didaana jabinayo qodob dastuuri ah oo uu ku mutaysan karo maamuus ka xayuubin iyo in maxkamad la soo taago sida ku cad qodobka 96aad ee dastuurka.
Qodobka 53aad ee dastuurka qaranka ee ka hadlaya awoodaha iyo waajibaadka Golaha Wakiilladu, isla markaana awood u siinaya inay u yeedhi karaan masuuliyiinta dawladda, waxa uu u qoran yahay sidan;
“1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.
2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka¬sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.
3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo¬saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.
4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakiilada & Golaha Guuritda) oggolaansho.
6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.”
Masuuliyiinta dawladda iyo xukuumadda talladda haysaa hadii ay u hoggaansami waayaan qodobka 53aad ee dastuurka iyo 7-da farqadood ee uu ka kooban yahay, waxay mutaysan karaan in lagu qaado qodobka 96aad ee dastuurka oo ka hadlaya eedaaynta iyo maamuus-ka-xayuubinta madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiiradda.
“1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha lagu soo oogo dembiyada kala ah:¬
b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama
t. Ku xad gudubka Dastuurka.
Waxa ku soo oogi kara madaxweynaha ama/iyo madaxweyne-ku-xigeenka dambiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).
2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax¬bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.
3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.
4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.
5. Waxa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice), Maxkamadaas oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.”
Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa 20100204
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa.

"Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban" Suldaan Maxamed C/qaadir
Kulan Baroor diiq ah oo lagu xusayo Sannad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale(Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa
Waxana Masuuliyiin tiro badan oo ka soo qayb galay ay si ba’an u weerareen Xukuumada Madaxwayne Rayaale gaar ahaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegeen in uu ka baxay balantii uu qaaday dhimashada Xoghayaha guud ka dib in Agoontii uu Xoghayuhu in loo dhiso Guri Hanti ah.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tallaabada Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay mid ayaan daro ah in Madaxwaynuhu uu sidaa ku dhaqaaqo kana baxo balantii uu dhigay. Taasina ay ka sii daran tahay In dayntii uu Xoghayuhu u soo galay Xisbiga ilaa maanta loo haysto Eheliyada Dadkii uu ka tagay Marxuum Bulaale. “Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban. Waxaan leeyahay Madaxweyne wixii aad balan qaaday fuli ama waxba uma qaban karo dheh.”
Waxa kale oo isaguna Xuskaasi hadal ka jeediyay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray ayaa isaguna muujiyay sida uu uga xun yahay in Madaxwaynuhu aanu u qiimayn Marxuumkaasi “ oo ahaa” buu yidhi “Nin Xisbiga iyo Qarankaba ku wayn, hadii aanu fullin karaynin ha noo caddeeyo anaga ayaa Guri u dhisi Caruurtii Marxuumkee, Dayntii uu u galay Xisbiga Udubna ka bixin doonee”
C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan, oo ku hadlayay Magaca Dhallinyarada Xisbiga Udub ayaa sheegay in ay tahay arin laga qoomamoodo iyada oo la xusayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub in ay Madasha ka maqnaadaan Masuuliyiintii Xukuumada, arintanina ay caddaynayso in Xisbiga aanay joogin cid garanaysa milgaha iyo Xurmaha qof ahaaneed hadii uu dhinto iyo hadii uu Nool yahayba. Jagadii ama Xilkii uu Marxuum Bulaale banneeyayna aan loo dhiibin cid buuxin karta.
Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Somaliland Saciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa Dadkii baroor diiqdaasi hadalka ka jeediyay ayaa yidhi “Xuska Shahiid Maxamed Ismaaciil Bulaale ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee cidii soo abaabushay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin. laakiin Maxamed nin xisbi iyo nin qabiil waligii muu ahayn oo wuxuu ahaa mid hawl qaran uun hayay illaa maalintii uu ka geeriyooday. Waxaan ka codsan lahaa qoladii xafladan soo abaabushay inay xaflad labaad loo sameeyo oo tan ka balaadhan oo ay ka soo wada qeyb galaan dadkii yaqaanay taariikhdiisa ee reer Somaliland oo dhami.”
Waxaanu Wasiirku ka gaabsaday in uu sheego in Xukuumada Madaxwayne Rayaale ay balantii kaga baxday iyo hadii ay bixinayso labadaba. isagu ka gaabsada
Xafladaasi oo ahayd mid Baroor diiq ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray, Suldaan MaxamedC/qaadir, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Siciid Sulub Maxamed, Salaadiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah carruurtii iyo ehaladii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Wednesday, 3 February 2010
siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203
Somaliland-Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Subscribe to:
Posts (Atom)